Dooddii xukuumadda Puntland iyo shacabka ee khilaafka dowladda dhexe

Dood ku saabsan khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe
Qoraalka sawirka, Dood ku saabsan khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe

Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland waxaa maanta lagu qabtay dood looga hadlayay arrimaha la xiriira khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasoo dhex martay xukuumadda iyo dadweynaha.

Kulanka dood wadaagga ah oo ay soo qaban qaabisay warbaahinta ayaa lagu casuumay wakiillo matalayay maamulka Puntland iyo ururrada bulshada rayidka oo ku hadlayay codka guud ee dadweynaha.

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo qorshaynta, iyadoo su'aalo badan la isweydiiyay intii ay doodaasi socotay maanta.

Mas'uuliyiinta ka socotay dhinaca dowladda ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka ay isku mari la'yihiin iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ayeyna ku micneeyeen in "maamul goboleedka Puntland aan qoondo ku filan laga siinnin deeqaha uu caalamka siiyo dowladda Soomaaliya".

Markii ay doodda soo dhammaatay ayaa waxaa BBC-da u warramay wasiirka kalluumeysiga ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo hor kacayay guddi ay xukuumadda u xilsaartay ka qeyb galidda dooddaas.

"Dood fiican bey ahayd wuxuuna cinwaakeedu ahaa 'maxay isku hayaan dowladda dhexe ee federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka?'. Waxaan ka jawaabeynay Isfahan darrada meesha ay ka jirto, wixii la is weydaarsaday, wixii heshiisyo ah oo la isku fahmi waayay, dhaqaalihii Puntland soo gaaray iyo wixi aan soo gaarin, arrimahaas ayaa laga hadlay aad baana ugu faraxsannahay", ayuu yiri Cabdirashiid.

Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay tabashadooda ku aaddan qoondeynta dhaqaalaha.

"Dhab ahaantii sidii maanta la qeexay, deeqaha caalamka ka yimaada sidii loogu tala galay looma qoondeeyo oo looma fuliyo, wixii ay Puntland xaq u lahaydna kama hesho, waxaadna moodaa miisaaniyadda malaayiinta ah ee la soo bandhigay in wixii Puntland ka soo gaaray aysan wax jira ahayn" ayuu yiri.

Puntland waxay tirsanaysaa "gacan bidxayn"
Qoraalka sawirka, Puntland waxay tirsanaysaa "gacan bidxayn"

Qodobkan ayuu sheegay inuu ka mid yahay waxyaabaha la isku hayo ee carada weyn abuuray.

"Xitaa marka aad aragtid qaabka loo qorsheeyay waxaad dareemeysaa cadaawad ku wajahan Puntland iney ka dhadhameyso, waayo miisaaniyaddii laga dhigay boqol iyo dhowr malyan waxaa Puntland kaga soo aadday labo malyan".

Puntland ma si gaar ah ayey wax u raadsaneysaa mise waxay xitaa u doodeysaa maamullada kale?

Wasiir Cabdirashiid oo su'aashan qudheeda ka jawaabayay ayaa yiri "Maamulladu dhibka wey wada qabaan, inkastoo ay iyaga laftooda kala duruuf duwan yihiin. Laakiin culeyska haysta, dhaqaale ha ahaado ama mid siyaasad, ama mid dastuur ama mid amni, saameyn isku mid ah ayaa dowladda dhexe kaga timid dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka".

Puntland ayaa qeyb ka ah maamul goboleedyo isbahaystay oo xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana wali meel adag taagan is mari waaga u dhexeeya labada dhinac.