Maxay Soomaalida uga dhigan tahay in dadka ku nool Kenya ay lacag ka samayn doonaan baraha bulshada ee Meta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
War farxad leh ayaa u soo yeedhay wax-abuurayaasha isticamaala baraha bulshada Meta ee ku nool dalka Kenya bisha June ee soo socota ayay si toos ah lacag uga samayn doonaan waxyaabaha ay soo galiyaan baraha bulshada sida qoraalada, sawirrada iyo muuqalada.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii kulan wada xaajood ah ay yeesheen Madaxweynaha dalka William Ruto iyo shirkadda weyn ee Meta tan uu muujinaysa rejo wanaagsan oo ku aadan sida lacago looga samayn karo masraxa casriga ah ee internet-ka oo inta badan dadku wakhtigooda ku dhumiyaan una isticmaalaan in ay kuna wada xidhiidhaan, madadaalo u isticmaalaan badeecadahana ku iibgeeyaan.
Madaxweynaha Arrimaha Adduunka ee Facebook Nick Clegg, ayaa ku dhawaaqay in wax abuurayaasha baraha bulshada ee Kenya ku nool ay kasoo baxeen shuruudaha ah in lacag laga samayn karo baraha Meta ee Facebook iyo Instagram. Ku dhawaaqistaan ayaa ah tallaabo midho dhal ah oo dowladda Kenya gaadhay iyada oo mudo ka shaqaynaysay hirgelinta arrintaan. Madaxwynaha Kenya soodhaweeyay isaga oo sidoo kale ka codsaday in habka lacag la bixista lagu daro M-Pesa, tan oo ah tallaabo dhibyaraynaysa habka adeega lacagta qaadashada faa’iidooyinka laga sameeyo baraha Meta.
Qofka lacag ka samaynaya baraha Meta ayay tahay, ugu yaraan in ay la socdaan barahiisa 5,000 oo qof ciiwaankooda gaarka ah iyada oo bogagga ay tahay in ay haystaan ugu yaraan 10,000 (toban kun) oo qof. Si taas lamidda wax-abuura-yaashu (Content Creators) waa in ay haystaan diiwaan taxan oo saamaynleh kuna saabsan waxyaabaha ay soo geliyaan barahooda.
Dad aad xog-ogaal u ah baraha Meta lacagaha laga sameeyo ayaa sheegay in 1,000 qof ee daawadayaal ah laga sameeyo lacag gaadhaysa $8 illaa $20. Qaaradda Afrika ayay labo wadan oo kali ah dadyowga ku nool horay lacag uga samayn jireen baraha Meta wadamadaan oo kala ah Masar iyo South Africa ayay Kenya oo Soomaali badan ku nooshahay noqonaysaa wadankii sadeexaad ee Afrikaan ah iyo kan koobaad ee Bariga Afrika ee dadkiisu si toos ah lacag uga samayn karaan waxyaabaha ay soo geliyaan baraha bulshada ee Facebook iyo Instagram.
Haddaba maxay Soomaalida Kenya ku nool uga dhigan tahay fursaddaan?

Xigashada Sawirka, Maxamed Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdiraxmaan waa saxafi kasoo shaqeeyay qaar kamida ah warbaahnta Soomaalida ee dalkan Kenya, haddan ka mid ah soosaareyaasha barnaamijyada baraha bulshada, waxaan wax ka weyddiinay faa'iidada ay Soomaalida Kenya ku nool u leedahay fursadaan cusub ee shirkadda Meta ugu ogolaatay dalka Kenya dadweynaha ku nool.
"Soomaalidu waxay uga faaiidaysan karaan, [maadaama] waxa ugu badan ee ay ku mashquulsanyahiina uu yahay dhaqaalaha laga sameeyo baraha bulshada qaybahooda kala duwan, shirkada Facebook waa mid kamid meelaha ugu fursadaha roon. Marka maanta waxay fursad u helayaan in ay biyo sacabooda kaga dhergaan." ayuu yidhi Maxamed oo qeexaya faa'iidada cusub ee usoo korodhay Soomaalida baraha bulshada wax ku daabacda eee ku nool dalka Kenya
“Waxay tani tahay fursad aad muhiim u ah marka la fiiriyo caqabadahii hore ee na haystay, tusaale markii hore waxay ahayd in Facebook- page-ka qofku leeyahay dal kale laga maamulo si lacag looga sameeyo” isaga oo sharaxaya ahmiyadda ay leedahay ku dhawaaqistan Meta ah in dadku barahooda lacag ka samayn karaana waxuu yidhi.
Horey waxaa adkayd in qofka jooga dalka Kenya uu si toos ah barahiisa Meta lacag ka sameeyo iyada oo dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada ay samayn jireen xeelado kale oo caqabado leh wadanka ay joogaan dartood.
“Iyadoo qofku facebook lacag ka samayn karo marka loo eego shuruudaha qofka looga baahanyahay ayaan haddana wadanka oo aan loo ogolayn habka lacag ka samaynta ay caqabad ahayd.” ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan oo sharaxaya dhibaatada haysatay.
“Muhiimadda koobaad waa in qofku hadda waxiisii leeyahay, biyana sacabaadaada ayaa looga dhargaa, tan labaadna waa in aad helayso xorriyad adigoo gurigaagii jooga aad bogaagii wax walba gelinayso si ka degdeg badan sidii hore.”ayuu ku daray isaga oo hadalka sii wata.
Waxuu sheegay in caqbaadahu markii hore dhallinyarada haystay ay kamid ahaayeen in mararka qaar ay ciiwaannadooda ay ku isticmaalaan baraha bulshada dad qurbaha jooga u dhiibtaan si ay lacag uga sameeyaan waxuuna xusay in ay marar badan dhacday in dad ciiwaanadooda lagala wareeggo amaba la dhaho faa’iidada boqolkiiba 50% aan qaybsanno qofka.
“Dadka qaar ciiwaanadii laga qaatay baa jira oo qof ay aamineen uu kala wareegay, waxyaabahaas oo dhana waa caqabaddo laga gudbay hadda.”













