Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Itoobiya oo beereysa geedo aad u tira badan

    itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan olole ballaaran oo dhir beeris ah, iyadoo maamulka uu sheegay inay rajeynayaan in nus bilyan geedo lagu beero muddo 12 saacadood gudahood. Laakin rabshadaha sii xoogaysanaya ee meelaha qaar ka dhacaya ayaa caqabad ku noqon kara in dadku ay si aad ah isugu soo baxaan.

    Tallaabadan ayaa qayb ka ah hindisaha "dhaxalka cagaarka ah" ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

    2019-kii, dawladdu waxay sheegtay in 350 milyan oo geedo ah la beeray hal maalin, war aan si madax bannaan loo xaqiijin. Waqtigaas mas'uuliyiinta ayaa sheegay in in ka badan 20 milyan oo qof ay ka qaybqaateen ololaha.

  2. In kabadan 10 ruux oo lagu dilay Congo

    Congo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa lagu dilay weerar ay fallaagada ku qaadeen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Dadka ku nool agagaarka waqooyiga magaalada Goma, ayaa ka shakiyay kooxda M23.

    Boqolaal qoys ayaa ka barakacaya deegaanka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay kooxaha mucaaradka qabsanayeen tuulooyinka.

    Khubarada Qaramada Midoobay, dawladda Congo iyo dhawr waddan oo reer galbeed ah ayaa Rwanda ku eedeeyay inay si firfircoon u taageerto M23 taas oo ay beenisay.

    Hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka ah ee bariga Congo ayaa sheegay in markii hore ay isku dhaceen fallaagada M23 iyo maleeshiyaad ka soo horjeeda.

    Saacado kadib ayaa dadku waxay heleen meydadka.

    Dadka la laayay ayuu sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah oo lagu qasbay in ay qaataan boorsooyinka jabhadda ka hor inta aan lagu dilin magaalada Bukombo.

    Waxa jira daraasiin kooxo hubaysan ah oo u dagaalamaya awoodda iyo qayb ka mid ah hantida macdanta ee bariga Congo.

    M23 waa mid ka mid ah kuwa ugu xoogga badan.

    Inkastoo Kigali ay beenisay, waxaa jira cadeymo badan oo cadeynaya in Rwanda ay taageerto kooxda.

    Waxa ay doonaysaa in ay u adeegsato kooxda Tutsiga ee M23 u badan si ay uga hortagto khatar kasta oo kaga timaada falaagada Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay Waqooyiga Kivu.

  3. Kuleylaha oo gaaray heer sare iyo digniinno lagasoo saaray dalal Yurub kamida

    KULEYLHA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka caafimaadka Talyaaniga ayaa ka digay heer kulka aadka u sarreeya ee magaalada caasimadda ah ee Rome, isagoo sheegay in dadku ay guryahooda ku jiraan inta u dhexeysa 11-ka subaxnimo iyo 6-da galabnimo.

    Dabaylo kulul ayaa ka dhacay dalkaasi oo ka yimid Waqooyiga Afrika.

    Heerkulka koonfurta Yurub ayaa laga yaabaa inuu sii kordho maalmaha soo socda.

    Dab ayaa weli sii socda oo aan la xakameyn karin kaasoo ka kacaya jaziirada La Palma ee dalka Spain, iyo gobolka California ee dalka Mareykanka oo sidoo kale ay ka jirto kuleyl aad u daran.

    Dhanka kale, maamulka dalka Japan ayaa ka digaya heer kul halis ah oo ka jira qeybo ka mid ah, halka roobab mahiigaan ah iyo daadad wata ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof.

  4. Wariyeyaal loo dilay kiisas ay baarayeen iyo tebinta rabshado

    Mexico

    Xigashada Sawirka, Google

    Suxufi u dhashay dalka Mexico ayaa lagu dilay goob baabuurta la dhigto oo ku taal magaalo xeebeedka Acapulco.

    Nelson Matus waxa uu ahaa aasaasihii iyo tafatirihii mareegaha wararka ee ku takhasusay tabinta rabshadaha gobolka galbeedka ee Guerrero.

