Barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ma khatar ayuu ku yahay dunida?

Barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Luis Barrucho
    • Role, BBC World Service
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Mareykanka ayaa diyaariyey diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal oo ku sugan Bariga Dhexe, taasoo muujinaysa inuu si buuxda ugu diyaar garoobay inuu weerar ku qaado Iiraan haddii ay diido inay aqbasho heshiis ku saabsan hawlaheeda nukliyeerka.

19-kii Febraayo, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in "waxyaabo xun" ay dhici doonaan haddii aan la gaarin "heshiis dha ab."

Wuxuu ku celiyay mowqifkiisa isagoo yidhi: "Arrintu waa mid cad, suurtagal ma aha inay haystaan hub nukliyeer ah... nabad kama jiri doonto Bariga Dhexe haddii ay helaan hub nukliyeer."

Iiraan ayaa marar badan beenisay inay waligeed isku dayday inay samayso hub nukliyeer ah, balse dalal badan iyo sidoo kale Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) ee kormeerta arrimaha nukliyeerka kuma qancin sharraxaadaha Iiraan.

Heerkee ayay Iiraan ka gaadhay barnaamijkeeda nukliyeerka?

Weli lama hubo heerka ay Iiraan ka gaartay barnaamijkeeda nukliyeerka, gaar ahaan kadib weerarradii lagu qaaday xarumaheeda intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay Israa'iil sanadkii hore.

Sidoo kale Mareykanka ayaa si ku-meel-gaar ah uga qayb galay dagaalkaas, isagoo fuliyay saddex weerar oo lagu beegsaday xarumo nukliyeer.

Isfahanan
Qoraalka sawirka, Isfahan

Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) ayaa qiyaastay in xilligii ay Israa'iil weerarka ku qaaday Iiraan 13-kii Juun, dalku haystay ku dhowaad 440 kiiloogaraam oo yuraaniyam ah oo la kobciyey ilaa 60%, taas oo ka dhigan in uu wax yar uun ka harsanaa heerka hub ahaan loo adeegsan karo.

Grossi ayaa bishii Oktoobar sheegay in haddii shaqo yar oo dheeraad ah lagu sameeyo, laga samayn karo ilaa 10 madax oo nukliyeer ah oo ka samaysan walaxdaas.

Bishii Nofeembar, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa u sheegay wargeyska Economist in ay joojiyeen hawlaha nukliyeerka.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Goorma ayaa la gaadhay heerkan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Iiraan ayaa marar badan ku celcelisay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid loogu talagalay adeegyo rayid ah oo keliya.

Dalku wuxuu galay heshiis xaddidaya faafinta hubka nukliyeerka, kaas oo dhigaya in tamarta nukliyeerka loo adeegsan karo oo keliya ujeeddooyin rayid ah, sida daawooyinka, beeraha iyo tamarta, balse mamnuucaya in loo adeegsado hub ahaan.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno ay sameysay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka (IAEA) ayaa muujiyay in Iiraan ay fulisay hawlo u eg kuwo la xiriira samaynta hub intii u dhaxeysay bartamihii 1980-meeyadii ilaa 2003.

IAEA waxay sheegtay in Iiraan ay joojisay mashruucaasi — oo loo yaqaanay "Barnaamijka Amad" — hase yeeshee sannadkii 2009 ayay hay'adaha sirdoonka dalalka reer galbeedka ogaadeen xarunta Fordo.

Sannadkii 2015, IAEA waxay sheegtay in warbixinadu aysan hayn caddeyn ku filan oo muujinaysa in Iiraan ay sii wadday barnaamij hub nukliyeer ah wixii ka dambeeyay 2009.

Isla sannadkaas 2015, Iiraan waxay gashay heshiis ay la saxiixatay lix quwadood oo waaweyn oo caalami ah, iyadoo ogolaatay inay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka si looga qaado qaar ka mid ah cunaqabataynta saarneyd.

Laakiin sannadkii 2018, Madaxweyne Trump ayaa ka baxay heshiiskaas, isagoo sheegay in uusan ka hor istaagin Iiraan inay sii waddo hawlaheeda nukliyeerka.

Ayatollah Ali Khamenei

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ayatollah Ali Khamenei

Iiraan ma sii waddaa hawlahahaasi hadda?

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in shaqo ay ka socotay xarumaha Natanz iyo Isfahan bilihii la soo dhaafay.

Isfahan, ku dhowaad dhammaan waddooyinka gala xarunta ayaa la xiray, sida lagu arkay sawirrada dayax-gacmeedka.

Sidoo kale sawirradu waxay muujinayaan in xarunta Natanz iyaduna la xiray.

Sawirrada dayax-gacmeedka
Shugaban IAEA Rafael Grossi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Rafael Grossi

Maxaa ka dhigaya barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan mid muhiim ah?

Dalalka reer galbeedka ayaa ku adkeystay in aan la oggolaan Iran inay hesho hub nukliyeer ah.

Madaxweyne Trump bishii May 2025 ayaa sheegay in haddii Iran ay hesho nukliyeer, "ay burburin doonto adduunka."

Ra'iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Sir Keir Starmer, ayaa sheegay in haddii Iiraan ay hesho hub nukliyeer, "taasi ay noqon doonto khatar weyn oo gobolka ah."

Qaar ka mid ah khubarada ayaa tilmaamay in haddii Iran ay hesho hub nukliyeer, arrintu ay sii adkaan doonto gobolka, waxayna keeni kartaa in Iran ay si dhow ula shaqeyso Shiinaha iyo Ruushka, sidoo kalena ay tartan hub nuclear ah la bilowdo Sacuudi Carabiya.

Waxaa la og yahay in Israa'iil ay leedahay hub nukliyeer, laakiin weligeed ma xaqiijin ama ma beenin arrintaas.