Bollywood: Muxuu yahay abaalka ka ilmeysiiyay Salman Khan ee xilligii uu shiidka ahaa uu u galay 'Balwaan'?

Salman Khan iyo Sunil Shetty

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Salman Khan iyo Sunil Shetty

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan, inkastoo uu hadda ka mid yahay jileyaasha ugu saameynta badan, ugu caansan, looguna jecel yahay dalka Hindiya, sidoo kalena lagu tiriyo xiddigaha maalqabeennada ah, haddana waxaa jirta xaalad adag oo dhaqaale oo horay u soo martay.

Salman Khan ayaa ilmeeyay markii uu dib u xusuustay xilli ay haysay dhaqaale-la'aan baahsan oo saaxiibkiis Suniel Shetty oo Soomaalida ay u taqaanno 'Balwaan', kaas oo ah jilaa kale oo caan ka ah Bollywood uu u haddiyeeyay shaar qaali ah.

Muuqaal xayeysiin ah oo uu boggiisa Instagram soo dhigay telefishin lagu magacaabo Colors ayaa lagu arkay Salman Khan oo ilmeynaya xusuustaas darteed.

Muuqaalkaas kooban ayaa Salman Khan lagu waydiiyay, "Waa kee waayaha kugu xusuusta badan noloshaada?". Wuxuu ku jawaabay, "Xilli sii horreysay mar aanan wax lacag ah haysan, markaas waxaan tagay dukaanka dharka ee Suniel Shetty.

Wuxuu ahaa mid [shaar] ay lacagtiisu aad u badan tahay. Ma awoodi karin wax ka badan shaar ama joog jiinis ah, markaas ayuu Suniel ogaaday in aanan lacag haysan, kaddib wuxuu ii haddiyeeyay shaar qaali ah. Wuxuu dareemay in aan boorsada eegayay."

Ilaa hadda oo uu Salman Khan yahay 55 jir, wali waa jilaaga lacagta ugu badan ka hela filimada Bollywood-ka, filimadiisuna ay aad u gadmaan.

Wuxuu markii ugu dambeysay kasoo muuqday filimkiisa Dabangg 3, oo soo baxay sanadkii 2019-kii. Haddana wuxuu dhammeystiray duubista filimkiisa cusub ee Radhey: Your Most Wanted Bha, kaasoo la filayo in uu dhowaan soo baxo.

Sidoo kale, wuxuu durba billaabay duubista filimkiisa lagu magacaabo Antime: The Final Truth, halka filimo kalena ay safka ugu sii jiraan.

Dhanka kale, wuxuu mashquul ku yahay barnaamijkiisa telefishinka ee Bigg Boss 14.

Arrinta haddii uu Salman Khan sameeyo uu xilligan ahaan lahaa awoowe

Salman Khan, wuxuu leeyahay taageereyaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursan, iyadoo ay da'diisa kor u sii dhaaftay 50 sano.

Salman Khan iyo Sunil Shetty

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkastoo dadka ku xiran Salman Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelan, carruurna looma dhalin.

Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u bandhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhigin.

Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay jilaaga Ajay Devgn iyo xaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13.

Qeyb ka mid ahayd ciyaartaas oo Salman lagu xiray qalabka beenta garta ayay Kajol weydiisay in ay jirtay gabar uu hadda ka hor ka helay, balse uusan naftiisa u oggolaanin in ay dareenkeeda soo bandhigato.

Salman Khan ayaa isagoo su'aashaas ka jawaabayay shaaca ka qaaday in ay jirtay gabar uu ka helay hadda ka hor laakiin nasiib-darro uusan jacaylkiisa u sheegan.

Wuxuu intaas ku daray in sababta uu ugu sheegan waayay jacaylkiisa ay ahayd in uu ka cabsi qabay inay ku gacan seyrto ama ay diiddo.

"Saddex saaxiibbadey ah ayaa xiriir jacayl la soo yeeshay gabadhaas marar kala duwan. Markii dambena waxaan ogaaday in iyada xitaa ay iga heshay," ayuu yiri.

Salman Khan

Xigashada Sawirka, SALMAN KHAN/FACEBOOK

Isagoo aad u qoslaya ayuu sheegay in markii uu "15 ilaa 20 sano kaddib la kulmay gabadhii uu ogaaday in ay ayeeyo noqotay".

"Ilmaha aan ayeeyada u ahay way ku taageeraan. Filimadaada ayay jecel yihiin," ayay ku tiri.

Salman oo dib u milicsanaya marxaladdaas ayaa yiri: "Haddii aan haweeneydaas guursan lahaa, saacaddaan waxaan ahaan lahaa awoowe."

Si kaftan ah oo uu qosol ku dheehan yahay ayuu u sheegay in haddii uu guursan lahaa uu sideeda oo kale u duqoobi lahaa.

Salman Khan iyo qoyskiisa oo dil loogu hanjabay

Waxaa la adkeeyay ammaanka hoyga uu deggen yahay xiddiga Bollywood ee Salman Khan. Arrintan ayaa timid markii isaga iyo qoyskiisa loogu hanjabay dil.

Wararka ay heshay BBC-da ayaa sheegaya in aabbaha Salmaan Khaan oo lagu magacaabo Saleem Khan uu helay warqad hanjabaad dil ah. Warqada waxaa ku qornaa, "Dhowaan Salman Khan iyo Saleem Khan waxaad la kulmi doontaan mid la mid ah tii uu la kulmay Musa."

Warqada ayaa la dhigay goob uu si maalinle ah ugu jimicsado aabbaha jilaaga Bollywoodka.