Waa maxay ‘imtixaanka nolosha’ ee ay wajaheyso Kajol?

Xigashada Sawirka, Kajol/Instagram
‘Waxaan wajahayaa imtixaankii ugu darnaa nolosheyda' ayay atariishada Kajol Devgan ku soo qortay barteeda Instagram iyo Twitter iyadoo sheegtay inay muddo ka maqnaan doonto baraha bulshada.
Ma aysan sheegin atariishadan 48 jirka ah sababta ay uga maqnaaneyso baraha bulshada.
Haatan wax walboo ay sababtu tahayba, dadka qaar oo ka falceliyay ayaa is weydiinaya in sababtu noqon karto taxanaha ay soo waddo ee 'Xaas Wanaagsan’.
Dad badan ayaa ka codsanaya atariishada inay soo laabato. Waxay dadka qaar ku dhiirigeliyeen in maalmaha madow laga gudbi doono.
Si kastaba, taageerayaasha Kajol ayaa u xiisi doona, maaddaama looga bartay in nolosheeda iyo tan qoyskeedaba ay la socodsiiso bulshada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Qof walba oo guuleystay wuxuu leeyahay taariikh guul iyo hardan isugu jirta. Qof baa hoos ka soo bilaabaya oo gaaraya halka ugu sarreysa.
Sheekada xiddigga Bollywood Jackie Shroff ayaa sidoo kale kaoso bilaabatay meel hoose isagoo in ka badan 30 sano noloshiisa kusoo qaatay meel hoose.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wareysi uu dhowaan la yeeshay jilaaga Mukesh Khanna, ayuu Jackie ku sheegay in xitaa kaddib markii uu caan noqday, uu booqan jiray deegaanka uu kusoo koray.
Wuxuu sheegay in maalmihii hore ee xirfaddiisa uu ku noolaa tuuladii uu ka soo jeeday, iyadoo dadka xaafadduna ay ku ammaani jireen in wiil iyaga ka tirsan uu jilo aflaam.

Xigashada Sawirka, Kajol
Atariishada Kajol ayaa rumeysan in noloshu ay u fududdahay ragga marka loo eego haweenka. Waxay sheegtay in raggu ay u fududdahay inay guuleystaan.
Sida ay aaminsna tahay, xaaladda haweenka dalka Hindiya waa mid walaac leh, waxay hadalkan ka sheegtay mar ay ka qeyb galeysay bandhig buug sanadkii 2013.
Kajol ayaa tiri, "Nolosha haweeneydu waxaa ka buuxa caqabado. Aad ayay ugu adag tahay inay ka gudubto caqabadahaas oo ay guuleysato, gaar ahana gudaha Hindiya. Ragga ayaa tacaddiyo u geysta haweenka. Taasina waa sababta ay muhiim u tahay in la beddelo fekerka ragga si haweenka loo xoojiyo."













