Faadumo: Gabadha dahabka iyo gaariga ku heshay Quraanka oo ay laba jeer tartan ku gashay

Faadumo iyo abaal marin

Xigashada Sawirka, Faadumo

    • Author, Abdishukri Haybe
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Markeedii koobaad ee ay tartanka ka qayb galaysay oo ahayd sanadkii hore ee aan soo dhaafnay, qiyaas kama aysan haysan waxa ay kala kulmi doonto. In ay aad u cabsanaysay ayay sheegtay.

Gaari Toyota ah oo nuuciisu yahay Surf ayay noqotay natiijada tartankaas walwalka badan ku abuuray, taas oo farxad iyada qoyskeedaba u noqotay.

Balse tartanka sanadkaan dhacay ee ay ka qayb gashay way ka duwaneed sidii hore Faaduma Jamaal -way ka dhiirraneyd, wayna ka kalsooni badaneed. Filashadeeduna waxa ay ahayd guul.

Faadumo ayaa sanadkaan ka qayb gashay tartan Quraan oo u gaar ah gabdhaha oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Gabadhaan 15 jirka ah ayaa guul kala soo hoyotay tartanka lagu baratamayay quraan xifdiska ee la aqrinayay 30 ka Jus ee ka kooban yahay Quraanku.

Faadumo oo lagu wareerijinaayo furaha gaadhiga

Xigashada Sawirka, Yahye Hussein

Qoraalka sawirka, Faadumo oo lagu wareerijinaayo furaha gaadhiga

“Wax weyn bay iiga dhigantahay in aan ku guuleysto tartanka Quraanka, dedaal badan oo aan sameeyay iyo Ilaahay oo ii sakhiray baana ku gaadhay." Iyada oo dareenkeedda farxadeed cabiraysa ayay sidaas u sheegtay BBC-da Faadumo.

Waxay sheegtay in ay aad ugusoo diyaargarowday si ay ugu guuleysto tartankaan.

“Maadaama oo juhdi badan laygusoo bixiyay anna aan soo dadaalay waan rejaynaayay in aan gali doono kaalmaha hore Ilaahayna waanka baryay”, ayay hadalkeeda raacisay.

Aqriska iyo xifdiska ay ugu diyaar garowday tartankaan ka sokoow ayay sheegtay in ay mahad u heyso waalidkeeda oo dadaal wayn ku bixiyay xifdiskeeda Quraanka. Waxay aaminsan tahay in waalidkeed ay yihiin halyeeyada dhabta ah ee guushaan soo hooyay.

“Labadayda waalid [aabo iyo hooyo] kaalin weyn bay ku lahaayeen in aan tartamada ku geelaysto. Waad taqaanaa oo qof la dhalay oo waalid loo yahay dadaalka lagu bixinaayo mid yar in uusan ahayn. Waxaa ka mid ahaa [dadaalka] 24 saac waanada, dhaqaalaha iyo haday I arkaan annigoo sii niyad jabaya in wax niyadayda kor usoo qaadaya ay ii sameeyaan oo ay iisoo gadaan.” Ayay tidhi Faadumo.

Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya abaalmarinada la guddoonsiin doono tartamayaasha tartanka ay qabatay madasha Ayjal
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Asli Maxamed Cabdullaahi - Hooyada dhashay Faadumo, waxay aad ugu riyaaqsan tahay in dadaalkii ay ku bixisay gabadheeda uu yahay mid mirodhal ah. Tatan ay ka qayb galeen gabdho badan in ay guul ka soo hoysay ayaa u ah waxa ay ku cabireyso guusha daadlkoodu keenay.

“Farxad bay ii tahay in gabadhaydu mar labaad ku guuleysato tartanka alxamdulilaah, si fiican bay u dadaali jirtay macallin caajiib ah oo la dadaalaayay baana macallin u ahaa” hooyada oo hadalkeeda sii wadata waxay sheegtay muhiimadda ay leedahay in ilmaha isaga oo yar ay tahay in la baro Quraanka.

“Cunugu marku yaryahay oo shan sanno jiro quraanka hala geeyo, wax kalena yaan la barin. Markaas buu ilmuhu noqon karaa mid meel u jeeda oo xaafid ah. Markuu Quraanka barto isagoo qalbigiisu fiicanyahay waxyaabaha kalena way u dhibyaraanaysaa barashadooda”, ayay BBC da u sheegtay hooyo Asli.

Sanadkii 2023 kii tartan ay Faadumo usoo safartay ku dhawaad 700 km si ay uga qayb gasho tartan Quraan oo ka dhacayay magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaadh ka ah ee Jubaland, iyada oo uga timid magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Faadumo tartankaas ma aysan noqon qofka kaalinta koobaad galay. balse maadaama ay ahayd gabar yar oo hammi wanaagsan ku jiray ayuu madaxweynaha Jubaland ku abaal mariyaygaadhi gaari nooca Toyota Surf ah ee soo baxay sanadkii 2022 ga, oo qiimihiisu markaas joogay in ka badan $10,000.

Qoyska Faadumo waxay u guureen magaalada garowe ee Caasimadda Puntland, iyada oo sanadkaan qayb ka noqotay ardey ka qayb galay tartan Quraan oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Waxay gashay kaalinta koobaad ee tartanka waxaana lagu abaal mariyay 50 Gram oo dahab ah oo dhiganta.

Faadumo iyada oo si farxadleh uga hadlaysa guusheedan hadda waxay talo siinaysaa filkeed oo ay ku waaninayso in ay adeecaan waalidkood.

Faadumo waxay rajeneysaa mustaqbalka dhaw in ay raadiso sidii ay uga qayb gali lahayd tartamada caalamiga ah ee ka dhaca dunida, guulana uga soo hoyn leheed.

"Insha Allaah waxaana rejaynayaa mustaqbalka tartamo caalami ah [Soomaaliya aanku metelo] in aan ka qayb galo.”