Saddex tallaabo oo la filayo in dalalka Islaamku ka qaadaan gubida Quraanka

Xigashada Sawirka, OIC
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance Journalist
Kadib markii kitaabka Quraanka dhawaan lagu gubay dalka Sweden, waxaa ka falceliyey dalal badan guud ahaan caalamka. Waxaa ka mid ah kuwo muslimiin ah iyo kuwa aan ahaynba sida Maraykanka iyo Ruushka, balse waxaa saameyn gaar ah lahaa sida uu uga falceliyey Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka Islaamka oo isagu shir degdeg ah ka yeeshay falka lagu gubay Quraanka.
Waxaa shirka lagasoo saaray go’aan ah in tallaabo wada jir ah laga qaado haddi ay mar dambe dhacdo in kitaabka Quraanka ah la gubo.
Sweden ayaan u arkin in kutubta diimaha la gubo wax ka baxsan xorriyadda hadalka mana aha markii u horreysay oo dalkeeda lagu gubo nuqul ka mid ah kitaab Quraanka Kariimka.
Balse xukuumadda Sweden ayaa goor dambe cambaareysay gubidda quraanka, waxayna ku tilmaantay “Islaam nacayb” ka dib markii hay’adda uu fadhigeedu yahay Sacuudiga ee ururka iskaashiga Islaamka ay ku baaqday talaabooyin looga hor tagayo in hadda ka dib quraanka la gubo.
Hay’addaas ay 57-ka xubnood ku mideysan yihiin ee xarunteedu tahay Jeddah ayaa jawaab ka bixisay falkii uu 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden, Salwan Momika, uu ku joog-joogsaday kitaabka quraanka, bogagga qaarkoodna uu ka buuxiyey hilib doofaar, qaybana uu dab qabadsiiyey.
“Gubidda Quraanka iyo kutubta kale ee diimaha waa xadgudub, waana daandaansi cad. Muujinta midabtakoorka, isir nacaybka iyo dulqaad la’aanta la xiriirta meelna kuma leh Sweden ama Yurub” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Sweden ay leedahay xuquuq uu dastuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo banaanbaxyada.
Haddaba talaabooyinka uu qaadi karo Ururka Iskaashiga Islaamku haddi mar dambe la gubo kitaabka Quraanka waxaan wax ka weyniinay Cabdiraxmaan Aadan xaddaana oo falanqeeya arrimaha dunida Islaamka.

Xigashada Sawirka, OIC
Meel marinta sharci caalami ah
Cambaareynta ka sokow wuxuu ururkani bilaabay in ay codsi u gudbiyaan qaramada midoobey, kaas oo dib u habayn loogu sameynayo qaar ka mid ah shuruucda caalamaga ah ee u taal caalmka gaar ahaan halka ay iska galaan waxa loo arko gardarrada diinta iyo xorriyadda hadalka.
Waxa uu ururka Iskaasgiga Islaamku soo jeediyey sharci calami ah oo la geynayo qaramada midoobey si loo meel mariyo in gubista Quraanku tahay wax ka baxsan xorriyadda hadalka.
Sharcigan wuxuu ka dhigan yahay sida uu sheegay Cabdiraxmaan, “in qaramada midoobey iyo golaha amaanka la geeyo cadeyn ah in haddii Quraanka lagubo ay tahay colaad abuur iyo dadka oo la is nacsiinayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xadaana, “marka taasina ay tahay in laga hor tago oo qawaaniin rasmi ah oo ka hadlaysa in qofkii ama dowladdi ogolaata in Quraankan la gubo ay khilaafsan tahay qawaaniinta caalamiga ah,” ayuu sii raaciyey.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Talaabo diblomaasiyadeed
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tallaabooyinka diblomaasiyadeed ayaa leh saameyn gaar ah weliba marka cidda talaabada qaadaysa ay awood ama aqlabiyad cod leedahay, waxaana sidan sameeyay dalal dhowr ah sida Turkiga oo Sweden ka hor istaagay in ay ku biirto gaashaan-buurta NATO kadib markii bilowgii sannadkan kitaabka quraanka ah lagu hor gubay masjid dalkaas ku yaal, si la mid ah sidii dhacday toddobaadkii tagay. Hasayeshee Turkiga ayaa marmarsiiyaha ku badsaday arrintan maadaama uu aaminsan yahay in Sweden ay marti geliso kooxo uu Turkigu u arko Argagixio.
