Muxuu yahay xanuunka hantavirus ee la xaqiijiyay inuu ka dillaacay gudaha markabka dalxiiska ee Atlantic?

Sawirka markabka dalxiiska ee MV Hondius

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Yang Tian
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Saddex qof ayaa dhintay kadib markii la tuhmay in cudurka hantavirus uu ka dhex dillaacay markab dalxiis oo ku socda Badweynta Atlaantikada, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Hal kiis oo hantavirus ah ayaa la xaqiijiyay, halka shan kiis oo kale oo la tuhunsan yahay ay weli baaritaan ku socdaan.

WHO ayaa u sheegtay BBC in "baaritaanno faahfaahsan" oo ku saabsan kiisaska la tuhunsan yahay ay "wali socdaan, oo ay ku jiraan tijaabooyin dheeraad ah oo shaybaar ah."

Dillaacitaanka cudurka ayaa laga soo sheegay markabka dalxiiska ee MV Hondius, kaas oo ka soo baxay Argentina kuna sii jeeday Cape Verde.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa waxa aan ka ognahay hantavirus.

Waa maxay hantavirus?

Hantavirus waa nooc fayrasyo ah oo ay qaadaan jiirka, waxaana badanaa dadka uu ugu gudbaa neefsashada walxo hawada ku jira oo ka yimaadda saxarada jiirka ee qallashay.

Caabuqyada badanaa waxay dhacaan marka fayrasku hawada ku faafo ka dib marka uu ka yimaado kaadida, saxarada, ama candhuufta jiirka, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC).

In kasta oo ay aad u yar tahay, haddana fayrasku wuu ku faafi karaa qaniinyada ama xagashada jiirka.

Fayrasku wuxuu keeni karaa laba cudur oo halis ah. Midka koowaad waa Hantavirus Pulmonary Syndrome (HPS), kaas oo inta badan ku bilaabma daal, qandho, iyo murqo‑xanuun, kadibna ay raacaan madax‑xanuun, dawakh, qabow, iyo dhibaatooyin caloosha ah. Haddii calaamadaha neef‑mareenka ay soo baxaan, heerka dhimashadu waa qiyaastii 38%, sida ay sheegtay CDC.

Cudurka labaad waa Haemorrhagic Fever with Renal Syndrome (HFRS), kaas oo ka daran kan hore isla markaana inta badan saameeya kilyaha. Calaamadaha dambe waxaa ka mid noqon kara cadaadis‑dhiig oo hooseeya, dhiig‑bax gudaha ah, iyo shaqo‑gab kilyaha ah oo degdeg ah.

Intee kiis oo Hantavirus ah ayaa laga soo sheegay guud ahaan adduunka?

Qiyaastii 150,000 kiis oo HFRS ah ayaa sanad kasta ka dhaca caalamka, badankoodna waxa ay ka dhacaan Yurub iyo Aasiya, sida lagu sheegay warbixin ka timid Machadyada Qaranka ee Caafimaadka (NIH). In ka badan kala bar kiisaskaas ayaa caadi ahaan ka dhaca Shiinaha.

Xogtii ugu dambeysay ee Mareykanka ayaa muujineysa in intii u dhaxaysay 1993—markii la bilaabay dabagalka hantavirus—ilaa 2023, ay dalka ka diiwaan gashanaayeen 890 kiis.

Si kastaba ha ahaatee, fayraska Seoul—oo ka mid ah noocyada ugu waaweyn ee hantavirus kana yimaada jiirka Norway (oo sidoo kale loo yaqaan jiirka bunniga ah)—ayaa laga helaa adduunka oo dhan, oo uu ku jiro Mareykanka.

Sidee loo daweeyaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma jiro daaweyn gaar ah oo loogu talagalay caabuqyada Hantavirus.

CDC‑du waxay ku talisaa daryeel taageero ah si loo yareeyo calaamadaha, kaas oo ka mid noqon kara bixinta oksijiin, isticmaalka mashiinka neef‑siinta, dawooyinka ka hortagga fayraska, iyo xitaa sifeynta kilyaha.

Bukaannada leh calaamado daran waxaa laga yaabaa in lagu daweeyo isbitaalka, gaar ahaan qaybaha daryeelka degdegga ah (ICU). Xaaladaha aadka u daran, qaar ka mid ah bukaannada waxaa laga yaabaa in lagu xiro tubbo neefsasho ah.

CDC‑du waxay sidoo kale ku talisaa in la tirtiro ama la yareeyo xiriirka jiirka ee guryaha ama goobaha shaqada si loo dhimo halista fayraska.

Hay'addu waxay ku boorrinaysaa in la xiro meelaha guryaha laga soo geli karo sida qolalka hoose ama bakhaarrada saqafka hoose oo ay jiirku ka geli karaan guryaha.

Sidoo kale, waxaa lagu talinayaa in la xirto qalab ilaalin ah marka la nadiifinayo saxarada jiirka si looga fogaado neefsashada hawada wasakhaysan.

Ma waxaa jiray kiisas dhowaan la arkay oo hantavirus ah?

Bishii Febraayo 2025, Betsy Arakawa, oo ahayd xaaska jilaaga ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee Gene Hackman, ayaa u geeriyootay xanuun la xiriira neef‑mareenka oo lala xiriiriyay Hantavirus.

Baareyaasha caafimaadka waxay aaminsan yihiin in Arakawa ay qaadday Hantavirus Pulmonary Syndrome (HPS) — oo ah nooca ugu caansan ee laga helo Maraykanka — kaas oo sababay geerideeda.

Buulal jiir iyo jiir dhintay ah ayaa laga helay dhismayaal ka baxsan gurigeeda, halkaas oo iyada meydkeeda laga helay.

Diiwaannada booliska ayaa muujiyay in Arakawa ay internet‑ka ka baaraysay macluumaad ku saabsan calaamadaha hargabka iyo Covid‑19 maalmo ka hor inta aysan geeriyoon.