Maxkamad ku taalla Maraykanka oo laashay sharci qaban lahaa dadka darbiyada ka booda ee Soomaalidu ka mid tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taal Maraykanka ayaa hakisay sharciga socdaalka ee gobolka Teksas ee muranka dhaliyay, kaas oo ah mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee noociisa ah, kiis si dhow isha loogu hayo oo dhan Mareykanka.
Sharcigan ayaa u ogolaanaya saraakiisha Texas in ay xiraan oo ay dacweeyaan qof kasta oo ay u maleynayaan in uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isaga oo beddelaya awoodaha federaalka.
Sharcigu wuxuu si kooban u dhaqan galay Talaadadii dhowr saacadood oo uu socday halkan dhinbaca sharciga ah.
Maxkamadda racfaanka ee Mareykanka ayaa goor dhow dhageysan doonta kiiska.
Sharciga SB4 ee Texas ayaa lagu waday inuu dhaqan galo 5-tii Maarso laakiin xukuumadda Joe Biden ayaa ku doodday in awoodda xiritaanka soo galootigu ay ku haboon tahay gacanta fedaraalka.
Muhaajiriinta imaanaya xudduudda koonfureed ee Mareykanka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay intii uu xilka hayay Biden, taasoo walaac xooggan ku beertay cod-bixiyayaasha Mareykanka inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada ee Nofeembar.
Taasi waxay keentay in gobolka Texas uu tallaabo adag ka qaado xadka uu la wadaagto dalka Mexico haddii maxkamaduhu ay taageeraan sharcigan cusub markaas waxaa laga yaabaa in gobolada kale ee Mareykanku ay raacaan.
Mexico ayaa dhaleeceysay sharcigan cusub oo ay ku tilmaantay mid ka dhan ah soogalootiga, Wuxuuna dalkani sheegay in uu diidayo cid kasta oo uu gobolka Texas dalkooda usoo tarxiilo.
Madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa sharcigan maanta oo arbaca ah ku tilmaamay "mid xun" oo bini'aadantinimada ka baxsan.
Go'aanka lagu hakiyay sharciga ayaa ah kii ugu dambeeyay ee xukunno maxkamadeed oo lagu go'aamiyay masiirkiisa.
Haddii uu dib usoo noqdo dhaqan galkiisu wuxuu tusaale u noqon doonaa isbedel weyn oo ku yimaadda habka fulinta socdaalka, iyadoo maxkamaduhu ay hore u xukumeen in dowladda federaalka oo kaliya ay fulin karto sharciyada socdaalka ee dalka.
Ka gudubka xadka Mareykanka si sharci darro ah waa dembi federaali ah, laakiin xadgudubyada waxaa badanaa u maareeya sida kiisaska madaniga ah nidaamka maxkamada socdaalka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ku xusan sharciga SB4 qof walba oo walba oo si sharci darro ah kusoo galaya ama dib usoo galaya gobolka Texas waxuu wajahayaa 20 sanno waa xabsi. Ma cadda in dad muhaajiriin ah la xidhay inta sharcigana shaqaynaayay. Balse xukunadan ugu danbeeyay ee taxnaa ee maxkamadda ayaa tijaabo u noqonaya in sharcigani dhaqangal noqon karo.
Bishii Janaayo, maamulka madaxweyne Biden ayaa dacweeyay gobolka Texas bishii xigtayna maxkamad degmo ayaa xukuntay nidaamkani in uu yahay mid sharci daro ah.
Sharcigaan ayaa la xadiday in uu dhaqan galo iyadoo walaac laga qabo in gobol walba uu yeesho sharci u gaar ah oo la xidhiidha arrimaha soo galootiga.
Madaxweyne Biden ayaana u gudbiyay dalab degdeg Maxkamadda Sare si loo hakiyo sharcigan iyadoo dacwadi socototay.
Iyadoo sidaas xaal yahay, Caadilka Maxkamadda Sare Ee Samuel Alito ayaa joojiyay xeerkan cusub si maxkamadda loo siiyo fursad ayku eegi karto sida sharcigan loo meel marin karo.
Horaantii talaadada, maxkamada sare ayaa ogolaatay in tallabadaasi ay dhaqan gasho halka maxkamada racfaanka ee hoose ee federaalku ay miisaantay sharcinimadeeda.
Dabadeed amar kooban oo dabayaaqadii habeenimadii Talaadada, guddi saddex garsoore ah oo ka tirsan Shanta Garsoose ee Mississippi, Louisiana, Texas iyo Canal Zone ayaa u codeeyay in la joojiyo xukunka marka uu dhegaysato racfaanka.













