Lix sababood oo uu Trump sheegay inuu Iiraan u weeraray

Xigashada Sawirka, Getty Images; naqshadeynta: BBC
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Waxyar ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil oo wadajir ah ay ka bilaabeen howlgal milatari oo weyn gudaha Iiraan, ayuu Madaxweynaha Donald Trump la hadlay bulshada, isagoo muuqaal uusoo galiyay bartiisa gaarka ah, uu ku sharraxay sababaha weerarkan keenay.
Khudbad uu ku faahfaahiyay khataro iyo hanjabaado badan oo uu sheegay inay Iiraan ka yimaadeen, ayuu Trump wuxuu ku soo bandhigay dhowr arrimood oo muhiim ah. Inkastoo uu tilmaamay qoddobo badan, haddan lix sababood oo waaweyn ayaa ka dhex muuqday hadalkiisa.
Sababta koowaad: Khatar degdeg ah oo ka imaanaysa Iiraan
Trump wuxuu xukunku Iiraan ku tilmaamay inuu khatar toos ah ku yahay Maraykanka, ciidamada Maraykanka, saldhigyadooda dibadda, iyo dalalka xulafada la ah. Wuxuu sheegay in "hawlgallada hanjabaadda leh" ee Iiraan ay ka dhigeen in Mareykanku jawaab milatari oo ballaaran ay u tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo dadka Maraykanka iyo xulafadooda.
Sababta labaad: Tobannaan sano oo cadawnimo koraysay
Madaxweynaha ayaa soo xusay ku dhawaad 50 sanno oo gardarro ay uga imaanaysay Iiraan. Wuxuu dib u xusay 1979 markii ardayda Iiraan ay qabsadeen Safaaradda Maraykanka ee Tehran, oo muwaadiniin Maraykan ah lagu haystay 444 maalmood.
Sidoo kale wuxuu taariikhda lasoo maray, qaraxii 1983 ee ka dhacay saldhigga Marines ee Beirut, weerarkii USS Cole ee 2000, iyo weerarro joogto ah oo ka dhan ah ciidamada Maraykanka ee Ciraaq.
Sida uu Trump sheegay, dhacdooyinkan waxay muujinayaan dhaqan joogto ah oo Iiraan ku suntan tahay taas oo ay Bariga Dhexe uga fuliso rabshad iyo argagixiso ka dhan ah Maraykanka iyo xulafadiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sababta saddexaad: Taageerada argagixisada
Trump wuxuu Iiraan ku sheegay inay tahay "dalka ugu weyn ee taageera argagixisada," isagoo ku eedeeyay hubeynta, maalgelinta, iyo tababarka maleeshiyaadka argagixiso ee Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan buu yiri, Lubnaan, Yemen, Suuriya, iyo Ciraaq.
Wuxuu xusay Xamaas, oo ah wakiilka Iiraan, inay ka dambeeyeen weerarkii 7-dii Oktoobar ee Israa'iil, oo uu sheegay in lagu dilay dad ay ku jiraan 46 Maraykan ah, sidoo kalena qaar la qafaashay.
Sababta afaraad: Higsiga riyada nukliyeerka
Mawduuc muhiim ah oo uu Trump ku sheegay khudbadiisa ayaa ahayd doonista Iiraan ee hubka nukliyeerka.
Wuxuu sheegay in Tehran ay marar badan diiday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka, isla markaana ay sii wadeen horumarinta gantaallo fog oo halis ku noqon kara Yurub, ciidamada Maraykanka ee dibadda, iyo dalkooda hooyo oo uu ula jeedo carriga Washington.
Weerarradii hore ee Maraykanku ku qaaday xarumaha Fordow, Natanz, iyo Isfahan ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan u ahaayeen ka hortagga awooda nukliyeerka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sababta shanaad: Baabi'inta kaabayaasha milatari
Trump wuxuu ballanqaaday inuu baabi'inayo warshadaha gantaallada Iiraan, uu waxyeelleenayo ciidamadeeda badda, isla markaana uu daciifinayo maleeshiyaadka wakiilada ah.
Wuxuu ku dooday tallaabooyinkan inay lagama maarmaan u yihiin ka hortagga xasillooni darro dheeraad ah iyo weerarrada ka dhanka ah ciidamada Maraykanka.
Sababta lixaad: Ilaalinta danaha Maraykanka iyo adduunka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ugu dambeyntiina, Trump wuxuu weerarka ku tilmaamay difaac ballaaran oo amniga qaranka Maraykanka iyo mustaqbalka ilaalinaya.
Wuxuu digniin u diray xukunka Iiraan, isagoo qirtay in khasaare ciidamada Maraykanka ah dhici karo, wuxuuna ku booriyay ciidamada Iiraan inay hubkooda dhigaan, isagoo sidoo kale ku dhiirrigeliyay shacabka inay la wareegaan dawladdooda oo xukunka qabsadeen marka Mareykanku ka dhamaado weerarka.
Trump ayaa ku soo gabagabeeyay in howlgalka loo sameeyay ilaalinta mustaqbalka dadka Maraykanka iyo xulafadooda, isagoo ugu yeeray howlgalka "mid karaameysan", isla markaana u duceeyay bedqabka ciidamada Maraykanka.
Khudbaddiisu waxay muujinaysaa in Washington ay Iiraan u aragto halis waligeed jiraysa haddaanan hadda lasoo afjarin.
Lixdan sababood ayaa ah xudunta aasaasiga ah ee Trump uu ku difaacay tallaabada milatari ee aan hore loo arag ee Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen gudaha Iiraan, iyadoo xiisada gobolka Bariga Dhexe ay marayso meeshii ugu sareysay.












