TOOS, Trump: Ciidamada badda ee Mareykanka waxay u dhaqmayaan "sida burcad badeedda" marka ay go’doomiyaan ciidamada badda ee Iran

Qiyaastii laba toddobaad ka hor, Trump wuxuu sheegay in askar ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ay rasaas ku fureen kaddibna ay qabsadeen markab xamuul ah oo calanka Iiraan wata oo marayay gudaha Gacanka Cumaan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump: Ciidamada badda ee Mareykanka waxay u dhaqmayaan "sida burcad badeedda" marka ay go’doomiyaan ciidamada badda ee Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay u dhaqmeen “sida burcad‑badeed” isagoo ka hadlaya qabsashada markab intii lagu jiray go’doominta ay Mareykanku saareen dekedaha Iiraan, sida ay werisay Agence France‑Presse (AFP).

    “Waxaan fuulnay markabka oo waxaan la wareegnay gacan‑ku‑hayntiisa. Waxaan la wareegnay xamuulkiisa iyo saliidda. Waa ganacsi aad u faa’iido badan,” ayuu Trump ka sheegay isu‑soo‑bax ka dhacay Florida.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ay dadkii goobta joogay sacbinayeen, ayuu yiri: “Waxaan nahay sida burcad‑badeed. Si uun ayaan u nahay burcad‑badeed, balse kama dhigno ciyaar.”

    Qiyaastii laba toddobaad ka hor, Trump wuxuu sheegay in askar ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ay rasaas ku fureen kaddibna ay qabsadeen markab xamuul ah oo calanka Iiraan wata oo marayay gudaha Gacanka Cumaan, markii uu isku dayay inuu jebiyo go’doominta badda ee Mareykanka.

    Isbarbardhigga Trump ee dhaqdhaqaaqa badda ee Mareykanka iyo burcad‑badeednimo ayaa imanaya xilli khubarro dhinaca sharciga ah ay ka digayaan xiritaanka Marinka Hormuz ee ay Iiraan sameysay iyo qorshayaasheeda ku aaddan inay canshuur ama khidmad ku soo rogaan maraakiibta halkaas ka gudubta.

    Tehraan ayaa si wax ku ool ah u xirtay marinka biyaha kaddib billowgii ololaha weerarrada cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iiraan, kuwaas oo bilaabmay 28‑kii Febraayo.

    Bishii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay go’doomin lagu soo rogay dekedaha Iiraan, kaddib markii wadahadalladii nabadda ay ku guuldarreysteen inay wax horumar ah sameeyaan.

    Warar dheeraad ah:

  2. "Mareykanka oo ka been sheegaya xaddiga dagaalka Iran" - Araqchi

    Iran

    Xigashada Sawirka, TANSIM

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Waaxda Difaaca ee Mareykanka (Pentagon) ay bixinayso macluumaad aan sax ahayn oo ku saabsan kharashka dhabta ah ee dagaalka ka dhanka ah Iiraan.

    Hadalkaasi waxa uu yimid kaddib markii Wasiirka Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, uu sheegay in Mareykanku ku bixiyay qiyaastii 25 bilyan oo doollar dagaalka.

    Isaga oo uga jawaabaya sheegashooyinkaasi bartiisa X, Araqchi waxa uu sheegay in Pentagon‑ku been sheegayo, isaga oo ku dooday in tallaabooyinka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay illaa hadda Mareykanka ugu kaceen 100 bilyan oo doollar, taas oo afar jibbaar ka badan qaddarka si rasmi ah loo shaaciyay.

    Araqchi waxaa kale oo uu sheegay in kharashaadka dadban ee ku dhacaya canshuur‑bixiyeyaasha Mareykanka ay ka sii badan yihiin, isaga oo tilmaamay in kharashka bille ah ee ku dhacaya qoys kasta oo Mareykan ah uu ku dhowaanayo 500 oo doollar, isla markaana uu si degdeg ah u sii kordhayo.

