Ma waxaa la gaaray dhamaadka dagaalkii Iran iyo Maraykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Iran ay ku dhow yihiin inay ku heshiiyaan joojinta dagaalka.
Sida laga soo xigtay wargeyska Mareykanka ee Axios, Aqalka Cad ayaa muujiyay inuu ku dhow yahay in la gaaro heshiis xabbad joojin ah.
Sida warbixinta lagu sheegay, soo jeedinta Aqalka Cad ayaa ah dukumeenti ka kooban hal bog oo ka kooban 14 qodob.
Dalabka qaar ayaa ah in Iran ay joojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka, in laga qaado cunaqabateynta, iyo in la furo marin biyoodka Hormuz.
Mashruuca Nukliyeerka iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz ayaa ah arrimo ay isku maandhaafeen labada dal.
Sida laga soo xigtay wargeyska Axios, soo jeedinta Maraykanka ayaa ka kooban shuruudo dhiirigelinaya joojinta dagaalka.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Maraykanku uu filayo in uu jawaab ka helo Iran 48 saacadood gudahood balse waxa uu wali sii wadaa go'doominta dekedaha Iran.
Trump wuxuu muujiyay in heshiis dhacayo
Ebrahim Rezaei, oo ah afhayeenka golaha ammaanka ee baarlamaanka Iran, ayaa ku tilmaamay arrinta "rajo"
Rezaei waxa uu sheegay in ay " feejigan yihiin oo ay diyaar yihiin" haddii Maraykanku diido heshiiska.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bakeei ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ISNA in weli la tixgelinayo soo jeedinta Mareykanka ee ah in dagaalka la soo afjaro.
Bakei waxa uu sheegay in Iran ay soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan soo jeedinta Maraykanka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan.
Intaa waxaa dheer, isaga oo qoraal ku daabacay shabakadda X Bakei, wuxuu sheegay in "Wadaxaajoodyadu ay u baahan yihiin ugu yaraan dadaal dhab ah si loo xalliyo khilaafka."
"Wadahadalku wuxuu u baahan yahay niyad wanaag, tani waxay ka dhigan tahay in gorgortanku aanu macnaheedu ahayn dood, jujuub, khiyaano ama adeegsiga xoog," ayuu raaciyay.
Maxay yiraahdeen khubaradu?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khubarada ayaa sheegay in heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka ay adag tahay in la gaaro, isla markaana loo baahan yahay geeddi-socod dheer, gaar ahaan marka ay timaado arrinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Weriyaha Aqalka Cad Bernd Debusmann, oo uu weheliyo khabiirka siyaasadda Holly Dagres, ayaa sheegaya in maamulka Trump aanu ku qanci doonin heshiis kasta haddii aan si buuxda looga hadlin arrinta mashruuca nukliyeerka.
Waxa kale oo jira shaki haddii laalista "Mashruuca Xoriyadda" iyo oggolaanshaha xorriyadda socodka marin-biyoodka Hormuz ay dhalinayso heshiis degdeg ah.
Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa Pentagon-ka ayaa BBC-da u sheegay, "Haddii heshiiskan is-fahamka la gaaro, waxay xaqiijin doontaa sii deynta maraakiibta xiran, waxayna noqon doontaa tallaabo weyn oo lagu soo afjarayo dagaalka."
Dhinaca kale, Xarunta Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ee CENTCOM ayaa ku dhawaaqday inay duqeyn ku dhufteen Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Iiraan oo marayey Gacanka Cumaan, taasi oo u diidaysa inuu sii wato Safarkiisa.
Milateriga Mareykanka ayaa baraha bulshada ku sheegay in markabka shidaalka qaada ee M/T Hasna uu isku dayay inuu aado deked Iran ah inkastoo Mareykanka uu xayiraad saaray.











