Maxay Sweden u noqotay meel kutubta diimaha lagu gubo?

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Koox isku magacawday ‘u ololeeyayaasha xorriyadda hadalka’ ayaa gudbiyey codsi oo ay ku doonayaan inay ku gubaan kutub diimo kala duwan, taasoo keeni karta caro weyn, ka dib markii dhawaan kitaabka quraanka lagu gubay dibadda masaajid ku yaalla Stockholm.
Waxay doonayaan inay gubaan kitaabka Tawraad ee Yuhuuddu haystaan, waxaana codsiga loo gudbiyey dawladda Sweden.
Warbaahinta qaranka ee Sweden waxay sheegtay in booliska ay heleen codsi Arbacadii uga yimid qof 30 jir ah oo codsanaya inuu gubo kutubta ay rumaysan yihiin Yuhuudda iyo masiixiyiinta, isagoo doonaya inuu ku gubo dibadda safaaradda Israa’iil ee Stockholm Bishan Luulyo 15keeda.
Codsi kale oo ah in Kitaabka quraanka si degdeg ah loo gubo ayaa iyana waxaa soo dirtay haweeney 50 jir ah.
Booliska waxay sheegeen in codsi kasta si gaar ah loo eegi doono.
Safiirka Israa’iil ee Sweden Ziv Nevo Kulman ayaa Twitterka ku qoray hadal uu kaga carooday arrintaas. “Waxaan ka naxay in kutub kale lagu gubo Sweden, ha noqdo Quraanka, Towraat ama kutubta kale ee diimaha. Sida cad ficilkan waa mid nacayb ku salaysan, waana in la joojiyo” ayuu yiri.
Todobaadkii hore ayaa boolisku wuxuu fasaxay in dibadbax uu ka dhaco Stockholm, ka dib markii ay maxkamad meesha ka saartay joojinta in la gubo quraanka.

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Laakin xukuumadda Sweden waxay wararku sheegayaan in ay cambaareysay gubidda quraanka, waxayna ku tilmaantay “Islaam nacayb” ka dib markii hay’adda uu fadhigeedu Sacuudiga yahay ee ururka iskaashiga Islaamka ay ku baaqday talaabooyin looga hor tagayo in hadda ka dib quraanka la gubo.
Hay’addaas ay 57-ka xubnood ku jiraan ee xarunteedu tahay Jeddah ayaa jawaab ka bixisay falkii uu 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden, Salwan Momika, uu ku joog-joogsaday kitaabka quraanka, bogagga qaarkoodna uu ka buuxiyey hilib doofaar, qaybana uu dab qabadsiiyey.
“Gubidda Quraanka iyo kutubta kale ee diimaha waa xadgudub, waana daandaansi cad. Muujinta midabtakoorka, isir nacaybka iyo dulqaad la’aanta la xiriirta meelna kuma leh Sweden ama Yurub” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Sweden ay leedahay xuquuq uu dastuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo banaanbaxyada.

Turkiga ayaa ku tilmaamay gubista kitaabka Qur’aanka fal aad u fool xun. Waxay sheegeen in go’aanka dowladda Sweden ku ogolaatay in kitaabka la gubo ay tahay ‘wax aan la aqbalikarin’.
Arintan waxay kusoo beegantay iyadoo labada dal ay dhextaagan tahay xiisad siyaasadeed.
Turkiga oo hore Sweden uga dalbaday inay joojiyaan dibadbaxa ayaa mar sii hore u joojiyay booqasho uu wasiirka difaca, Pal Jonson Sweden, ku imaan lahaa dalkooda. Waxay ku sheegeen in meesha ay ka baxday ahmiyadda iyo macnaha uu safarkaasi lahaa.
Waxaa la rajeynayay in safarkaas uu meesha ka saaro diidmada Ankara ee ah in Sweden ay isbahaysiga NATO ku biirto.
Quraan gubidda ayaa Sweden u kala qaybisay qaddarinta xorriyatul qowlka oo dhinac ah iyo qaddarinta dadka laga tirada badan yahay.