    Waxa uu sheegay in siyaasadda loo yaqaan “Israel first” (Israa’iil mudnaan leh) ay ka dhigeyso Mareykanka mid dib u dhacaya.

    Hadalkan ayaa imanaya xilli Wasiirka Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, uu hortagayo Guddiga Adeegyada Hubaysan ee Golaha Wakiillada, isaga oo difaacaya adeegsiga dagaal ka dhan ah Iiraan.

    Hegseth waxa uu sheegay in kharashka dagaalka illaa hadda lagu qiyaasay 25 bilyan oo doollar, isaga oo ku adkaystay in kharashaadkaasi ay ahaayeen kuwo lagama maarmaan ah si looga hortago in Iiraan hesho hub nukliyeer ah.

    Warar dheeraad ah:

  3. Iiraan oo sheegtay inay suurto-gal tahay in dagaalku dib u qarxo

    Mohammad Jafar Asadi, oo ah ku‑xigeenka kormeeraha Taliska Dhexe ee Khatam al‑Anbiya, ayaa sheegay in dib u bilaabashada colaad u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay tahay “mid suuragal ah.”

    Isaga oo hadlayay, waxa uu sheegay in “caddeymo ay sidoo kale muujiyeen in Mareykanku u hoggaansami waayay wax ballan‑qaad ama heshiis ah.”

    Mr. Jafari waxa uu sheegay in ficillada iyo hadallada mas’uuliyiinta Mareykanka “inta badan ay yihiin kuwo warbaahin uun ah, markii hore si looga hortago hoos u dhaca qiimaha saliidda, marka labaadna si ay uga baxsadaan xaaladda adag ee ay iyagu abuureen.”

    Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay “si buuxda ugu diyaarsan yihiin” jawaab kasta oo suuragal ah.

    Waxaa laga joogaa ku dhowaad saddex toddobaad tan iyo markii uu bilowday xabbad‑joojin jilicsan oo u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka, inkasta oo xabbad‑joojintu jirto, haddana Marinka Hormuz weli wuu xiran yahay.

    Sidoo kale akhri:

  4. War deg deg ah, Iiran oo xukun ku fulisay rag ay ku eedeysay inay u basaasayeen Israa'iil

    Garsoorka Iiraan ayaa sheegay inuu daldalay laba maxbuus oo lagu kala magacaabo Yaqoub Karimpour iyo Nasser Bekerzadeh, kuwaas oo lagu eedeeyay “la shaqayn sirdoon iyo basaasnimo” ay u sameeyeen Israa’iil.

    Sida ay hay’addu sheegtay, xukunka dilka ee labadoodaba waxaa ansixiyay Maxkamadda Sare ee Iiraan.

    Garsoorku waxa uu sheegay in Yaqoub Karimpour “uu sii waday iskaashi wax ku ool ah oo uu la lahaa hay’adda Mossad, isla markaana uu intii uu socday dagaalku u diray macluumaad qaran oo xasaasi ah sarkaal ka tirsan Mossad.”

    Hay’addu waxaa kale oo ay sheegtay in Nasser Bekerzadeh “uu lahaa dhaqdhaqaaqyo laga shakisan yahay oo ka jira goobaha xasaasiga ah.”

    Garsoorku waxa uu ku dooday in Mr. Bekerzadeh, “amarrada sarkaal Mossad ah awgeed, uu ururiyay faahfaahinta shakhsiyaad muhiim ah oo dowladeed, diin iyo gobolba leh, iyo sidoo kale xarumo muhiim ah sida aagga Natanz, kaddibna uu u gudbiyay wakiilka hay’adda.”

    BBC-du ma awooddo inay si madax‑bannaan u xaqiijiso eedeymahan.

    Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hawl‑wadeennada bulshada madaniga ah ayaa muujiyay walaac ku aaddan kororka tirada daldalaadda, iyaga oo u arka habraaca maxkamadeynta iyo soo saarista xukunnadan kuwo ebinaya xuquuqda aadanaha.