Dalka Morocco ayaa isna diiday in uu danjirihiisii dalkaas u fadhiyey dib u celiyo kadib markii uu u yeertay, xitaa kadib markii ay Sweden cambaareysay falka lagu gubay kitaabka Quraanka.
Haddaba sida aan kasoo xigannay Cabdiraxmaan tallaabada kale ee la filayo in laga qaado dalka ogalaada in dhulkiisa lagu gubo Quraanka ayaa ah mid siyaasadeed, “ta kale ee ay wadaani waxaa weeye in dhanka diblomaasiyadda meel loogasoo wada jeesto dalwdda sidaa ku kacda oo safaaradaha la kala qaato,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xadaana mar uu ka hadlayey talaabooyinka ay qaadeen iyo kuwa laga filayo mustaqbalka Ururka Iskaashiga Islaamki (OIC).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka dhaqaalaha
Dalalka islaamka ee ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamka ayaa tira ahaan gaaraya 57 dal, waxaana ka mid ah dalal dhaqaale ahan ladan oo saameyn yeelan kara, tusaale waxaa ka mid ah dalalka bariga Aasiya sida Indonesia iyo Malaysia oo leh dadweyne badan iyo sidoo kale khaliijka oo ay dadkiisu isticmaalaan alaab badan oo laga kala keeno caalamka.
Waxay macmiil u yihiin shirlkada badan oo laga leeyahay dalalka galbeedka oo falalkii u dambeeyay ee lagu gubayo Quraanka ama Nambiga (NNKH) lagu aflagaadeynayo ay ka dheceen.
Waxaana la filayaa in haddi ay dhacdo tallaaba kale oo ay dalalkani ka cadhoodaan la mamnuuco alaabta ka timaad dalka markaas bartilmaameedka ah. “Ta saddexaad waa in dhaqaaleheeda la gooyo, sidaan ognahay dalalka islaamku waa kuwa dhaqaale leh, marka haddi ay mar kaliya ay isu wada yimaadaan oo hal dhinac kasoo wada jeestaan in xagga dhaqaalahana ay ka maraan dawladda falkaa ku dhaqaaqda amaba ogolaata in dalkeeda lagu sameeyo, waa arrin muhiim ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Dalalka galbeedka ayaan u arkin in diimuhu yihiin lama taabtaan waxaana ka dhacay dhowr dhacdo oo Nembiga lagu aflgaadeeyay ama Quraan lagu gubay iyada oo dalwddu ilaalinayso shakhsiyaadka sidan sameeya.
Ka sokow dalalka Islaamka dhacdadii u dambeysay waxaa cambaareeyay waddamada Maraykanka iyo Ruushka.
Xuutiyiinyta Yemen ayaa shalay hir geliyey in ay ka joojiyaan dhulka ay ka taliyaan isticmaalka alaabta laga keeno Sweden , sida lagasoo xigtay talefishanka Xuutiyiinta ee ALMasirah TV.
Wasiirka ganacsiga ee Xuutiyiinta, Muxamed Sharaf Al Mutahhar ayaa sheegay in mamnuuciddu ay hir gashay sabtidii kadib markii go'aanka lagu dhawaaqay afartii Luulyo, wuxuuna dalalka Islaamka ugu baaqay in ay qaadaan tallaabo la mid ah tooda.
"Yemen waa dalkii u horeeyay ee Dalalka Muslimiinta ah kaas oo mamnuuca alaabta laga keeno Sweden gubistii Quraanka awgeed," ayuu yiri AL Masirah.
Waaxda ganacsiga ee Xuutiyiinta ayaa ku talisay in la xannibo liis 30 wakaaladood ah iyo alaabta ay soo saaran 100 shirkadood oo Sweden laga leeyahay.
Waxaa gudaha Sweden iyo guud ahaan caalamka ka dhacay dibadbaxyo loogasoo horjeedo gubista Quraanka, iyada oo Sweden lagu eedeeyay in ay noqotay goob caadeysatay in ay ogalaato gubista kutubta diimaha iyada oo dhawaan ay soo bexeen koox doonaysa in ay gubto dhamaan kutubta ay aaminsan yihiin diima oo dhan.