    Dhowr xabadood ayaa lagu dhuftay isagoo ku sugan banaanka meel laga dukaameysto markii uu u soo dhawaaday gaarigiisa.

    Mr Matus waa wariyihii labaad ee lagu dilo gudaha Mexico muddo todobaad gudihiis ah.

    In kabadan boqol iyo konton suxufi ayaa lagu dilay Mexico qarnigan.

    Intooda badan waxay baarayeen dambiyada kooxaha daroogada ka ganacsada ee Mexico iyo xiriirka sharci darrada ah ee ay la leeyihiin siyaasiyiinta iyo ciidamada ammaanka.

  5. Kumuu ahaa Ibraahim, ciyaartoyga doonayay inuu Soomaaliya guul usoo hoyo ee ku geeriyooday badda?

  6. Ninka Muslimka ah ee loo fasaxay in uu gubo kitaabada Towraadka iyo Baybalka balse sameeyay arrinta layaabka leh

    Zeev Avrahami

    Xigashada Sawirka, Zeev Avrahami

    Ahmad Alloush ayaa sheegay in ujeedadiisu ay ahayd in uu canbaareeyo kuwa kutubta xurmada leh sida Qur'aanka kariimka ah ku guba wadamada Waqooyiga Yurub.

    Stockholm, Sweden Nin la filayey inuu ku gubo Tawreed iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil ayaa ka tanaasulay qorshahaas, wuxuuna qabtay mudaaharaad ka dhan ah kutubta barakaysan.

    Ahmad Alloush, oo 32 jir ah, ayaa sheegay inaanu waligiis ku talo jirin inuu gubo kitaabada.

    Kadib waxa uu la soo baxay kitaab qur’aan ah oo uu ku naqdiyay dhacdooyin hore oo lagu gubay kitaabka islaamka gudaha Sweden.

    "Haddii aad rabto inaad dhaleecayso Islaamka, taasi waa caadi", ayuu yiri. Laakin gubida Qur'aanka "ma ahan xoriyatul qawlka", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Maxkamadaha Sweden ayaa horey u fasaxay in la gubo maadaama ay dastuuriyan ilaalinayaan xuquuqda isu imaatinka, hadalka iyo banaanbaxyada.

    "Tani waxay jawaab u tahay kuwa gubay Qur'aanka xorriyadda hadalka ayaa xaddidan," ayuu yiri Alloush.

    "Dadka waan ka caraysiiyey," ayuu qirtay mar la waydiiyay falcelinta wararka sheegaya in qof uu qorsheynayay in uu ku gubo Tawreed iyo Baybalka Stockholm. "Hadda way faraxsanaan karaan", ayuu yiri.

    Alloush ayaa sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Suuriya, balse uu Sweden ku noolaa muddo 8 sano ah, uuna deggan yahay degmada Borås ee koonfur-galbeed.

  7. Dhul gariir ka dhacay qaybo kamida Mareykanka

    Alaska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dhulgariir lagu qiyaasay 7.4 Richter Scale ayaa ku dhuftay xeebaha gobolka Alaska ee dalka Mareykanka, iyadoo laga digayo sunaami.

    Cabirka dhul gariirku waxa uu ahaa 7.4. Dhul-gariirkan ayaa waxa xigay waxaana xigay dhulgariirro yar-yar.

    Digniin sunaami ah ayaa la soo saaray inta badan Jasiiradda Alaska.

  8. Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda

    Al-Burhaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa golaha madaxbanaanida ee Sudan ayaa diiday in la geeyo wadankaasi wax ciidan ah oo ka socda wadamada Africa, iyadoo halkaa ay mudo sadex bilood ah ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya ciidamada iyo xoogag ka soo horjeeda oo loollanka adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen awooda dalkaasi.

    Sida laga soo xigtay warbixinnada rasmiga ah ee warbaahinta, General Abdel Fattah Al-Burhan ma uusan aqbalin tallaabada lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika (ISAF) taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Suudaan ee dhulkeeda.

