Maxay tahay sababta loogu dheggan yahay Kajol?

Xigashada Sawirka, KAJOL/INSTAGRAM
Atariishada caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka ee, Kajol, ayaa waxaa baraha bulshada lagu hadal hayaa hadal ay ka sheegtay 'waxbarashada hoggaanka dalka Hindiya'.
Hadalkaan ayaa waxaa uu dood ka dhaliyay baraha bulshada, waxayna arrintu qaadatay waqti dheer, taasoo keentay in Kajol ay sharraxaad ka bixiso hadalkeeda.
Dhab ahaantii, shalay, Kajol, ayaa waxay la hadlaysay warbaahin ka mid ah kuwa HIndiya, iyadoo markaa marti ku ahayd ka hadalka barnaamijkeeda soo socda. Intii ay saxaafadda la hadlaysay, ayaa waxay sheegtay hadal ku saabsan mustaqbalka Hindiya iyo waxbarashada hoggaamiyeyaasha Hindiya.
Hadalka atarashiida kadib, ayaa waxaa baraha bulshada ka billowday doodo kulul. Iyadoo dadka qaar ay si xun u dhaleeceeyeen, qaar badan oo taageerayaasheeda ahna, ay sidoo kale taageereen.
Maxay Kajol tiri?

Xigashada Sawirka, SIDDHARTH MUKERJEE
Iyadoo la hadleysay warbaahinta, Kajol, ayaa waxay sheegtay in xawaaraha isbeddelku uu yahay mid gaabis ah, gaar ahaan waddan sida Hindiya oo kale ah, sababtoo ah 'Weli waxaan ku dheggannahay dhaqankeenna, taasoo si toos ah uu ku lammaanan yahay waxbarashadeenna.
"Waxaan leennahay hoggaamiyayaal aan lahayn taariikh waxbarasho," ayay raacisay. Raalli ahow, laakiin waa inaan dhahaa qaar badan oo ka mid ah madaxda ina xukumaysa, ma laha aragti ka timid waxbarashada. Waxaan filayaa in waxbarashadu ay ugu yaraan siinayso fursad lagu arko aragtiyo kale.'
Waxay la kulantay aktaradda dhaleeceyn ba'an oo ku saabsan hadalladeeda, waxaana looggu yeeray 'ruux ka saaqiday iskuulkii’ meelaha qaar, halka qaar ka mid ah isticmaalayaasha ay dhaleeceeyeen dhammaan dadka kasoo aflaxay shirkaddaha filimada.
Dhaleeceyntaas oo dhan ka dib, Kajol, ayaa hadalkeeda caddaysay oo ku soo qortay Twitter-ka warbixin ay kaga hadlayso oo kaliya muhiimadda ay leedahay waxbarashada.
Waxay qortay 'Waxaan ka hadlayay waxay aheyd waxbarashada iyo muhiimaddeeda. Ujeeddadaydu ma ahayn in aan hoos u dhigo hoggaamiye kasta. Waxaan leennahay madax waaweyn oo dalka ku haga tubta toosan.
Maxay dadka isla dhex marayaan baraha bulshada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid kamid ah aasaasayaasha warbaahinta Alt News, Mohammad Zubair, ayaa la wadaagay dadweynaha muuqaal kamid ah hadalka Kajol, wuxuuna qoray in iyada (Kajol) aysan cidna magacaabin, laakiin dad badan oo daacad u ah, ay hadalka Kajol ku macneeyeen mid ixtiraam darro ku ah hoggaamiyahooda ay jecel yihiin.
Waxaa la qaatay Mohammad Zubair oo qoraalkiisii watay muuqaalka, oo uu soo galiyey bartiisa twitter-ka. Dadka ayaa waxay billaabeen inay si kajin leh u qiyaasaan halka aktaradda, iyo waxa uu tilmaamayo. Qof ayaa qoray in aan la garanayn cidda dhabta ah ee hadalkan loola jeedo.
Suxufiga Swati Chaturvedi, ayaa la wadaagay warbaahinta India Post rayi, wuxuuna qoray in 'ciidanka Modi ay caddeeyeen in Kajol ay bartilmaameedsanayaan. Maxay ugu malaynayaan in Modi kaliya aanu waxba baran?
Wariye hore oo lagu magacaabo Anu Sehgal, ayaa qoray in Kajol aanu hadda kadib taageeri doonin. ! Wariyahan oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in iyaga lafteeda waa (Kajol)’e iney tahay sagsaag, ruux edeb-daran, qaraabo-kiil lagu shaqaaleeyey, xaas (jilaa), nasiib wanaag waxay noqotay xaaska jilaa Ajay Devgan! Waana inay dhaliishaa madaxda.
Isticmaale lagu magacaabo Neemu Yadav, ayaa sawirrada Kajol iyo seygeeda Ajay Devgan la wadaagay ra'iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, wuxuuna u qoray sidatan, 'Tani waa Kajol, atariishada Bollywood-ka. Waxaa lagu soo waramayaa inay hormuud ka tahay taageerada BJP. Iyada iyo ninkeeda ayaa had iyo jeer la dhacsan Modi iyo hoggaankiisa. Laakin shalay waxay tiri waxaa ina maamula madax aan aqoon lahayn oo aan aragti lahayn. Kani waa weerar toos ah oo lagu qaaday Modi.
Goorma ayaad xustay majaajiliistaha Kunal Kamra, “Qof walba waxa uu u guntaday inuu yiraahdo atariishada Kajol ma dhammayn waxbarashadeeda, waxaana filayaa in taasi tahay sababta keliya ee ay u malaynayso in hoggaamiye aqoon leh uu dalkeena wax tari karo.
Heerka aqoonta ee Raja
Madaxa Delhi, ahna hoggaamiyaha xisbiga Aam Aadmi, Kejriwal, ayaa ku dhaleeceeyay ra'iisul wasaare Narendra Modi bilihii la soo dhaafay inuu ku adkaystay dadka hoggaanka kusoo baxaya iney noqdaan xubno aqoon leh, wuxuuna si isdaba joog ah uga sheekeeyay sheekada ninka la yiraahdo Chauthi Paas Raja. Wuxuu dhaleeceeyay Narendra Modi, isaga oo aan magacaabin, wuxuu oo su'aal galiyay heerka aqoonta iyo waxbarashadiisa.
Mar sii horeysay, xisbiga Aam Aadmi, ayaa sidoo kale su'aalo weydiinayay oo dhaleeceeyay shahaadada Ra'iisul Wasaare Modi ee arrintan, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha uu shahaadadiisa soo bandhigay dhowr jeer xisbigiisa gudihiisa.