    Warar dheeraad ah:

  5. Ragga doobnimada ku raaga oo guurkooda ka dib laga dayrinayo caafimaadka caruurta ay dhalaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ragga go’aansada inay guursadaan markay gaaraan da’da 35 sano jir ayaa laga sheegay inay halis sare ugu jiraan in ilmaha ay dhalaan noqdaan dhicis ama inuu haleelo xanuunka ootiisamka.

    Intaa waxaa dheer, sannad kasta shahwadu waxay ku dhacda hoos u dhac weyn oo xagga tirada iyo tayada ah, taas oo adkeyn karta isku dayga in la dhalo.

    Tan waxaa lagu darsay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro mid lagu sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ee Mareykanka, kaas oo lagu falanqeeyay xogta in ka badan 40 milyan oo dhalasho ah.

    Guud ahaan, khataraha hooyada ka soo daahda hooyonimada waa mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, laakiin iyaguna waxay dareensan yihiin dhibka wey ee uurka marka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano jir.

    Guud ahaan, khataraha hooyadu ku soo daahato ayaa ah mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, haweenkuna waxay ogyihiin dhibka weyn ee uurku marka ay da'doodu u dhaxayso 35 ama 40 jir.

  6. Trump oo amray sii deynta xogo ku saabsan makhluuqaadka aan la aqoon ee UFOs

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu amri doono hay'adaha dowladda inay sii daayaan dukumentiyo ku saabsan UFO-yada iyo makhluuqaadka aan la aqoon (Alliens)

    Trump wuxuu sheegay inuu amri doono hay'adaha ammaanka ee Maraykanka, oo ay ku jirto Xoghayaha Difaaca, inay "bilaabaan aqoonsiga iyo sii deynta" dukumentiyada dowladda ee la xidhiidha waxyaabaha aan la garanayn.

    Toddobaadkii hore, madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in "walxahan runtii ay jiraan" markii wax laga weydiiyay dad-u-keyaahsa loo yaqaan UFO.

    Trump ayaa intaas ku daray isagoo sheegay in Obama uusan ahayn inuu shaaciyo xogtaas sirta ah, wuxuuna sheegay in hay'adaha dowladda ay sii deyn doonaan baaritaannada ku saabsan UFO-yada iyo makhluuqaadka shisheeye ee la tuhunsan yahay.

    "[Obama] ma ahayn inuu sidaas yiraahdo. Wuxuu sameeyay qalad weyn," ayuu u sheegay wariyeyaasha.

  7. Maraykanka oo soo saaray digniin adag, yeyse ku socotaa.

    Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa uga digtay shirkadaha maraakiibta inay bixiyaan khidmadaha lagu marayo marin-biyeedka Hormuz ee loo dhiibayo Iiraan, oo ay ku jiraan qaab deeqo samafal ah oo la siinayo ururada sida Ururka Bisha Cas ee Iiraan, maadaama ay taasi horseedi karto in lagu soo rogo cunaqabatayn ciqaab ah.

    Marin-biyeedka Hormuz waxaa loo arkaa mid ka mid ah waddooyinka badda ee ugu muhiimsan, waxaana mara qiyaastii 20 boqolkiiba gaadiidka badda ee qaada shidaalka ceyriinka ah iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka.

    Tehran ayaa soo jeedisay in khidmadaha ama canshuuraha laga qaado maraakiibta marta marin-biyeedka, taas oo qayb ka ah soo jeedimaha lagu soo afjarayo dagaalka kala dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil.

    Bayaan ay soo saartay Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay ka warqabto codsiyada Iiraan ee ah in la bixiyo lacago lagu beddelayo xaqiijinta badbaadada maraakiibta marta marin-biyeedka

  8. Waa kee dalka kaliya ee Afrika ee Shiinuhu ka reebay canshuur dhaaf dhoofinta ah oo uu sameeey dhammaan dalalka kale

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Shiinaha ayaa joojin doona canshuuraha dhoofka badeecadda ee dhammaan dalalka Afrika laga bilaabo Jimcaha - marka laga reebo Eswatini, oo xiriir la leh Taiwan.