    In ciidankaas la diro toddobaad ka hor ayaa lagusoo soo jeediyay shir ay yeesheen urur goboleedka “IGAD” si ay u difaacaan dadka rayidka ah ee ay dagaalladu saameeyeen.

    Wakaalladda Wararka Sudan ee (SUNA) ayaa sheegtay in Taliyaha Ciiddanka Sudan, C/fataax Al-Burhaan, uu wicitaan ka helay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, balse ma uusan soo dhaweyn qorshaha IGAD, wuxuuna ku war-geliyay inuu kasoo horjeedo arrintaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dhici Karin in ciidamo loo diro iyada oo aan ogolaansho laga haysan xukuumadda Khartoum.

  9. West Ham oo xiiseyneysa daafaca hadal heynta badan ee Maguire iyo rabitaankiisa sii joogista Old Trafford

    Maguire

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Daafaca 30 jirka ah ee England ayaa mustaqbal aan la hubin ku leh Old Trafford iyada oo Raphael Varane iyo Lisandro Martinez ay u soo baxeen booska daafaca dhexe ee Erik ten Hag.

    United ayaa sidoo kale u baahan in ay iibiso ciyaartoydeeda si ay sare ugu qaaddo fursadaha uu Ten Hag ku samayn karo kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee haatan socda isaga oo ku sii dhawaanaya goolhayaha Inter Milan ee Andre Onana.

    Qandaraaska Maguire wuxuu dhacayaa 2025.

    Daafaca dhexe ayaa United kaga soo biiray Leicester City 80 milyan ginni 2019, laakiin waxaa la og yahay inuu ka mid yahay ciyaartoyda hadda uu iibin doono Ten Hag haddii dalab ku habboon uu yimaado.

    Maguire waxa uu maanka ku hayaa in uu u baahan yahay in uu si joogto ah u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe ka hor Euro 2024 ee Germany xagaaga dambe.

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa la og yahay inuu ku faraxsan yahay Old Trafford oo uu ku faano maqaamkiisa kabtannimo.

    Intaa waxaa dheer, markii uu ka soo gudbay dhowr arrimood oo dhaawacyo ah xilli ciyaareedkii hore, Maguire wuxuu dareemayaa inuu si buuxda uga qayb qaadan doono xilli ciyaareedka United.

    Tababaraha West Ham David Moyes ayaa doonaya inuu wax ku kordhiyo kooxdiisa kadib iibkii kabtan Declan Rice, kaasoo laga yaabo inuu soo saaro 105 milyan ginni.

    Moyes ayaa xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax ee reer Mexico Edson Alvarez si uu ugu noqdo bedelka suurtagalka ah ee Rice, laakiin Maguire ayaa noqon doona mid faa’iido u leh dhabarka, halkaasoo labada xubnood ee dooqa koowaad ee West Ham Kurt Zouma iyo Nayed Aguerd ay dhaawacyo soo gaareen xilli ciyaareedkii hore.

  10. Ra'iisul wasaaraha Ciraaq oo booqanaya Suuriya 12 sano kadib

    Maxamed Shia Al-Sudani

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxamed Shia Al-Sudani, ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ee Suuriya ay bilaabatay taasoo ah booqasho ra'iisul wasaare Ciraaqi ah uu ku tago dalkaasi tan iyo markii uu dagaalku qarxay 2011-kii.

    Labada dal waxay lahaayeen xiriir dhow oo dhaqaale, millitari iyo siyaasadeed inta lagu guda jiro colaadda dheer.

    Mawduucyada laga yaabo in looga hadlo Dimishiq waxaa ka mid ah la dagaallanka qulqulka daroogada ee Suuriya, xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo xakameynta khatarta dagaalyahannada dowladda Islaamiga ah ee ku sugan xadka ay wadaagaan.

    Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Dimishiq lagu soo dhawaynayo dib ugu soo laabashada dalalka Carabta.

