Muxuu yahay Quraanka 500 oo sano gidaarka ku keydsanaa ee la helay?

qoraalka Quraanka la helay

Xigashada Sawirka, ÁLVARO CABRERA

Muxammad Al-Ŷayyar, oo ahaa nin aqoon iyo xirfado kala duwan leh, waxa uu ku noolaa waqti qalalaase aad u badan ka dhaceen Al-andalus.

Isagoo maxbuus ku ah magaalada Seville, ayuu buugaag u koobiyeeyay gudoomiyaha magaalada ilaa laga siidaayay. Kadib wuxuu noqday khabiir dhanka sharciga ah iyo imaam masjid.

Al-Ŷayyār wuxuu yimid magaalo lagu magacaabo Cútar, bishii Agoosto sagaalkeedii, sanadkii 1490 kii, wuxuuna goobjoog u ahaa qabsashadii magaalada Granada ee sanadkii 1492, iyo dhulgariirkii ba'naa ee ka dhacay magaalada Malaga ee waddanka Spain.

Sababta uu Quraanka ugu qariyay gidaarka

Qiyaastii 1500, oo ay soo food saartay laba doorasho oo aad u qararaa oo kala ahaa; doorashada inuu u qaato diinta Masiixiga ama ka tago waddankiisa, Al-Ŷayyar ayaa go'aansaday inuu wadanka kabaxo. Intaanu dhoofin waxa uu gidaar gurigiisa ah ku dhex qariyay saddex Buug oo kala ahaa: laba buug oo uu qoray iyo kitaab Quraan ah oo loo maleynayo in la qoray qarnigii 12aad ama 13aad.

Qoraal-gacmeedyadan ayaa qarsoonaa 500 oo sano illaa xiligii lahelay oo aheyd Juun 28 keedii, 2003 dii, intii lagu jiray shaqada dib u cusboonaysiinta tuulada Cútar.

Milkiilaha guriga, Magdalena Santiago, ayaa ku tilmaantay arrin la yaab leh in la helay qoraaladan maadaama guriga ay xalaadisa aad u liidatay.

Kadib markii dib loo soo cusbooneysiyay qoraal-gacmeedyadan hadda waxay ku keydsan yihiin madxafka Archivo Histórico Provincial ee Malaga.

Dawlad goboleedka Andalusia ayaa daabacday buuga uu ku qornaa quraanka kariimka sannadkii 2009kii, iyada oo ay weheliso cilmi-baadhis lagu sameeyay saddexda buug ee kale oo kamid yahay 'Los manuscritos de Cútar'.

qoraalka Quraanka la helay

Xigashada Sawirka, ÁLVARO CABRERA

Qaab-qoraalka Qur’aanka kariimka ah oo soo jireen ka ahaa Spai ilaa qarnigii 13-aad suura gilisay in uu qarniyo badan keydsanaado.

qoraalka Quraanka la helay

Xigashada Sawirka, ÁLVARO CABRERA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jira laba aragtiyood oo ku saabsan sababta Al-Ŷayyar uu aad uga taxadaray inuu qariyo Quraanka ka dib markii la mamnuucay kutubta diinta ee Muslimiinta qarnigii 16aad gudaha dalka Spain. Aragtida koobaad ayaa soo jeedinaysa in laga yaabo in kitaabku ahaa dhaxal qoys, oo waxaa jirijiray in wiilku uu aabihiis ka dhaxlo quraanka, kadibna wiilkiisa usii gudbiyo gobolkaas quraanka ah oo farac ka farac sidaas usii socon jiray. Aragtida kale waxay soo jeedinaysaa in kitaabku yaalay msaajidkii magaaladaas oo dushiisa laga dhisay kaniisad ilaa maanta ka dul dhisan, uuna u cabsaday in hadii la arko kitaabka la jeexjeexi doono.

Kitaabadaan taariikh ahaan muhiimka u noqday reer Spain ayaa hadda si dhijitaal ah looga heli karaa xarunta bandhigga ee magaalada Cútar. Waxaa dadweynaha la siiyaa tafaasiil ku saabsan helitaankooda waxana uu ka turjumayaa taariikhda degmada iyo waqtiyadii ay soo martay Andalus.

Duqa magaalada Cútar, Francisco Ruiz, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay ilaalinta dhaxalkan waqtiga hore la dhigay.

mashruuca bandhigga taariikhdaan ee uu hogaaminayo Juan Bautista Salado oo khabiir waxyaabaha qadiimiga ah, ujeedadiisu waa in la muujiyo qiimaha buugaagtan iyada oo la siinayo fikrado ku saabsan bulshada Andalus.

Sheekada Al-Ŷayār waa mid rajo leh, maadaama uu ku riyooday inuu dhaxal ahaan uga tago dhulkiisii, gurigiisii, iyo kutubtiisii inkasta oo laga soo eryay waddankiisii hooyo.