    Laga bilaabo Disembar 2024, Shiinuhu wuxuu horey u hirgeliyey siyaasad canshuur la'aan ah oo ku wajahan 33 waddan oo Afrikaan ah oo ah kuwa ugu horumarsan. Siyaasaddu hadda waxay ku wajahan tahay 53 waddan, waxayna jiri doontaa ilaa 30-ka Abriil 2028. Ma cadda waxa dhici doona intaas ka dib.

    Beijing waxay ku faantay inay tahay dhaqaalaha ugu horreeya ee bixiya fursad canshuur bilaash ah Afrika.

    Laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iyadoo Shiinuhu uu ka faa'iideysanayo fursadda uu ku kobcinayo awooddiisa jilicsan, in canshuuraha ay yihiin waxa ugu yar ee caqabadda ugu weyn ee dhoofinta Afrika ku ah.

  9. Dukaanka kaliya ee khamriga lagu iibiyo ee Sacuudiga oo khamrigu gabaabsi ka noqday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dukaanka kaliya ee rasmiga ah ee lagu iibiyo khamriga ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhammaaday sahaydii oo ay ku jiraan biir, khamri, iyo tequila, ka dib markii carqaladda ka dhalatay dagaalka Iiraan ay dib u dhigtay raridda alaabta, sida ay sheegeen dad booqday dukaanka.

    Dukaankan oo ku yaal xaafadda diblomaasiyiinta ee magaalada Riyadh, kaas oo aan lahayn magac iyo calaamad midna, ayaa la furay sanadkii 2024 si uu ugu adeego diblomaasiyiinta aan Muslimka ahayn, halka sanadkii hore la ballaariyay si loogu adeego ajaaniibta qaniga ah ee aan Muslimka ahayn ee dalka degan.

    Si rasmi ah, xayiraaddii guud ee Sacuudi Carabiya saarnayd khamriga tan iyo 1952-kii ayaa weli shaqeyneysa, balse boqortooyadan aadka u adag ayaa oggolaatay hal dukaan oo sharciyeysan iyada oo isku dayaysa inay soo jiidato ajaaniib badan.

    Hase yeeshee, hadda khaanadaha inta badan waa madhan yihiin, waxaana yaalla oo keliya noocyo qaali ah ama aan la aqoon, sida ay sheegeen shan qof oo booqday dukaanka Riyadh maalmihii la soo dhaafay.

    Mid ka mid ah diblomaasiyiinta reer Galbeedka, oo ku hadlay shuruud ah in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in uusan jirin khamri cad, ayna "yaalliin oo keliya dhawr dhalo oo khamri cas ah oo qaali ah".

  10. Hadalkii uu yiri wiilka Soomaaliga ah ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga

    .

    Xigashada Sawirka, @RTErdogan

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.

    Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.

    Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.

    "waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.

    Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.

  11. Pentagon oo shaaciye khasaaraha dhaqaale ee Iiran ka soo gaaray go’doominta Maraykanka

    Warbaahinta Axios, ayaa ka soo xigatay wasaaradda difaaca Mareykanka, in go’doominta Maraykanak ee gacanka Cumaan ay ka hor istaagtay Iiraan qiyaastii dakhli dhan 4.8 bilyan oo dollar oo ay ka heli jirtay saliida, taasoo loo arko mid ka mid ah aaladaha cadaadiska ugu waaweyn ee uu qaatay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu jiray wadahadallada Tehran.

    Warbixinta ayaa lagu sharraxay in xayiraaddan, oo bilaabatay 13-kii Abriil, ay keentay in la weeciyo in ka badan 40 markab oo isku dayay inay maraan gobolka iyagoo wata shidaal ama agab mamnuuc ah, halka 31 markab oo shidaaka qaada oo ay ku raran yihiin ilaa 53 milyan oo fuusto oo shidaalka Iiraan ah oo qiimihiisu yahay ugu yaraan 4.8 bilyan oo doollar, ay weli ku xayiran yihiin gacanka, marka lagu daro laba markab oo ay ciidamada Mareykanku xireen.