    Horraantii sanadkan Sacuudi Carabiya ayaa caadi ka dhigtay xiriirkii ay la lahayd Suuriya, waxaana dalkaas dib loogu celiyay ururka Jaamacadda Carabta bishii May.

  11. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo isbitaal la dhigay

    Benjamin Netanyahu

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa habeen hore ku hoyday isbitaalka, sababo la xiriira biyo la’aan lagu sheegay jirkiisa.

    Xafiiskiisa ayaa sheegtay in kulankiisa todobaadlaha ah ee Axadda dib loo dhigay ilaa maalinta xigta ee Isniinta, in kasta oo Netanyahu uu sheegay inuu roonyahay.

    Waa markii labaad oo habeennimo la dhigo isbitaal, muddo sagaal bilood gudahood ah.

    Bishii Oktoobar, ayaa la dhigay cusbitaalka uu ku hoyday, taasoo keentay in uu tabar darreeyo kadib markii uu soomay.

    Xafiiskiisa ayaan bixinin faah faahin badan oo ku saabsan isbitaalka, balse waxaa la sheegay oo kaliya in madaxa dowladda uu dareemayo xanuun.

    Daraasadii ugu horeysayna waxay muujisay in xanuunkiisa lagu sifeeyay in jirkiisa uusan helin biyo ku filan.

    Netanyahu ayaa ka soo muuqday muuqaal isagoo taagan oo dhoola cadeynaya, wuxuuna sheegay in dhibaatadan uu isku arkay xilli safar ay isaga iyo qoyskiisu ku tageen badda Galili.

    Israa’iil ayaa la daalaa dhacaysa kulayl xooggan oo xilligan ka jira koonfurta Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee caalamka, gaar ahaan dhanka waqooyi.

    Mr. Netanyahu, oo 73 sano jir ah ayaa waxa loo haystaa eedaymo musuq-maasuq oo uu beeniyay.

    Intaa waxaa dheer, inuu la tacaalayo mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladdiisa, iyo rabshadihii ugu xumaa ee sannado ka dhaca dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

  12. Jeneraalka Soomaaliga ah ee Kenya ka badbaadiyay afgambigii 1982 oo bilad sharaf la guddoonsiiyay

  13. Doon sidday qaad Soomaaliya loo waday oo ku quustay Kenya

    Ruux Jaad cunaya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ruux Jaad cunaya

    Hal qof ayaan weli la helin, ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku quustay magaalada Lamu, gobolka Xeebta, Kenya.

    Sida ay qortay warbaahinta Citizen ee Kenya, wararka ayaa sheegaya in labo ruux laga soo badbaadiyay doonida degtay subaxnimadii Jimcaha.

    Saddexda qof ee shilku ku dhacay, ayaa waxay diyaarad kasoo qaadday deegaanka Mokowe Jetty oo ku yaalla galbeedka Lamu, waxayna ku sii jeedeen magaalada dhacda xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo layiraahdo Kiunga Somali.

    Hawlgalka baadigoobka iyo samata bixinta, ayaa hadda socda, waxaana fulinaya koox ka kooban hay’ado kala duwan.

    Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha haatan ee badda, ee ah iney dhacayaan dabeylo wata roobab culus, ayaa caqabado la taaban karo ku noqday kooxda samatabixinta.

    “Waaxda saadaasha hawada waxay soo saartay talo ku saabsan xaaladaha badda ee kacsan bishan." Ayaa laga soo xigtay waaxda durjoogta Kenya.

    Waxaan u soo jeedinayaa kalluumaysatada iyo dadka kale ee isticmaala badda inay taladan si dhab ah u qaataan oo ay taxaddaraan. Dhanka kale, waxaan si hagar la'aan ah uga shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa naaquudihii doonta ee maqan," ayay waaxdu tiri.

    Iyadoo ay socdaan dadaallada baadigoobka iyo samata bixinta, mas’uuliyiinta Lamu ayaa waxay ku boorinayaan dadka kale inay feejignaadaan inta ay badda marayaan, ayna u hoggaansamaan dhammaan digniinaha iyo talooyinka, si loo sugo ammaankooda.

