Ragga doobnimada ku raaga oo guurkooda ka dib laga dayrinayo caafimaadka caruurta ay dhalaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ragga go’aansada inay guursadaan markay gaaraan da’da 35 sano jir ayaa laga sheegay inay halis sare ugu jiraan in ilmaha ay dhalaan noqdaan dhicis ama inuu haleelo xanuunka ootiisamka.
Intaa waxaa dheer, sannad kasta shahwadu waxay ku dhacda hoos u dhac weyn oo xagga tirada iyo tayada ah, taas oo adkeyn karta isku dayga in la dhalo.
Tan waxaa lagu darsay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro mid lagu sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ee Mareykanka, kaas oo lagu falanqeeyay xogta in ka badan 40 milyan oo dhalasho ah.
Guud ahaan, khataraha hooyada ka soo daahda hooyonimada waa mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, laakiin iyaguna waxay dareensan yihiin dhibka wey ee uurka marka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano jir.
Guud ahaan, khataraha hooyadu ku soo daahato ayaa ah mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, haweenkuna waxay ogyihiin dhibka weyn ee uurku marka ay da'doodu u dhaxayso 35 ama 40 jir.
Ifafaale sii kordhaya ee soo noqnoqda

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku takhasusay taranka aadanaha kana mid ah kooxda daawaynta ee Rede D'Or - Hospital São Luiz Itaim, ee São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah u qaabisho rag waaweyn oo doonaya inay ilmo ku dhex dhalaan.
"Waxaan arkaa bukaanno 50 ama 60 jir ah oo guur labaad kula jira naag ka yar oo raba inay uur yeelato," ayey tiri
Su'aasha ay weydiiyaan xirfadlayaasha caafimaadku waa: waa maxay khatarta ah in la noqdo waalid ka weyn?
Guud ahaan, habka taranka ee ragga wuxuu ku shaqeeyaa caqli-gal ka duwan kan dheddigga.
Halka dumarku ay leeyihiin tiro xaddidan oo unugyo galmo ah ama gametes, marka laga hadlayo ragga, wax-soo-saarka shahwada oo bilaabma xilliga qaan-gaarka wuxuu sii socdaa inta ay nool yihiin oo dhan.
Laakiin inkasta oo wax soo sarta gametes raggu uu yahay mid joogto ah, haddana Tayada habkani maaha mid la mid da’gaara
Oo halkan waxay timaaddaa su'aasha muhiimka ah: inkasta oo wax soo saarka gametes lab ah uu yahay mid joogto ah, balse marka aan da'danahay, waa dabiici in unugyadaas ay soo saaraan tiro yar oo ay leeyihiin cillado badan.
Cilladahan, ayaa iyaguna ka hortagi kara bacriminta.
Cilmi-baadhisyada qaar ayaa tilmaamaya, xitaa marka la isku dayo in la dhalo lagu guulaysto, ay jirto khatar ah in ilmuhu si joogto ah ula kulmo xaaladaha caafimaadka qaarkood, laga bilaabo neefsashada oo yaraada wakhtiga dhalashada ilaa autismka.
Waxa ay cilmi-baadhisyadu sheegeen

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
lagu ogaaday in aaba da'da weyn ku dhala ilmo ay khatarta weyn ilmihiisu la kulmi karaan.
Ragga doonaya inay caruur dhalaan marka da’doodu gaarto 35 sano waxay leeyihiin khatar sare oo ah in ilmahoodu ku dhashaan miisaan yar, qalal, ama u baahandan hawo farsamo ah si uu u neefsado isla dhalashada ka dib.
Dadka da'doodu ka weyn tahay 45 sano waxay 14% aad ugu dhowdahay inay dhalaan ilmo dhicis ah halka kuwa ka weyn 50 ay leeyihiin 28% khatarta sare ee dhallaanka u baahan inuu waqti ku qaato qaybta daryeelka degdegga ah.
Qoraaga cilmi-baaristan Michael Eisenberg, oo ah borofisar ku takhasusay urology ayaa caddeeyay in tirooyinkaas aan loo fasirin qaylo-dhaan. Ra'yigiisa, natiijadu waxay caawisaa qoysaska inay si wanaagsan u qorsheeyaan oo ay ula socdaan hadba sida loo baahdo.
"Waxaa jira u janjeera in la eego arrimaha hooyada marka la qiimeynayo khatarta la xiriirta dhalashada. Laakiin daraasaddeenu waxay muujineysaa in dhalmada cunugga caafimaad qaba ay tahay dadaal kooxeed, da'da aabaha ayaa sidoo kale wax ku biirisa," ayuu yiri Michael Eisenberg.
Cilmi-baariyso kale oo soo baxay sanadkii 2017-kii ayaa arrintan si isku mid ah u dhigay taas oo tilmaamay khatar sii kordhaysa ee la xiriirta waalidka da’ada weyn ee cudurka autism ee ilmaha.
Sidaas oo kale cilmi-baadhistu waxay tilmaantay in 10-kii sannadoodba mar ay korodho da’da aabuhu, ay 21% ka badan tahay suurtogalnimada in ilmuhu ku dhaco xanuunkan, kaas oo la xidhiidha dhibaatooyinka xagga xidhiidhka, is-dhexgalka bulshada iyo hab-dhaqanka.
Saynis weli si hubaal ah ugama jawaabi karo sababta tani u dhacdo.
Laakiin inkasta oo tayada iyo tirada shahwada ay hoos u dhacday sannadihii la soo dhaafay, haddana u janjeera ayaa ah in gametes-ka ugu fiican uu noqdo mid guuleysta oo mid iyaga ka mid ah uu bacrimiyo, taas oo yaraynaysa khatarta caafimaadka ilmaha, ayuu caddeeyay Alfredo Canalini, oo ah madaxa bulshada Brazil. ee Urology.
















