Nin aflagaadeyay Nabi Muxamed NNKH, oo dil lagu xukumay iyo qoyskiisa oo cafis dalbanaya

Xigashada Sawirka, Anojan Sivarasa's Facebook page
Waxaan ka codsanayaa in loo naxariisto khaladaadkii uu wiilkaygu galay. Fadlan cafiya oo dib noogu soo celiya."
Rasamanickam Yogalakshmi oo ilmeynaysa ayaa codsatay in loo badbaadiyo nolosha wiilkeeda Anojan Sivarasa oo 24 jir ah, kaas oo Sacuudiga lagu xukumay dil kadib markii maxkamad racfaan ay ku heshay dambi ah inuu aflagaadeeyay Islaamka iyo Nabi Muxammad.
Kiiska ayaa walaac weyn ka dhaliyay Sri Lanka, iyadoo xisbiyo siyaasadeed iyo hay'ado dowladeed ay dadaallo diblomaasiyadeed ugu jiraan sidii xukunka dilka looga cafin lahaa.
Qoysku wax war ah kama helin xaaladda Anojan tan iyo 28-kii Sebtembar. Dowladda Sri Lanka ayaa qoyska ka codsatay inaysan xaaladda uga sii darin inta ay socdaan dadaallada diblomaasiyadeed.
Maamulka Sacuudiga ma uusan shaacin waqtiga xukunka dilka la fulinayo, waxaana weli aan la ogeyn goorta la fulin doono.
Anojan ayaa la xiray bishii Luulyo, kaddib markii uu baraha bulshada ku qoray hadal aflagaado ah oo ku saabsan Nabi Muxammad NNKH, taasoo ka dhalatay muran diimeed internetka ka billowday. Inkastoo uu si degdeg ah u tirtiray qoraalka oo uu raalli-gelin bixiyay, haddana qoraalka ayaa la keydiyay oo loona gudbiyay qofkii uu shaqeynayay iyo mas'uuliyiinta Sacuudiga.
Qalabkiisa gaarka ah ayaa markii dambe laga qaatay, iyadoo mas'uuliyiinta Sacuudiguna ay tirtireen akoonnadiisii baraha bulshada.
Walaalkiis Hamsidan Sivarasa ayaa BBC Sinhala u sheegay in dadka Sacuudiga aysan waxba ka ogeyn arrintan, balse dad ku sugan Sri Lanka ay emillo u direen shirkaddii uu Anojan u shaqeynayay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu sheegay Hamsidan, shirkadda ayaa arrinta ku wargelisay mas'uuliyiinta Sacuudiga, kuwaas oo kiis ka dhan ah Anojan diiwaangeliyay.
Markii hore, maxkamadda dambiyada ee Al-Ahsa ayaa Anojan ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan 3 milyan oo riyaal Sacuudi ah, oo u dhiganta ku dhawaad 800 kun oo doolar.
Balse 17-kii Sebtembar ayay dacwaddu is beddeshay, kaddib markii xeer-ilaalinta Sacuudigu ay codsatay in Anojan lagu maxkamadeeyo shareecada, halkii laga adeegsan lahaa sharciga dambiyada internetka. Maxkamadda racfaanka ayaa oggolaatay codsigaas, waxaana xukunkiisa loo beddelay dil.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sri Lanka ayaa sheegtay inay qaadayso dhammaan tallaabooyinka ay awooddo si ay u caawiso Anojan.
Qoyskiisa ayaa 21-kii Sebtembar la kulmay Madaxweynaha Sri Lanka Anura Kumara Dissanayake, kaas oo u ballanqaaday inay dowladdu dadaal kasta sameyn doonto si loogu helo cafis guud.
Kiiska ayaa sidoo kale isu keenay hoggaamiyeyaal diimeed oo Buddhist iyo Hindu ah, kuwaas oo Madaxweynaha u gudbiyay codsi ku saabsan in dowladda si degdeg ah uga farageliso arrinta.

Xigashada Sawirka, President's Media Division
Intaa waxaa dheer, afar qareen oo ka socda Sri Lanka ayaa toddobaadkan u safraya Sacuudiga si ay ula kulmaan qareennada maxalliga ah ee difaacaya Anojan.
"Waxaa jira laba shirkadood oo qareenno ah oo Sacuudiga ku sugan kuwaas oo gacanta ku haya kiiska Anojan. Waxaan u tageynaa inaan la kulanno qareennada labada shirkadood, ka wada hadalno kiiska, isla markaana qorsheyno tallaabooyinka xiga," ayuu BBC Sinhala u sheegay Upul Kumarapperuma oo ka mid ah wafdiga.
Dhanka kale, xiriirkii Anojan iyo qoyskiisa ayaa gebi ahaanba istaagay.
"Walaalkay laba maalmood nama soo wicin," ayuu Hamsidan sheegay 28-kii Sebtembar. Wuxuu intaas ku daray in safaaradda loo sheegay arrinta, lagana codsaday inay baaritaan sameyso oo qoyska war ka siiso, balse ay weli jawaab sugayaan.
Xabsiyada Sacuudiga, maxaabiista xukunka dilka sugaysa badanaa looma oggola taleefannada gacanta ee gaarka ah, halka wicitaannada rasmiga ah lagu sameeyo iyadoo loo marayo maamulka xabsiga.
Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa marar badan walaac ka muujiyay xukunnada adag ee Sacuudiga lagu rido dadka sababo la xiriira hadallada ay ku qoraan internetka.
Bishii Luulyo 2023, Maxamed Al Ghamdi, oo ahaa macallin Sacuudiga u dhashay oo howlgab ah, ayaa lagu xukumay dil sababo la xiriira qoraallo uu ku daabacay baraha bulshada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xukunkaas ayaa markii dambe la laalay, waxaana Al Ghamdi lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, sida ay sheegtay ALQST oo ah hay'ad madax-bannaan oo u dooda xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.
Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Sacuudiga waxaa ka shaqeeya in ka badan 10 milyan oo shaqaale ajaanib ah. Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in shaqaalaha muhaajiriinta ah ee mushaharkoodu hooseeyo ay si gaar ah ugu nugul yihiin nidaamka sharciga, sababo la xiriira caqabadaha luqadda iyo helitaanka qareenno ku filan.
Xukunnada dilka ee la xiriira aflagaadada diinta ayaa Sacuudiga ka dhaca si ka yar kuwa lagu rido dambiyada daroogada ama dilka.

