    Saraakiisha Pentagon-ka ayaa xusay in markii xarumaha keydka dhulka ee Iiraan ay gaareen xadkii ugu sarreeyay, ay bilowday Iiran inay u isticmaasho maraakiibta shidaalka ee duugga ah xarumo keyd oo sabeynaya, halka maraakiib qaar ay qaadeen waddooyin dhaadheer oo qaali ah si ay shidaalka u gaarsiiyaan Shiinaha, iyagoo ka fogaanaya in ciidamada badda ee Mareykanku ay qabtaan.

  12. Maraykanka oo xulufadiisa Bariga Dhexe ka iibinaya hub qiimihiisu gaarayo 9 bilyan oo dollar

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay inay hub milataeri ka iibinayso xulufadeeda Bariga Dhexe oo laga xusay dalalka Israa’iil, Qatar, Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta kaas oo qiimihiisa lagu sheegay wax k abadan 8.6 bilyan oo dollar.

    Tani waxay imaanaysa iyadoo dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan uu galay toddobadkiisii sagaalaad, oo ay ku jirto saddex toddobaad oo xabbad-joojin aan cago badan ku taagnayd ay ka dhex dhaqan gashay dhinacyada

    Iyadoo lagu salaynayo go'aankan, waxaa la ansixiyay iibinta adeegyada sahayda iyo taageerada nidaamka difaaca hawada iyo gantaallada ee Patriot ee loo dhoofinayo dalka Qatar, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 4 bilyan oo doollar, iyo sidoo kale nidaamyada hubka ee saxda ah ee horumarsan (APKWS) oo qiimahoodu yahay 992.4 milyan oo doollar.

    Sidoo kale waxaa la ansixiyay iibinta nidaam isku-dhafan oo taliska dagaalka ah oo loo dhoofinayo dalka Kuwait, kaas oo qiimihiisu yahay 2.5 bilyan oo doollar, iyo iibinta nidaamyada hubka ee saxda ah ee horumarsan (APKWS) oo loo dhoofinayo dalka Israa'iil, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 992 milyan oo doollar.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale ansixisay iibinta nidaamyadan oo kale oo loo dhoofinayo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 147 milyan oo doollar.

  13. Trump oo sheegay in dagaalka Iiraan uu dhammaaday basle qorshe kale daba dhigay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay una sheegay Kongareeska Maraykanka in dagaalka Iiraan uu “dhammaaday” balse wuxuu intaa ku daray "Ma doonayno in aan arrinta ka tagno xilli hore si aanan ugu qasbanaan in aan ku soo laabanno si aan u xallino mar dambe."

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale isku dayay inuu xoojiyo doodda ah inuusan u baahnayn ogolaansho uga timaada sharci-dejiyeyaasha Mareykanka si uu u sii wado dagaalka.

    Warqad uu u diray madaxda Kongresska Jimcihii, May 3, markii uu soo dhawaaday waqtigii loo qabay in warbixin ku saabsan dagaalka loo gudbiyo hay’adda sharci dejinta, Mr. Trump ayaa ku dhawaaqay in aan wax isdhaafsi rasaas ah oo dhexmaray iyaga iyo Iran tan iyo xabbad-joojintii la gaaray.

  14. Trump oo sheegay inuusan oggolaan doonin in "dad waalan" ay haystaan hubka nukliyeerka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in dalkiisu uusan oggolaan doonin in "dad waalan" ay haystaan hubka nukliyeerka, isagoo ku adkaystay in Mareykanka uu ka shaqeyn doono in la "baabi'iyo hub kasta oo khatar ku ah caalamka, gaar ahaan hubka nukliyeerka".

    Trump ayaa intaas ku daray in “beegsiga barnaamijka nukliyeerka ee Iran ay ahayd tallaabo lagama maarmaan ah,” isaga oo ku dooday in “haddii aan sidaas la sameyn lahayn, Iran ay awoodi lahayd inay burburiso Israel iyo dalalka Bariga Dhexe.”

