Muxuu yahay sharciga adag ee muhaajiriinta ee ka dhaqan-galay Mareykanka?

Xadka Mareykanka iyo ka tallaabistiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu gadaal ka riixayay barasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta.

Goobaha ganacsiga ayaa shaqaalahooda uga digay in shaqooyinkooda ay khatar ku jiraan.

Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaararka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid. Sharcigan ayaa dhaqan-galay shalay oo ay bisha July 1 ahayd.

“Sharcigii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta”

Askari Mareykan ah oo xuduudda ilaalinaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

DeSantis ayaa ku tilmaamay SB 1718 inuu yahay "kii ugu adkaa ee muhaajiriin sharci-darrada ah ka dhan ah ee dalkaas laga dhaqan-geliyo."

Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify), wuxuu ganaax US$1,000 maalintii kusoo rogayaa shirkadaha shaqaaleysiiya qof aan diwaan-gashaneyn, iyo in lagala laaban doono leysanka.

Wuxuu sharcigan sidoo kale mamnuucayaa in kaarar aqoonsi la siiyo dadka sharci-darrada kusoo gala Mareykanka.

Sidoo kale isbitaallada ayaa laga doonayaa inay ururiyaan xogta bukaanka una soo gudbiyaan maamulka gobolka.

Sharcigan ayaa sidoo kale dembi ka dhigaya in gaari lagu qaado qof aan diwaan-gashaneyn.

Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida.

Mareykanka iyo Mexico oo ka wada hadlaya qaxootiga

Mareykanka

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saraakiisha dalalka Maraykanka iyo Mexico, ayaa iyaguna ka wada hadlaya barnaamij cusub oo qaxootiga Maraykanka ah, oo loogu talagalay qaar kamid ah magan-gelyo-doonka aan u dhalan dalka Mexico, ee ku sugan xadka Mexico, afar dhinac ayaa laga helay warkaasi, qayb ka mid ah isku dayga Madaxweyne Joe Biden ee uu ku abuurayo hannaan sharci ah, oo ay soo mari karaan dad badan oo magan galyo doon ah.

Barnaamijku waxay u badan tahay in loo oggolaan doono dadka ka imanaya dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo qaxootiga Venezuela ee ku sugan dalka Mexico, ilo-wareedyada ayaa sidaasi soo gudbiyey. Muhaajiriinta ayaa u baahan doona inay keenaan caddeymo muujinaya inay joogeen Mexico ka hor Juun 6-deeda, si ay ugu qalmaan in la qaabilo, mid kamid ah ilaha laga helay warka, ayaa sidaasi soo gudbiyey.

Ilahan – laba sarkaal oo ka kala tirsan dalalka Maraykan iyo Mexico, iyo laba qof oo arrintan wax ka yaqaan oo dhammaantood magacyadooda qariyey – ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen in arrintu weli tahay mid laga wada hadlayo, oo aan go’aanno kama dambeys ah laga gaarin. Ma cadda inta qof ee ka faa'iidaysan karta barnaamijkan.

Boqollaal kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid afarta waddan ee aynu soo xusnay, ayaa soo maray Mexico, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, intii lagu jiray daganaansho la’aanta siyaasadeed, oo ay ka dhalatay dhaqaalo xumo sannadihii la soo dhaafay, taasoo culeys saartay tasiilaadka iyo kheyraadka labada dal, iyo cadaadis siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweyne Biden, oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga, kaasoo doonaya in dib loo doorto sanadka 2024-ka.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qorshaha wada hadalku, ayaa wuxuu u saamaxaya muhaajiriinta u qalma ee loo oggolaaday aqoonsiga qaxootinnimo inay kusoo galaan barnaamijka dib-u-dejinta qaxootiga ee Mareykanka, kaasoo ay heli karaan oo keliya codsadayaasha dibadda, ayay yiraahdeen ilo-wareedyada.

Si ka duwan inta badan dadka soogalootiga ah ee dalbada magangalyada ka dib markay Maraykanka soo galaan, ayaa qaxootigu waxay helaan ogolaansho shaqo oo degdeg ah, iyo faa'iidooyinka dawlada sida guriyeynta iyo kaalmada shaqada.

Qaxootiga isticmaalaya barnaamijka dib-u-dejinta ee Maraykanka, ayaa waxay codsan karaan inay noqdaan deganaansho rasmi ah hal sano gudaheed, iyadoo tani ay siinayso ruuxa xasilooni, halka dhanka kalana uu ku heli karo fursado badan. Si loo ansixiyo, waa inay caddeeyaan inay lasoo kulmeen cadaadis jinsi, diin, dhalasho, xubin ka ahaanshaha koox bulsho gaar ahaaneed ama fikrad siyaasadeed.

