Waa tuma atariishada uu shukaansanayay Salman Khan ee ninka kale guursaneysa?

Xigashada Sawirka, KalyanAd/ZeeRaaziGrab
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa warbaahinta Hindiya qabsaday wararka ku saabsan guurka xiddigaha Bollywood-ka Vicky Kaushal iyo Katrina Kaif. Labadan jilaa weli ma xaqiijin guurka, balse maamulka gobolka Rajasthan ayaa isku diyaarinaya arooska si loo adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta.
Manata oo Jimco ah, waxaa deegaanka Sawai Madhopuris ka dhacay shir ku saabsan guurkan. Waxaa ka qeyb galay madaxda deegaanka, qabanqaabiyeyaasha arooska, milkiilayaasha hoteellada aroosku uu ka dhacayo iyo booliiska.
Rajendra Kishan oo madaxda deegaanka ka tirsan ayaa shirka kaddib BBC-da u sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dhowri lahaa kala dambeynta, nadaafdada iyo isu socodka gaadiidka.
Wuxuu sheegay in munaasabadda arooska ay socon doonto 7 ilaa 10 December isla markaana ay ka qeyb geli doonaan ilaa 120 marti ah. Wuxuu intaas ku daray in la ilaalin doono tallaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Diyaargarow ka socda Sawai Madhopur
Gobolka Rajasthan, meel 18 km u jirta, kana tirsan degmada Sawai Madhopur, waxaa ku yaalla hoteelka Old Fort, oo markii ugu horreysay hoteel loo beddelay.
Si kastaba, arooskan weli ma aysan shaacin Katrina amaba Vicky Kaushal. Balse martida ayaa laga bilaabo berri tegi doonta deegaanka uu aroosku ka dhacayo.
Qolal ayaa loo sii qabtay iyadoo marti badan ay degi doonaan hoteelka Barwara Fort. Balse Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal ayaa deegaanka Sawai Madhopur gaari doona 6-da bishan December.

Xigashada Sawirka, Vicky Kaushal Instagram
Mar ay BBC-du la xirirtay maamulka hoteelka aroosku uu ka dhacayo, ayaan wax faahfaahin ka bixin.

Xigashada Sawirka, Mohar Singh Mena/BBC
Aroosku halkuu ka dhacayaa
Marka laga hadlayo aroosyada dadka caanka ah ee ka dhaca gobolka, waxay ganacsato iyo xiddigo caan ah oo Bollywood-ka ka tirsan ay arooskooda ku dhigteen Udaipur, oo ah magaalada harooyinka. Balse, Sawai Madhopur waxaa markii ugu horreysay ka dhici doona arooska xiddigahan caanka ah.
Barwara Fort oo ku taalla deegaanka Chauth Ka Barwara ee Sawai Madhopur ayaa loo beddelay hoteel qurux badan. Sida ay wararku sheegayaan, arooska Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal waxaa lagu qaban donaa isla hoteekan dhowaan la furay.
Hoteelkan waxaa la furay bishii October ee sanadkan. Xiddigadda Bollywood-ka Malaika Arora ayaa ku sugneyd xafladdii furitaanka.
Xirirkii Salman Khan iyo Katrina Kaif

Xigashada Sawirka, SALMAN KHAN
Katrina Kaif iyo Salman Khan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriiri jaceyl, iyagoo isla jilay filimaan badan, oo kii ugu dambeeyay ee saadkii 2009 uu ahaa 2019's Bharat. Waxaa la sheegay inay dhowaan isku soo laabteen kaddib xurguf soo kala dhex gashay.
Waxay dhowaan labada xiddigood shaaciyeen inay ka wada shaqeynayaan filimka Tiger 3.
Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan oo 55 jir ah, weligiisna aan guursan, uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin xiddigaha kala ah Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go'aankaas qaatay.
Wabaahinta Hindiya ayaa sheegaya in Salman Khan uusan ka mid ahayn martida lagu causumay arooska saaxiibtiisii hore ee Katria.
Katrina ayaa la sheegay inay dib u bilaabi doonto shaqada filimka Tiger 3, kaddib arooskeeda.