  14. Afhayeenka Taliban oo farriin u diray Reer Galbeedka

    Zabihullah Mujahid,
    Qoraalka sawirka, Zabihullah Mujahid,

    Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, ayaa sheegay in sida ku cad heshiiskii magaalada Doha ee ay la galeen Mareykanka, in dhulka Afgaanistaan ​​aan loo adeegsan doonin dalka Pakistan, uuna u arko Pakistan dal Muslim ah oo walaalo ah.

    Zabihullah Mujahid oo ah afhayeenka xukuumadda Taalibaan, ayaa hadalkan jeediyay, isagoo ka jawaabaya hadalka wasiirka gaashaandhigga Pakistan Khawaja Asif, oo eedeeyay Afgaanistaan.

    Wuxuu sheegay wasiir Khawaja in xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​aysan raacayn shuruucda kala hagta dalalka deriska la ah, heshiiskii Doha-na ay qeyb tahay arrimahaasi.

    Waxaa jirta in hoggaanka militariga iyo siyaasadda ee dalka Pakistan inay walaac xooggan ka muujinayaan meelaha nabdoon ee ay kusugan yihiin mintidiinta Taliban-ka reer Pakistan ee gudaha dalka Afgaanistaan, iyo hawlgallada xuduudaha ee socda.

    Afhayeenka xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, oo la hadlay BBC Pashto, ayaa sheegay in haddii dowladda Pakistan ay la wadaagto cadeymaha howlgallada ka dhanka ah Pakistan, kuwaasoo ka socda gudaha dhulka Afgaanistaan, ay tallaabo ka qaadi doonaan Talibanka Pakistan.

    Wuxuu intaas ku daray in 'dhinaca Pakistan ay sidoo kale shirar yeeshaan.'

    Waxaa xusid mudan in wada hadalo dhowr ah ay magaalada Kabul ku yeesheen wakiilo ka kala socday Talibanka Pakistan iyo dowladda Pakistaan,​​oo ay dhexdhexaadinayeen xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan, balse aan miro dhal noqon.

    Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in wakiilo ka socday Talibanka Pakistan ay uga yimaadeen Waqooyiga Waziristan wada hadaladan, haatanna wada hadaladan ay noqdeen kuwo aan miro dhal ahayn, dhexdhexaadintii wada hadaladana ayaa sidoo kalana soo afjarantay.

  15. Madax kala duwan oo Reer Yurub ah oo socdaal ku joogga dalka Tunisia

    Muhaajiriin ku safraya badda Mediterranean-ka.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Muhaajiriin ku safraya badda Mediterranean-ka.

    Ra'iisul wasaarayaasha dalalka Talyaaniga iyo Holland, iyo guddoomiyaha guddiga Yurub, ayaa maanta ku sugan dalka Tunisia, iyagoo isku dayaya inay dib u bilaabaan wada hadal ku saabsan joojinta dadka tahriibka, ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

    Georgia Meloni, Mark Rutte, iyo Ursula von der Leyen, ayaa la kulmi doona madaxweynaha dalka Tunisia, Kais Saied.

    Waxa ay isku dayayaan inay heshiis ka gaaraan in Tunisia la siiyo in ka badan hal bilyan oo doollar, si ay u soo rogaan kontaroolada xuduudaha.

    Maamulka Tunisia, ayaa lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen dadka tahriibayaasha ah, oo ay kamid tahay inay ka saareen magaalada Sfax, kadibna ay ka tageen iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo.

    (Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in ku dhawaad ​​saddex boqol oo caruur ah ay dhinteen, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, si ay ugu gudbaan qaaradda Yurub sanadkan.)

  16. Maxaad ka taqaanaa haweeneyda kunool hal guri in ka badan boqol sano?

    Elsie Allcock
    Qoraalka sawirka, Elsie Allcock

    Haweeney 105 jir ah oo hal guri ku wada nooleyd nolosheeda oo dhan, ayaa wacad ku martay inaysan waligeed ka guuri doonin gurigani.

