Ma og tahay hadii haweeneydu ku shaqayso meel kulayl daran ka jiro in ay dilmi karaan ilmaha uurkeeda ku jira? - Cilmbibaaris

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ku shaqaynta kulaylka aadka u daran waxay labanlaabi kartaa ilmo dilanka iyo dhicinta haweenka uurka leh, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub oo laga sameeyay dalka Hindiya.

Daraasadu waxay ogaatay in halista hooyada dhalaysa ay aad uga badan tahay sidii markii hore loo malaynayay.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in xagaaga kulul uusan saameyn ku yeelan karin haweenka ku nool cimilo kuleylaha oo keliya, laakiin sidoo kale waxay saameyn ku yeelan kartaa waddamada kale ee caalamka sida Ingiriiska.

Waxaa muhiim ah haweenka uurka leh ee shaqeeya adduunka oo dhan in ay helaan talooyin gaar ah.

Sideed boqol oo dumar ah oo uur leh oo ku nool gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya ayaa ka qayb qaatay daraasaddan oo la bilaabay 2017 kii.

Kuliyada caafimaadka bulshada ee Sri Ramachandra Institute of Higher Education and Research (SRIHER) ee magaalada Chennai ee caasimadda gobolka Tamil Nadu ayaa sameysay daraasadaan.

Qiyaastii kala badh dadkii ka qaybqaatay waxay ka shaqaynayeen shaqooyin ay la kulmeen kulayl aad u sarreeya, sida beeraha, foornooyinka bulukeetiga iyo cusbooyinka bannaanka la wadho. Kuwa kale waxay ka shaqaynayeen deegaan qaboow, sida iskuulada iyo isbitaalada, in kasta oo shaqaalaha qaar ay sidoo kale la kulmeen kuleyl aad u sarreeya oo shaqooyinkaas ah.

Ma jiro heer caalami ah oo la isla yaqaan kaas oo lagu qeexi karo kulaylka jirka waxyeeli kara.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"[Saamaynta kulaylku] waxay la mid tahay waxa aad u baratay iyo waxa jidhkaagu u la qabsaday," ayay tidhi Prof Jane Hirst, oo ka mid ah saynisyahannada ka qayb qaatay daraasadda.

Beeraha cagaaran ee ee Tiruvannamalai, waxay BBC-du kula kulantay Sumathy, mid ka mid ah haweenka uurka leh ee ka qayb qaatay cilmibaadhistaan.

Gacmo-gelisyadeeda qarada weyn ayay iska saartay, iyadoo bilowday in af faraheedana jimciso. Qajaar ayay guraysay labadii saacadood ee la soo dhaafay.

"Gacmahaygu waxay ku gubteen kulaykan," ayay igu tidhi, iyadoo si tartiib ah u salaaxaysa faraheeda caaradooda.

Xagaagii xitaa wali ma bilaaban, laakiin sidaas oo ay tahay waa ilaa 30 darajo heerkulku halkan maanta oo aad dareemayso kulayl huurka wata

Sumathy waa in ay ka ilaalisaa gacmaheeda tooreynta joogtada ah ee caarada yaryar ee qajaarka qodxaha leh, laakiin gacmogelisyada u xidhan ayaa dhididkeeda ka dhigaya mid aad u badan.

"Wejigaygu sidoo kale wuu gubanayaa," ayay tidhi.

Rekha Shanmugam oo cabiraysa cabirka heerkulka kulaylka
Qoraalka sawirka, Rekha Shanmugam oo cabiraysa cabirka heerkulka kulaylka

Waxay timaaddaa beerta ka hor iyo ka dib shaqadeeda ugu weyn, iyada oo ku shaqaysa cunto karin, waxaana la siiyaa qiyaastii 200 rupees ama wax intaas oo ka yar oo ka hooseeya $2.5.

Sumathy waxay ahayd mid ka mid ah shaqaalihii ugu horreeyay.

Ilmaheeda ayaa sidoo kale ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee in dhintay inta ay daraasaddu socotay.

"Waxaan dareemi jiray daal aad u weyn markaan uurka lahaa ee aan ka shaqeynayay kulaylka," ayay tidhi.

Maalin maalmaha ka mid ah, Sumathy iyadoo ninkeeda qadada u dhigaysa, waxay si lama filaan ah u dareentay caafimaad darro. Fiidkaas, waxay u tagtay dhakhtar u sheegay in uu ilmo 12 toddobaad jiray uu kasoo dhacay.

"Ninkaygu dhabtiisa ayuu igu jiifin jiray oo ii qalbi qaboojin jiray. Ma garanaayo waxa aan samayn lahaa isaga la'aantiis," ayay tidhi.

Sumathy waligeed ma ogaan doonto sida hubaasha ah haddii ka shaqaynta kulaylka inta ay uurka leedahay ay wax lug ah ku leedahay waayintaanka ilmaheedii ugu horreeyay.

Laakiin guud ahaan, daraasaddu waxay ogaatay in haweenka ku shaqeeya xaaladaha la midka ah teeda oo kale ay laba u jibaar u badan tahay inay ku dhacaan ilmo-dilan ah ama dhicis ah marka loo eego kuwa ka shaqeeya jawiga qabow.

‘Dookh ma jiro aanka ahayn qorraxda in lagu shaqeeyo’

Hindiya ayaa la saadaaliyay in ay noqon doonto mid ka mid ah dalalka ugu horreeya adduunka halkaas oo heerkulku ka sare mari doono xadka badbaada u ah dadka caafimaadka qaba, xitaa dadka meelaha hooska ku nasanaya ayaa halis ugu jira waxyeeladda kulaylka, sida lagu sheegay daraasad dhawaan ay samaysay Jaamacadda Cambridge.

Sandiya
Qoraalka sawirka, Sandiya

"Haweenkani inta badan ma haystaan wax kale oo aan ahayn inay qorraxda ku shaqeeyaan - waxay u baahan yihiin lacag," ayay tiri Ms Rekha Shanmugam oo ah kalkaaliso hore iyo mid ka mida dadkii cilmbaadhistaan sameeyay.

Sandiya, oo 28 jir ah, waxa ay BBC-da u sheegtay in aanay haysan wax kale oo aan ahayn in ay qabato shaqadan dhabar jabka oo ay ka hesho ilaa 600 rupees, oo u dhiganta wax ka yar $6.70 maalintii.

Waxay haysataa laba carruur ah oo yaryar iyo qoys ballaaran oo ay quudiso.

Sandiya ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay daraasadda - waxayna lumisay ilmaheedii ugu horreeyay lix bilood markay uurka lahayd.

"Dhammaan rabitaankayga [masuuliyaddayda] ayaa ku wareegsan carruurtayda," Ayay Sandiya tidhi. "Waxaan rabaa inay si wanaagsan wax u bartaan oo ay helaan shaqooyin wanaagsan, waa inaysan ku daalin halkan sida aniga oo kale."