    Wuxuu tilmaamay in howlgallada milateri ee Mareykanka ay sababeen burburka ciidamada badda ee Iran, isagoo sheegay in "159 maraakiibta dagaalka Iiraan ay meesha ka saareen kuwaas uu sheegay inay hadda daadsan yihiin gunta badda."

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan si degdeg ah uga bixi doonin ka shaqeynta arrinta Iran, isagoo ku daray: "Ma doonayno in aan arrinta ka tagno xilli hore si aanan ugu qasbanaan in aan ku soo laabanno si aan u xallino mar dambe."

  15. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah xubin jirka oo muhim ah'

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

  16. Waa kee dalka kaliya ee Afrika oo dhan Shiinuhu ka reebay canshuur dhaafka uu u sameeyey dhammaan dalalka kale ee Qaarada

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Shiinaha ayaa joojin doona canshuuraha dhoofka badeecadda ee dhammaan dalalka Afrika laga bilaabo Jimcaha - marka laga reebo Eswatini, oo xiriir la leh Taiwan.

    Laga bilaabo Disembar 2024, Shiinuhu wuxuu horey u hirgeliyey siyaasad canshuur la'aan ah oo ku wajahan 33 waddan oo Afrikaan ah oo ah kuwa ugu horumarsan. Siyaasaddu hadda waxay ku wajahan tahay 53 waddan, waxayna jiri doontaa ilaa 30-ka Abriil 2028. Ma cadda waxa dhici doona intaas ka dib.

    Beijing waxay ku faantay inay tahay dhaqaalaha ugu horreeya ee bixiya fursad canshuur bilaash ah Afrika.

    Laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iyadoo Shiinuhu uu ka faa'iideysanayo fursadda uu ku kobcinayo awooddiisa jilicsan, in canshuuraha ay yihiin waxa ugu yar ee caqabadda ugu weyn ee dhoofinta Afrika ku ah.

  17. Afar faa'iido caafimaad oo ay leedahay in aad banaanka aado xilliga roobku da'ayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Laga soo bilaabo udgoonka gaarka ah ilaa walxaha taban ee uu ku sii daayo hawada, roobku wuxuu faa'iidooyin cajiib ah u leeyahay jirka bini'aadamka, gaar ahaan hagaajinta niyadda.

    Roobabku kaliya ma keenaan yaraynta kulaylka, laakiin daraasaduhu waxay muujinayaan inuu sidoo kale wanaajin karo niyadda, nadiifiyo hawada, kiciyo xusuusta iyo caawin karana jirka inuu dego.

    Waxay ahayd maalintii lixaad oo isku xigta oo heerkulku dareemay inuu kor u dhaafay 38 darajo Celsius magaalada New Milford, Connecticut, markii cirku bilaabay inuu isu beddelo midab guduudan oo naxdin leh.

    Waxa aan hoggaaminayey aqoon-is-weydaarsi bannaanka ah, waxa aan arkay ka qaybgalayaashii oo aad ula yaaban daruur dheer oo foolxun oo naga dul wareegaysa.

    Isla markiiba, onkod ayaa gariiray, waxaana cirka isku shareeray hillaac sidii shabkada caarada oo aan sinnayn.

  18. Trump oo qoraal u diray hoggaamiyaasha Kongareeska iyo waxa uu kaga hadlay

    Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay Kongareeska in colaaddii u dhexeysay United States iyo Iran ay “dhammaatay” sababo la xiriira xabbad-joojin socota, isaga oo ku dooday inuusan u baahnayn oggolaanshaha sharci-dejiyeyaasha ee dagaalka.

    "Ma jirto wax is-rasaasayn ah oo dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Iiraan tan iyo 7-dii Abriil, 2026," ayuu madaxweynuhu u qoray hoggaamiyeyaasha Congress-ka. "Colaaddii billaabatay 28-kii Febraayo, 2026 waa la soo afjaray."