    Elsie Allcock, ayaa waxay ku dhalatay guri laba sariirood leh, oo ku yaalla deegaanka Huthwaite, oo katirsan Nottinghamshire, kadibna waxay ku iibsadeen gurigani iyada iyo ninkeedii dhintay lacag gaareysa £250.

    Mudadii ay kunoolayd gurigani, Elsie, ayaa waxay goob joog u ahayd dhamaadkii dagaalkii koowaad ee aduunka, dagaalkii labaad ee aduunka, shan madax dawladeed, iyo 22 raysal wasaare oo Ingiriis ah.

    Hadda waxay halkaas kula nooshahay wiilkeeda oo 76 jir ah, Raymond.

    Elsie, oo dhawaan 105 sano jirsatay, ayaa wali waxay ka dhex shaqeysaa gudaha guriga, oo waxay waqti galisaa beerista, samaynta waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka iyo ereyo bixinta.

    Sheekada haweeneydani iyo hoygeeda, ayaa waxaa daawatay malaayiin, iyagoo ku wadaagay Baraha Bulshada.

    "Weligay kamaan tegin guriga, mana ka tagi doono, illaa aan ka geeriyoonayo," ayay tiri.

  17. Erdogan oo wax ka badalay siyaasaddii ku wajahnayd Reer Galbeedka

    Recep Tayyip Erdogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan

    Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkan qaaday tallaabo weyn oo uu ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la leeyahay reer Galbeedka.

    Wuxuu badalay hannaanka siyaasadda, isagoo si degdeg ah u sameeyay qaabkii uu u xalin lahaa dhibaatada dhaqaale ee daba dheeraatay, ee ka sii dareysa ee dalkiisa uu la ildaran yahay.

    Erdogan ayaa isniintii ka yaabiyay xulafadiisa isbaheysiga militariga ee NATO, markii uu si lama filaan ah uga tanaasulay diidmadiisa codsigii Sweden ee ahaa in ay ku biirto isbaheysiga militariga.

    Saacado ka hor inta uusan imaan dalka Lithuania, Erdogan waxa uu dhalleeceeyay Sweden inay ku guuldareysatay in ay wax ku filan ka sameyso joojinta argagixisada, waa sida uu hadalka u dhigay.

    Isbadalka degdega ah ee Erdogan, ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in madaxweynaha cusub ee dib loo doortay uu mudnaanta siinayo hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed ee reer galbeedka, iyo in loo xaqiijiyo soo dhoweynta maalgashadayaasha shisheeyaha ah ee Turkiga ka fogaaday sannadihii u dambeeyay dhibaatooyinka dhaqaale.

  18. Sidee uga fal celiyeen ciyaar yahanada kale ciyaaryahanka Muslimka ah ee lagu eedeeyey kufsiga?

    Benjamin Mendy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Benjamin Mendy

    Ciyaar yahano kala duwan, ayaa ka fal celiyey go’aankii laga gaarey fal dambiyeedkii loo heystay ciyaar yahan Benjamin Mendy.

    Ciyaar yahanada kala ah, Vinicius, Paul Pogba iyo Memphis Depay, ayaa dhamaantood waxay kal hore u taageereen, oo ay barbar istaageen ciyaar yahan Benjamin Mendy, ka dib markii ay ku waysay dambi maxkamadda Chester Crown.

    Fal celinada lasoo gudbiyey, ayaa sidoo kale waxaa kamid ah, “Waan ka xumahay wax kasta oo aad soo martay, Benjamin Mendy. Waxaad lumisay laba sano oo xirfaddaada ah”.

    Su'aasha taagan, ayaa waxay tahay maxaa lagu hagaajin doonaa dhibaatada soo food saartey ruuxa eeda la isagala dul dhacay?

    Laakiin taasi waa tan ugu yar xaaladdahan oo noocan oo kale ah. Ka waran dhaawaca nafsaaniga ah?

