Wiilka Museveni: Waa kuma wiilkan hore ugu hanjabay inuu Nairobi qabsan doono ee haatan loo magacaabay xil sare?

Uganda

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa wiilkiisa, Gen Muhoozi Kainerugaba, u magacaabay taliyaha ciidamada dalkaas.

Kainerugaba ayaa hore u ahaa la taliyaha madaxweynaha, booskaas oo loo dhiibay kaddib markii laga qaaday xilka taliyaha ciidamada lugta, sababo la xiriira qoraallo uu soo dhigay barta X.

Wuxuu xilkan kala wareegayaa Gen Wilson Mbado, oo loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

Warbahainta gaarka loo leeyahay ee The Monitor ayaa shalay ku warrantay in magacaabidda Kainerugaba ay imaaneyso maalmo kadib markii uu Museveni isbeddel ku sameeyay ciidamada.

Kainerugaba waxaa ku xigeen looga dhigay Lt Gen Samuel Okiding. Museveni ayaa ku dhawaaqay magacaabidda wiilkiisa kadib markii isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Cinwaanka hoose waa ciwaanka runta ah ee wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda uu ku leeyahay barta X.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa sanadkii 2022 bartiisa X ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.

Muhoozi Kainerugaba

Xigashada Sawirka, Muhoozi Kainerugaba/Twitter

Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.

Bartan X ayaa laxaqiijiyay iney tahay tan uu leeyahay wilka Madxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba.

Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa X ku soo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.

“Annaga waxaan aminsannahay Kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri general Muhoozi, isagoo u muuqday inuu arrin sir ah fashilayo.

Muhoozi Kainerugaba

Xigashada Sawirka, Muhoozi Kainerugaba/Twitter

Dadka qaar ayaa sheegaya in Janaraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadalhaynta dhaliya ee uu mararka qaar kusoo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.

Shacabka Kenya ee arkay qoraalka X uu soo geliyay wiilka Museveni qaarkood ayaa sheegay in ay ku wareereen hadalka kasoo baxay Kainerugaba. Waxaa kale oo la isweydiinayaa in uu uu caafimaadkiisa taam yahay.

Laakiin janaraalka ayaa mar kale sheegay in ciidankiisu ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya laba toddobaad gudahood.

Muhoozi Kainerugaba

Xigashada Sawirka, Muhoozi Kainerugaba/Twitter

Si cad ugu riyaaqay loollanka Twitter-ka, wuxuuna isweydiiyay su’aal ah: "Kaddib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise Riverside?".

Muhoozi Kainerugaba

Xigashada Sawirka, Muhoozi Kainerugaba/Twitter

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne Museveni ayaa xukunka hayay tan iyo 1986-kii, halka Kenya ay saddex jeer doorasho madaxweyne kadhacday tan iyo sanadlkaasi,

Dad badan waxa ay xasuustaan in Janaraal Kainerugaba uu falcelin layaab leh ka bixiyay dagaalka Ukraine markii uu bilowday kaddib, isagoo taageeray duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine".

Waxa uu soo qaatay xasadii caalamka haraysay 1962-kii ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

"Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay qaadaan dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?" ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.