Bayaan ay soo saartay, wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mexico, ayaa waxay ku sheegtay inay si joogto ah ugala hadasho dowladda Mareykanka ballaarinta shaqooyinka iyo shaqaalaha, iyo difaacista qaxootiga. Si taas loo gaaro, waxa ay sheegtay in laga dooday barnaamijyo iyo siyaasado kala duwan, iyadoo mar walba la ilaalinayo madax banaanida qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Mexico wax heshiis ah lama gaarin dowladda Mareykanka, ayay wasaaraddu intaa ku dartay.

Hannaanka uu soo galootiga ku wajahayo maamulka Biden

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Maamulka Biden, ayaa u furay habab cusub oo muhaajiriinta ay ku galaan Mareykanka si sharci ah, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu fashilanao dadka inay si sharci darro ah uga gudbaan xadka u dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Mexico.

Muhaajiriinta ku sugan dalka Mexico, ayaa waxay soo codsan karaan gelitaanka Maraykanka, iyagoo maraya habka casriga ah ee laga isticmaalo taleefanada gacanta, iyagoo markaa ka dibna codsan doona magangelyo, laakiin ka gudbinta araajida ee dhanka Internet-ka, ayaa si degdeg ah u buuxsama. Marka loo eego barnaamijka kale ee Biden uu wado sida dadka ka yimaada dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuelans, waxay codsan karaan inay diyaarado kusoo galaan dalka Mareykanka, haddii ay haystaan kafaala-qaadayaal kusugan gudaha Mareykanka.

Laakiin dariiqyadaas laguma helo faa'iidooyin isku mid ah, marka laga hadlayo qaxootiga, ama dariiq toos ah oo lagu heli karayo deganaansho rasmi ah, halka ugu dambeynna la qaadanayo dhalasho.

Bishii Abriil, maamulka Biden, ayaa wuxuu sheegay inay ujeeddadoodu tahay inay galaan Mareykanka 40,000 oo qaxooti ah oo ka yimid Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanka sannadaha 2023 iyo 2024, taasoo labanlaabaysa bartilmaameedkii hore ee la hiig sanayey. Laga bilaabo bishii Maajo 31, ilaa 3,400 ayaa yimid, taasoo muujinaysa in loo baahan yahay xawli ballaaran, si si weyn looggu dardargeliyo tirade, oo loo gaaro yoolka.

Qaar kamid ah dadka u ololeeya qaxootiga, ayaa ka walaacsan in diiradda la saaro Koonfurta Ameerika oo kaliya, ay hoos u dhigi karto ka shaqeynta qaybaha kale ee adduunka, oo ay ku jiraan qaxootiga kolkii horaba sugayay oggolaanshaha.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hindisaha laga doodayo ayaa wuxuu noqon doonaa barnaamijka "Mudnaanta Labaad" ee qaxootiga, ilo-wareedyada ayaa sidaasi sheegay, oo lamid ah tani midkii loo furay Afgaanistaan sanadkii 2021-kii. Barnaamijyada noocan oo kale ah, ayaa u oggolaanaya kooxo gaar ah oo dad ah inay si toos ah u codsadaan barnaamijka aqoonsiga qaxootiga, iyaga oo aan u baahnayn gudbinta hey’adda Qaramada Midoobay.

In kasta oo wada-hadalladani, ay dowladda Mexico ka muujisay walaac weyn, ayuu yiri sarkaalka ka socda dhanka dowladda Mexico.

Haddii barnaamijku uu ku dhiirrigaliyo soo galooti badan inay galaan dalka Mexico, waxaa laga yaabaa inay canshuuraan, maadaama kheyraadka dalkani uu markii horeba uu ahaa mid ciriiri ku jiray, si loola tacaalo muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku.

Mid kamid ah walaacyada ay qabto muhiimka ah ee dowladda Mexico, ayaa ah halka lagu kala hufayo laguna marsiinayo baaritaanka muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku.

Haddii Maraykanku isticmaalo tas-hiilaadkiisa qunsuliyadda ee jira, qorshuhu wuu shaqayn karaa, laakiin xarun kasta oo cusub oo Maraykan ah oo ku taalla gudaha dalka Mexico, ayaa ujeedadeedu waxay noqon doontaa mid siyaasadaysan, ayuu sarkaalku intaa ku daray.

Go'aannada la sugayo waxay sidoo kale u baahan doonaan ka qeyb qaadashada wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Alicia Barcena, oo aan weli loo dhaarin jagada, ayuu yiri sarkaalku.