    Hubaal in nolosha qofka aanay weligeed dib ugu soo noqon doonin sidii hore. Dhaqanka sumcad dilka, ayaa haddana dhibane ka dhigaya ruuxa.

    Ilaa goorma ayaa nala eedayn doonaa, oo haddana nala xukumayaa anagoon xaq u lahayn difaaca aasaasiga ah?

    Sidaasi waxaa yiri ciyaar yahan ka hadlayey dhibaatada soo wajahda ciyaarhanada.

    Wararka been abuurka ah ayaa la abuuraa oo la faafiyaa, iyada oo aan la hubin wax xaqiiqo ah.

  19. Maamulka Madaxweyne Biden oo cafinaya deynta lagu leeyahay ardeyda

    Ardey boorar wadata

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ardey boorar wadata

    Maamulka Madaxweyne Biden, ayaa baabi'iyay $39 bilyan oo u dhiganta (£29.7bn) oo deyn arday lagu lahaa ah, oo laga doonayey iney bixiyaan ardey gaareysa 804,000 in ka badan 20 sano.

    Deyn cafiska ayaa ka dhashay "hagaajin" ay dowladdu sheegtay inay ku samaynayso qorshayaasha horyaalla.

    Dadka deynta lagu leeyahay ee u qalma barnaamijkan, ayaa waxaa la ogeysiin doonaa haddii deyntooda la cafinayo toddobaadyada soo socda, sida ay sheegtay waaxda waxbarashada.

    Waxay ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay diiday madaxweyne Joe Biden dalab deyn cafis ah oo ardeyda ah, oo dhan $400bn.

    Talaabada la qaaday Jimcihii, ayaa hagaajin doonta khaladaadka maamulka, taasoo ka dhigan in lacagaha dadka amaahda qaatay qaarkood aan lagu xisaabin inay u qalmaan deynta cafinta amaahda, waaxda waxbarashada ayaa sidaasi tiri.

    "Muddo aad u dheer, dadka deynta qaatay waxaa soo wajahay nidaam aan wanaag sanayn, kaasoo ku guuldareystay inuu si sax ah u ilaaliyo horumarka ay ka gaareen cafiska," ayuu xoghayaha waxbarashada Mareykanka Miguel Cardona ku yiri hadal uu soo saaray.

    Amaahiyeyaasha ayaa xaq u leh cafiska 20 ama 25 sano ka dib lacag bixinta, taasoo ku xiran qorshahooda, ayay yiraahdeen saraakiishu.

    Qaar ka mid ah mucaaradka siyaasadeed ee Madaxweyne Biden, ayaa si degdeg ah u cambaareeyay ku dhawaaqista.

  20. Fatahaado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed

    Bus biyo ku jira

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bus biyo ku jira

    Samatabbixiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed oo ka shaqaynayay sidii ay u gaari lahaayeen baabuur ku go’doonsan godad daadku qaaday, ayaa soo saaray ugu yaraan lix mayd ah.

    Roobab dabaylo wata ayaa sababay daadad, dhul go’ iyo koronto la’aan dalka intiisa badan.

    Ugu yaraan 26 qof oo kale, ayaa la og yahay inay ku dhinteen daadadkani, halka toban kalena la la’yahay.

    Ma cadda inta qof ee weli ku xayiran tunnel-ka dhererkiisu dhan yahay 685 mitir, balse 15 baabuur ayaa loo malaynayaa inay qarqiyeen.

    Saraakiisha ayaa sheegay in tunnel-ka Osong - oo u dhow magaalada Cheongju ee bartamaha Waqooyiga Chungcheong - uu ku soo rogmaday daadad xooggan.

    Waxa si degdeg ah u bax saday darawaliinta iyo rakaabka saarnaa baabuurtii uu saameeyey daadadka, ka dib markii webi u dhow uu qararka jabsaday.

    Subaxnimadii Axadda, shan mayd ah, ayaa laga soo saaray gudaha bas. Taasi waxay daba socotay markii la helay hal mayd oo kale, iyadoo sagaal qof ay ka badbaadeen dhacdadii Sabtidii.