''Tehran waxa ay usii adkaysan kartaa cunaqabataynada Afar-bilood'' – CIA

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.
Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
Waxa ay CIA falanqaysay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalanaysa xanibaadyada Maraykanka aysan wax u gaysanayn Iiraan afarta bilood ee soo socota. Sarkaal Maraykanka oo xaaladan la socda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in labada dhinac ay muujinayaan doonitaan joojinta dagaalka ah, cadaadiska Maraykanka ee Iiraan waa mid xadidan.
Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan CIA ayaa isagan ku tilmaamay taxliilinta CIA ''Been''. Waxa uu sheegay in cunaqabataynta Iiraan ay ku salaysan tahay in ''leedahay saamayn dhab ah ayna sababtay hoos u dhac dhab ah oo ku yimid – saamaynta ganacsiga, hoos u dhaca dakhliga iyo guul daro dhaqaale oo xoog u socota''
Muddooyinkii u dambeeyay labada dal waxa ay is-weydaarsadeen weeraro xooggan oo gudaha ama banaanka marinka Hormuz ah iyada oo xabbad-joojin ay jirto. Waxaa sidoo kale la weeraray UAE Jmcihii.
Washington waxa ay sugaysaa jawaabta Iiraan ee la xiriirta qorshaha heshiiskeeda nabadda ee ay soo bandhigtay.
Qorshaha waxaa ku jira wadahadal la xiriira barnaamijka nukliyeerka iyada oo ah tan ugu muhiiimsan ee dagaalka.
''Waxaan doonayaa in aan maqlo wixii maanta dhacay,'' Xooghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sidaas u sheegay wariyayaasha isaga oo ku sugan Rome. ''Waxaynu iyaga ka sugaynaa jawaab.''
Wasiirka ayaa Jimcihii sheegay Tehran ay weli ka fikirayso jawaab, laakiin aysan weli midna ka hayn
Isku-dhaca Marinka Hormuz
Ciidamada Iiraan iyo Maraakiibta dagaalka Iiraan ayaa isku-weydaarsaday rasaas marinka Hormuz, sida ay tabisay wakaalada wararka Iiraan ee Fars.
Wakaalada kale ee Tasnim News Agency ayaa iyaduna baahisay in milatariga Iiraan ay sheegeen xaaladu ay hadda degen tahay. Laakiin waxa uu sheegay in weerar kale uu dhici karo.
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay u jawaabeen laba Markab oo dagaal oo Iiraa ay leedahay kadib markii la weeraray diyaarad dagaal.
Dhankeeda Iiraan waxa ay jartay maraakiibta kasoo gudbaya marinka tan iyo bilowgii dagaalka.
Maraykanka dhankiisa waxaa tan iyo bishii aynu soo dhaafnay uu xannibaadyo kusoo rogay dekedaha Iiraan. Xaaladan waxa ay kordhisay qiimaha shidaalka caalamka. waa shan meelood hal meel meesha uu ka yimaado shidaalka caalamka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khamiistii Trump waxa uu sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta uu yahay mid weli taagan oo jira.
Isku dhacyada ka baxsan marinka Hormuz. Waxaa la weeraray Imaaraatka. Wasiirkooda Difaaca ayaa sheegay inay ka hortageen laba gantaal iyo saddex diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo uga yimid dhanka Iiraan. Ilaa saddex qof ayaa ku dhaawacmay.
Intii lagu guda jiray dagaalka, dalalka Gacanka oo ay ku jiraan Imaaraatka ayaa sheegay in saldhigyadii milatariga Maraykanka ay weerartay Iiraan. UAE ayaa sheegtay weeraradii u dambeeyay ee Iiraan kuwo ''aad u daran''
Iiraan waxa ay qaaday weeraro kadib mashruucii uu ku dhawaaqay ee ''Project Freedom'' ee lagu difaacayay Maraakiibta maraysa marinka Hormuz muddo 48 saacadood ah.
Iiraan waxaa ay ku eedeysay Maraykanka inay burburinayso xabbad-joojinta, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu mar kasta uu muujinayo awood milatari, waxaana uu sheegay doonitaanka kale ee furan uu yahay ''marka diblomaasiyada xalkeeda uu yahay mid furan''
Iiraan ''waligeed isuma liidayso xoog'' Abbas Araqchi ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.
Iiraan waxaa weli laga filayaa jawaabta ay ka bixiso soo jeedinta Maraykanka ee wadahadalada ee ay soo bandhigtay Jimcihii, sida uu sheegay Marco Rubio.
''Waxaam rajaynayaa in aynu soo bandhignay wax ad, waxaan ahay daacad,'' ayu uku yiri intii uu ku guda jiray booqashadiisa Talyaani.












