Muxuu yahay kiniinka laga isticmaalo Soomaaliya ee digniinta laga soo saaray?

Dawada Pregabalin ayaa lala xiriiriyay tiro dhimasho ah oo adduunka oo dhan ah, laakiin isticmaalayaal badan ayaa ka gata dawadan suuqa madow.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka laga isticmalo kiniinkan balse waxaa jira khataro badan oo caafimaad oo laga digay inuu leeyahay kiniinkan oo marna dawo loo isticmaalo marna loo adeegsado maandooriye ahaan, sida uu BBC-d u sheegay Dr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cismaan (Shihaab) oo ka ku takhakhusay cudurrada guud kana howlgala isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.
Waa maxay pregabalin, maxaase loo isticmaalaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pregabalin waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuunno ay ka mid yihiin qallalka, suuxdinta, maskaxda, neerfaha iyo yaraynta walaaca si la mid ah dajinta dareemada jirka.
Dhaqaatirta ayaa u qora bukaanada dawadan marka ay ka helaan cuduradan,balse bukaanada qaar ayaa mararka qaar isticmaala xad ka badan kii loo qoray taas ayaana sababta khataro caafimaad oo adag.
“Dawadan marka la isticmaalo waxay leedahay saamayn hurdo badan, xanuun baabi’iye ama welwelka oo kaa yaraada, marka qofku si uun ha ku helo ama dhaqtar ha u soo qoree, qofka wuxuu u isticmaala in ka badan, aniga waxaaa isoo maray qof igu dhahay waxaa isticmaalay toddobo xabo, marka sidaas hadday dhacdo waxaa imaanaysa inuu qofku joogtooyo, ka dibna uu qabatim,” ayuu Dr. Shihaab.
Saamaynta taban ee daawdan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah dadka isticmaala pregabalin ayaa ugu yeera “mid wax dajisa ” sababtoo ah waxay qofka isticmaala siisaa dareemaan nasasho leh , iyo mid wax dajinaysa.
In xaddi badan laga isticmaalo ama lagu daro dawooyin kale waxay sababtaa in ku keento qofka isticmaalay suuxdin ama dgibaato dhanka neefsashada ah.
Sida uu BBC-da u sheegay dhakhtar Shihaab, dawada ayaa dadka qaar ku keeni kartaa inay la,aanteed dawada noolaan kari waayaan, shaqaysan kari waayaan ama nolosha oo ka sagsaagto
“Dawadan waxaa loogu talagay in waqti cayiman la isticmaalo sidoo kalana tiro go’an la qaato tusaale ahaan hal kiniini ama labo taas oo dhaqtar xadiddo, laakiin haddi waqtii loogu talaya sida bil ama laba bil ka badan isticmaalo waxay ku keeni kartaa halis caafimaad” ayuu yiri dhakhatar Shihaab.
Opioids iyo pregabalin waxay wada shaqeeyaan si ay u gaabiyaan neefsashada. Daawada degdega ah ee loo yaqaan naloxone, oo ka shaqeysa saameynta opioids, ma laha wax saameyn ah oo ay kaga hortagto saameynta pregabalin.
Ma la qabatimaa Pregabalin?
Haddii qofku dawadan isticmaalo muddo dheer waxaa suura gal ah sida ay xogaha caafimaadku qeexayaan inuu la qabatimo aakhirkiina la noolaado taaso jaangoyn ku yeelata hababka nololeed ee qofka.
‘‘Saamaynta dajinta ee Pregabalin mararka qaarkood lagu tilmaamo 'euphoria dabacsan' - waxay la macno tahay in isticmaaleyaasha qaarkood ay dhayalsadaan awoodda daroogada ee laqabsiga waqti ka dib’’
Ku-tiirsanaanta pregabalin waxay si gaar ah khatar ugu tahay kuwa sida qabatinka leh u adeegsada.
‘‘Dadka qaar waxay dareen wax jir ahaaneed marka ay iska joojiyaan ama uu muddo ka maqnaano marka waa marka ay timaado arrinta ah qabatinka” ayuu BBC-da u sheegay Dhakhtar Shihaab.
Sidee dawadan looga isticmaalaa Soomaaliya?
Sida uu BBC-da u shegay Dr. Shihaab, dawada Pregabalin waa mid laga helo goobaha isbitaallada iyo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka ee Muqdisho.
‘‘Haa, waa laga helaa Soomaaliya waana lagu iibiyaa farmashiyaasha iyo goobaha kale ee dawada,laakin waxay u baahan tahay in si la mida wadamada kale si gaara loogu hayo isha” ayuu intaas ku daray dhakhtar Shihaab.
Wuxuu intaa ku daray in marka la eego caalamka dawadan kaliya lagu bixiyo warqad dhaqtar si looga taxadaro waxyeellada ay sababi karto iyadoo ah dawo loo adeegsado in cuduro lagu daweeyo.
‘‘Sida loo adkeeyey dawadan xitaa dhakhaatiirta oo dhan ma wada qoran kaliya waxaa qora dhakhtarka neerfaha, goobaha caafimaadkuna ma bixiyaan ilaa qoraalka dhakhtar noocaas oo kale inuu qofku sido oo u soo qoray mahaa, taas macnaheedu waa sida looga taxadarayo,” ayuu yiri Dr. Shahaab.
Imisa dhimasho ayaa lala xiriiriyay pregabalin?
Pregabalin waxaa lagu soo bandhigay Maraykanka iyo Ingiriiska sanadkii 1993kii.
Daraasad lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee Nature Communications ayaa ku qiyaastay in tirada qiyaasta pregabalin iyo daawada gabapentin ee la midka ah ee maalin kasta laga qaato adduunka ay kordheen in ka badan afar laab intii u dhaxaysay 2008 iyo 2018.
In ka badan siddeed milyan oo dawooyin ah oo loogu talagalay pregabalin ayaa laga buuxiyay England 2022. Sannadkaas, 441 dhimasho oo lala xiriiriyay daroogada ayaa laga soo sheegay England iyo Wales.
Sanadkii 2023-kii, warbixinta dhimashada xad dhaafka ah ee sanadlaha ah ee Australia ayaa lagu sheegay in ay tahay 887 dhimasho ah oo lala xiriiriyay.
