    Tani waxay ku beegantay maalintii 60aad tan iyo markii uu si rasmi ah Kongareeska ugu wargeliyay weerarro ka dhan ah Iran.

    Sharciga Mareykanka ayaa ka doonaya inuu “joojiyo isticmaal kasta oo Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka” muddo 60 maalmood gudahood ah ka dib ogeysiintaas haddii aanu Kongareesku oggolaan sii wadidda.

  19. Trump oo wariyaasha u sheegay war cusub oo ku saabsan Iiraan

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa ku dooday in waqtiga uu hakad ku jiro xilliga kama dambaysta ah ee lagu doonayo in lagu helo oggolaanshaha Congress-ka ee ku saabsan dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran, xitaa iyadoo su'aalo ku saabsan in heshiis uu soo dhow yahay ay weli taagan yihiin.

    Jimcahii maanta ah ayey ku beeganayd maalintii 60-aad tan iyo markii Trump uu si rasmi ah ugu wargeliyay Congress-ka duqeymaha ka dhanka ah Iran ee la qaaday 2-dii Maarso. Sharciga Mareykanka ayaa ku qasbaya madaxweynaha inuu "joojiyo adeegsi kasta oo ka yimaada Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka" muddo 60 maalmood gudahood ah laga bilaabo ogeysiiska noocaas ah - isagoon haysan oggolaanshaha Congress-ka.

    Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa sheegay in colaadda Iran ay "joogsatay", isagoo hoosta ka xarriiqay in xabbad-joojin ay dhaqan gashay horraantii bishii Abriil.

    In kasta oo ay jirto xabbad-joojin, labada dhinac ayaan weli gaarin heshiis waqti dheer ah oo lagu gaaro wadahadallo, in kasta oo warbaahinta Iran ay Jimcaha soo werisay soo jeedin cusub oo ka timid Tehran oo loo diray Pakistan.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA ayaa werisay in soo jeedin ku saabsan wadahadallo lala yeesho Mareykanka loo diray dhexdhexaadiyayaasha Pakistan. Wakaaladda wararka ma aysan daabicin faahfaahinta, mana cadda in soo jeedintu ay gaartay Mareykanka.

    Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii galabnimadii u sheegay weriyeyaasha: "Waxaan hadda wada-hadal la yeelanay Iran. Aan aragno waxa dhici doona. Laakiin, waxaan dhihi lahaa kuma faraxsani."

    Wuxuu sheegay in heshiiska uu adkaaday in la gaaro qayb ahaan sababtoo ah hoggaanka Iran oo "aad u wareersan", ka dib markii tiro ka mid ah saraakiishooda ugu sarreeya milateriga lagu dilay dagaalka.

    Trump ayaa sheegay in Khamiistii ay xarunta taliska dhexe ee Mareykanka ee Central Command ay u soo bandhigtay xulashooyin, kuwaas oo u dhexeeyey "in si xun loo burburiyo oo la soo afjaro weligood" ilaa "in heshiis la galo".

  20. Yurub iyo Ameerika oo sii kala fogaanaya, Trump oo canshuuro dheeraad ah ku soo rogaya Yurub

    Donald Trump ayaa kordhinaya tariifada laga qaado baabuurta caadiga ah iyo kuwa xamuulka ee ka yimaada Midowga Yurub 25%.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in aysan u hoggaansamin "heshiisyada ganacsiga ee aan si buuxda ugu heshiinay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Truth Social, laakiin ma uusan sharaxin sida.

    "Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in toddobaadka soo socda aan kordhin doonno tariifada laga qaado Midowga Yurub ee baabuurta iyo xamuulka," ayuu yiri Trump Jimcihii.

    Heerka hadda ee tariifooyinka laga qaado badeecadaha Mareykanka ka soo gala Midowga Yurub waa 15%, sida uu dhigayo heshiis laga wada xaajooday bishii Luulyo ee la soo dhaafay. Ku dhawaaqista ugu dambeysay ee Trump ayaa muujineysa xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Washington iyo Brussels.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images