Taariikhda uu soo maray Garoonka Stadium Muqdisho ee munaasabadda 1-da Luuliyo lagu qabtay

Garoonka Stadium Muqdisho

Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya

Garoonka Stadium Muqdisho oo shalay lagu qabtay munaasabad qurux-badan oo lagu xusayay 1-da Luuliyo oo loo debbaal-dego xornimadii Soomaaliya iyo Midowgii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa uu soo maray taariikh kala duwan.

Shalay waxaa garoonka isugu soo baxay kummannaan qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaayeen madaxda dowladda oo uu ugu horreeyo madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi khubad ka jeediyay.

Garoonka oo dib habeyn xooggan ay ku sameysay dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo maray dayac iyo burbur xooggan ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya.

Waxaa markii ugu dambeysay ay xarun u ahayd ciidamadii nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMMISOM ee hadda loo baddalay ATMIS.

Taariikhda garoonka

Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay 'jowharta astaanta u ah nabadda" ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii,

Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay 'jowharta astaanta u ah nabadda" ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan.

Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale.

Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidaas oo ay tahay ayaa waxa uu leeyahay xeebdaab kore oo aad uga fog, islamarkaasna leh ganjeelooyin laga soo garo iyo darbi ku wareegsan.

Inkasta oo ciyaaraha gobolada iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan kuwa qaramada ee saaxiibtinimada lagu qaban jirey garoonka Istadium Muqdisho, haddane waxa uu garoonka caan ku ahaa in lagu qabto isu soo baxyada siyaasadeed, iyada oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre uu khudbadaha ka jeedin jiray.

Waxaase aad loo xusuustaa sanadkii 1987-dii bandhig faneedkii weynaa ee Muqdisho iyo Magool oo ay kasoo qeybgaleen 45 kun oo qof dad lagu qiyaasay.

Fanaanadii Xaliimo Khaliif Magool ayaa garoonka ka heestay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha aan weli dadka xusuustooda ka harin.

Khudbaddii xigtay ee madaxweyne waxa ay ahayd sanadkii 2000, xilligaas oo madaxweynihii markaas Jabuuti lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu kumanaan qof ah kula hadlay garoonka, wuxuuna ka mid ahaa isu imaatanadii taariikhda galay ee ugu badnaa ee shacab ku muujiyeen dareenkooda farxadeed.

Afar sano kadib, sanadkii 2004-tii, Ra'isulwasaarihii markaas cusbaa Cali Maxamed Geeddi ayaa garoonka ku qabtay isu soo bax balaaran oo lagu taageerayay, balse duqeymo lala eegtay ayay dadna ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Saldhig Ciidan

Inta badan garoonka waxa uu saldhig u ahaa ciidamo kale duwan oo dalka siyaabo kala duwan u yimid,

Inta badan garoonka waxa uu saldhig u ahaa ciidamo kale duwan oo dalka siyaabo kala duwan u yimid, markii koowaad sanadihii sagaashamaadkii waxa uu garoonka saldhig u noqday ciidamadii nabad illaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan.

Ciidamada Itoobiya markii ay Muqdisho galeen ayay halkan ayay saldhig ka dhigteen, waxaa kale oo meesha xarun tabobar ciidanka ah ka dhigtay ururka Alshabaab.

Sanadii 2011-kii ayay ciidamadda AMISOM fariisin ka dhigteen garoonka oo leh gidaaro waaweyn oo gabbaad u noqon kara cid kasta oo gudaha u gasha.

Dib usoo kabashada garoonka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii Ogogoto ee sannadkii 2018 si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii Ogogoto ee sannadkii 2018 si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka, waxaana ay dowladdiisii markiiba dib u bilowday nadiifinta iyo dayactirka garoonka oo ka muuqday dayac iyo bubur xooggan.