Kumuu ahaa Abdolrahim Mousavi, taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida Iiraan ee weerarka lagu dilay?

Xigashada Sawirka, khamenei.ir
Sareeye Gaas Cabdulraxiim Muusavi, oo ku dhashay magaalada Qom sannadkii 1955-tii, waa shakhsiyad ruug-caddaa ah oo ka tirsanaa ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Magacaabistiisa xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo arkay inay tahay isbeddel weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka taliska milatariga Iran, maaddaama ay ahayd markii ugu horreysay ee xilkan—oo markii hore ay had iyo jeer hayn jireen taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka (IRGC)—loo dhiibo taliye ka tirsan ciidanka joogtada ah.
Sida ay sheegayaan khubarradu, in kasta oo isbeddelkani uu calaamad u noqon karo dib-u-qeexidda doorka ciidanka ee qaab-dhismeedka milatari ee Iran, haddana xaaladaha hadda jira iyo dilka tiro badan oo ka mid ah taliyayaashii ugu sarreeyay ee IRGC, magacaabistaan waxaa laga yaabaa inay ku timid daruuri.
Cabdulraxiim Muusavi wuxuu ku biiray ciidanka sannadkii 1979-kii, isagoo waxbarashadiisa ka bilaabay Jaamacadda Saraakiisha Ciidanka. Wuxuu haystay shahaadada PhD ee Maamulka Gaashaandhigga oo uu ka qaatay Jaamacadda Gaashaandhigga Qaranka. Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Iran iyo Ciraaq, wuxuu ka tirsanaa cutubka madaafiicda ee jiidaha Galbeedka (Kurdistan) iyo Koonfur-galbeed (Khuzestan), isagoo ka qayb qaatay hawlgalladii Valfajr 4 iyo 9, Beit al-Maqdis 5, Qader, iyo Nasr. Wuxuu door muuqda ku lahaa dagaalkaas, waxaana loo tixgeliyaa "halyeey dagaal."

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Dagaalkii Iran iyo Ciraaq ka dib, Muusavi wuxuu si degdeg ah uga dallacay darajooyinka ciidanka. Sanadihiisii hore, wuxuu soo noqday:
Guddoomiyaha Jaamacadda Saraakiisha ee Imam Ali.
Taliyaha xarunta dhexe ee Nazaja ee waqooyi-bari.
Ku-xigeenka agaasimaha tababarka iyo qorshaynta ciidanka dhulka.
Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2008, wuxuu ahaa Taliyaha Isku-dhafka ee Ciidanka, ka dibna wuxuu ahaai Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka ilaa sannadkii 2016. Wuxuu ahaa Ku-xigeenka Taliyaha Shaqaalaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ilaa 2017-kii, markaas oo loo dallacsiiyay darajada Sareeye Gaas, loona magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka (Artesh), isagoo xilkaas hayay muddo siddeed sano ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muusavi wuxuu ahaa Ku-xigeenka Taliyaha Shaqaalaha ee Ciidamada Qalabka Sida intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017, laga soo bilaabo 2017 ilaa 23-ka Khordad 1404 (taariikhda Iiraan), wuxuu ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Wareysi dhinaca telefishinka ah oo uu kaga hadlay noloshiisa gaarka ah, wuxuu sheegay in aabbihii uu lahaa warshadda dunta, isaguna uu halkaas ka shaqeynayay tan iyo markii uu lix sano jiray. Wuxuu guursaday isagoo 23 jir ah, wuxuuna dhalay labo wiil. Wareysiga wuxuu sidoo kale ku sheegay inuu heysto shahaadada garsoorenimada kubadda cagta iyo waayo-aragnimo tababarenimo, balse uusan daawan karin ciyaaraha xulka qaranka sababo la xiriira "walwal daran".
Billowgii hoggaankiisa ciidanka, wuxuu yiri: "Hadafkeenna iyo rajadeenna maanta waa tirtiridda iyo baabi'inta maamulka Sahyuuniyadda." Wuxuu xilka kala wareegay Mohammad Baqeri, kaasoo lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay bishii June ee sanadkii hore.










