Wax ka ogow dhowr qodob oo Deni uu hore ugu dhaliilay Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland.
Xoguhu waxay sheegayaan in socdaalka labadaan mas'uul uu ku saabsanyahay wadatashiyo, iyadoo la ogyahay in Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay si isku mid ah u dhaliileen hannaanka wax ka badelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo dooddiisu socoto.
Siduu ahaa xiriirka Farmaajo iyo Deni?
Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada Soomaaliya ee sida adag ugu horjeestay dowladii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Deni ayaa xilligaas marar kala duwan ku dhaliilay Farmaajo "inuu doonayo inuu nidaam doorasho oo aan suuragal ahayn dalka galiyo". Waxaa xusid mudan in Deni xilligaas uu ahaa musharrax madaxweyne.
Khudbad dheer oo uu jeediyay horraantii sanadkii 2021 ayuu uga hadlay wadahadallo gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Farmaajo.
‘’Waxaan ku iri doorasho qof iyo cod ah lagama gaaro, doorasho dadban-na waa la yaqaannaa waddadeeda.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni khudbad uu ka jeediyey xarunta PDRC.
Dhanka kale, Siciid Deni ayaa ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo "inuu doonayay inuu waqti kordhin samaysto."
”Farmaajo ma rabin in laga hadlo waxa dhabta ah ee la isku hayo”
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa khubad uu horay u jeediyay waxa uu ku cel celiyay in "Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar waliba iska dhaga tirayay qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay in laga hadlo si doorasho loo qabto."
”Mar walba oo aan Farmaajo ula tagno qodobbo aan is leennahay waa badbaado, markasta oo aan soo hadal qaadno in ay muhiim tahay in doorasho la qabto 8-da Febraayo (2020), waxa uu diidi jiray in laga hadlo wax la xiriira doorasho dhacaysa 8-da February taas oo u muuqatay in Farmaajo uusan diyaar u ahayn in uu doorasho qabto,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.
"Caburin iyo aamusnaan"

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay iyo dadku ay galeen xaalad kal durugsanaan ah iyadoo uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tageen xilli dhaqdhaqaaq wanaagsan uusan jirin.
“Waxa aan mar tagnay magaalad Muqdisho iyada oo magaaladii ay wada cabbursantahay, tegitaankeennii waxa uu u noqday faraj, waxaana daliil u ahaa sida ay nooso dhaweeyeen, marka aan tagnayna madaxweynuhu waxa uu yiri kaligeen aan shirno yacni saddexdeena, waa aniga Axmed Madoobe iyo isaga, taas oo anaga walaac badan nagusii abuurtay,” ayuu yiri Siciid Deni.
"Shaqada ciidamada"
Madaxweyne Siciid Cbadullaahi Deni ayaa sheegay in Farmaajo ay dhowr mar kala hadleen in khilaaf badan uu ka jiro arrimaha doorashada ee dalka taasina aysan u muuqan mid hagaageysa haddii uusan la imaanin wax kabaddal sida uu sheegay.
"Xilligii aan tagnay magaalada Muqdisho waxa aan madaxweynaha kala hadalnay arrimaha doorashada iyo mowqifka la xiriira sidoo kale waxa aan xusnay sida ay dadku u kala tagsanyihiin iyo in loo baahanyahay in laga baaqsado dagaal sokeeye.
Hase yeeshee madaxweynuhu waxa uu inoo sheegay in xaaladda dalku aysan cabsi kujirin, ayna jiraan ciidamo awood badan kuna filan ilaalinta iyo xasilinta dalka”, ayuu yiri Deni.
"Waxa aan isku dayay in aan wax ka ogaado ciidamadan tirada badan ee dalka jooga haddana aysan muuqan howlgalladoodii, Gorgor iyo Haramcad iyo kuwa kalaba waa ciidamo aad u badan tiro ahaan hadana howlgalladoodu aysan muuqan waxa ay igu noqotay arrin cajiib ay”, ayuu sii raaciyay.
"Waxa uu adeegsadaa meelaha ay dadku ka liitaan"

Xigashada Sawirka, Social
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladdii Farmaajo ay aad u fiirsan jirtay meelaha ay dadku ka liitaan, waxa uu ku dhaliilay in dowladdu ay u durbaan tumyeso arrimo qabiil taas oo uu ku sheegay in ay dadka sii kala fogeyneysay.
"Iyadoo aan wada ognahay wixii uu qabiilka iyo qabyaaladdu naga halleeyay, waxaa nasiib darro ah in mas’uul Soomaaliyeed uu weli usii durbaan tumanayo qabiil, mar waliba in lagu kulmo Muqdisho Farmaajo ma uusan oggoleyn, kulamada uu noo iclaaminayo aniga iyo Axmed Madoobe iyo isaga waxa ay u muuqdeen kuwo dhaliil badan keeni karay maadama la dhihi lahaa raggii isku haybta aha ayaa Soomaaliya u shiraya”, ayuu yiri Siciid Deni.
Intaa kadib doorashadii dalka oo dhacday ayaa waxaa madaxweyne loo doortay Xasan Sheekh Maxmuud oo haatan ah madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xilligaas kadib dalka isaga baxay ayaa haatan dib uguso laabtay, isaga oo dhawaan hadlay ayuu Farmaajo si weyn u dhaliiyay hannaanka waxkabedelka dastuurka oo haatnba ay dooddiisu weli socoto.
















