Ciidamada Israa'iil oo toogtay wiil Falastiini ah, iyagoo ku hareeraysana dhiig baxay ilaa uu ka geeriyooday

.

Xigashada Sawirka, .

Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

*Qoraalkan waxa ku jira faahfaahin iyo muuqaal ay akhristayaal qaarkood u arki karaan kuwo murugo leh.

Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, wiil Falastiini ah oo 14 jir ah oo lagu magacaabo Jad Jadallah ayaa waxaa meel aad u dhow ka toogtay ciidamada Israa'iil, xilli u uku jirey gudaha xero qaxooti oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto.

Jad markii xabbaddu ku dhacday wuxuu ku dhacay marin ama luuq ciriiri ah, ciidamaduna wey hareereeyeen, waxayna ka hor istaageen laba Ambalaas oo soo gurmaday in ay gaaraan.

Sida laga arki karo muuqaallo iyo marag-kac goob-joogayaal , 14 askari ayaa si deggan ugu hareeraysnaa Jad oo dhowr rasaas oo ku dhacday ugu yaraan 45 daqiiqo, intii uu dhiig uga dhimanayey.

Dhammaan askarta Israa'iil waxaa la siiyaa tababar ku saabsan daaweynta dhaawacyada degdegga ah, cutub kasta oo dagaalna waa inuu lahaadaa kalkaaliye si gaar ah u tababaran. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna uma muuqan in uu siiyay Jad gargaar caafimaad oo naf-badbaadin ah. Mararka qaarkood waxay u ekaayeen in ay iska indhatirayaan isku daygiisa soo noqnoqday ee uu ku doonayay inuu dareenkooda soo jeediyo.

Ciidanka Israa'iil (IDF) ayaa u sheegay BBC in askartu bixiyeen "daaweyn caafimaad oo bilow ah", balse afhayeen u hadlay ayaa diiday in uu bixiyo wax faahfaahin ah oo ku saabsan nooca ama waqtiga daaweynta.

IDF sidoo kale waxay ku eedeysay Jad inuu dhagax tuuray, taas oo sida xeerarkooda dagaalku qabo oggolaan karta isticmaalka xoog dil ah.

Si kastaba, muuqaalka dhacdada ayaa muujinaya askari IDF ah oo wax ku tuuraya meel u dhow Jad kadib marka la toogtay, kadibna sawir ka qaadaya – tallaabo ay qoyskiisa iyo urur xuquuqda aadanaha ah ku tilmaameen isku day lagu maleegayo dacwad lagu eedeynayo.

Ugu dambayn askartu waxay Jad ku qaadeen gaari milatari oo Israa'iili ah, balse ka hor ama ka dib qaadistaas ayuu geeriyooday. Weli lama oga halka jirkiisa laga toogtay ama inta xabadood ku dhacday, maadaama milatariga Israa'iil ay diideen inay meydkiisa ku wareejiyaan qoyskiisa isla markaana ay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan su'aalo ku saabsan dhaawacyadiisa.

.

Xigashada Sawirka, .

Toogasho afgalis ah

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jad wuxuu ku dhashay kuna barbaaray xero qaxooti oo ku taalla Daanta Galbeed oo lagu magacaabo al-Farca, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 10,000 oo Falastiiniyiin ah. Si la mid ah xerooyinka kale ee ku yaal dhulka la haysto, waxa si joogto ah uga dhaca duullaanno milatari oo Israa'iil ku qaaddo, iyadoo ku andacooneysa in ay kaga hortageyso kooxo hubeysan oo sida ay sheegto halkaas ka hawlgala.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 55 carruur ah ayaa sannadkii hore ciidammada Israa'iil ku dileen Daanta Galbeed, ku was oo ka mid ahaa 227 carruur ah oo halkaas lagu diley tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ee Xamaas ku qaaday Israa'iil.

Si kastaba, laba arrimood ayaa ka muuqda kiiskan. Midda koowaad waa in Jad uu muddo dheer dhulka yaallay isaga oo aan helin wax daweyn ah, iyadoo ay hareerihiisa joogeen askar badan. Midda labaad waa in ay soo baxeen muuqaallo badan oo la xaqiijiyay oo ku saabsan dhacdada, kuwaas oo BBC ay hubisay.

Waqtiga saxda ah ee toogashada waxaa qabtay kamaroamni (CCTV) oo ku taal xerada. Muuqaalkuna wuxuu muujinayaa saddex wiil oo taagan gees marin ciriiri ah. Marka hore waxay eegayaan dhankooda midig, halkaas oo sida dad xog-ogaal ah ay sheegayaan ay daqiiqado ka hor mareen gaadiid milatari oo Israa'iil leedahay oo bannaanka u baxay.

.

Xigashada Sawirka, .

Mid ka mid ah labada saaxiib ee Jad la joogay ayaa BBC u sheegay in wiilashu bannaanka u baxeen kadib farriin wadareed la diray oo sheegayey in cutubyada Israa'iil baxayeen, ayna geeska ka fiirinayeen si ay u hubiyaan.

Iyadoo aanay ogayn Jad iyo saaxiibbadiis, afar askari oo Israa'iili ah ayaa ku sugnaa meel dhow oo dhinacooda bidix ku beegan, iyagoo ku dhuumanaya darbiga gadaashiisa. Saaxiibbadiis ayaa askarta hor arkay waxayna ku carareen marin ciriiri ah. Jad lama hubo in uu arkay askarta.

Muuqaalka CCTV wuxuu muujinayaa askariga hoggaaminaya oo soo galaya muuqaalka isagoo wax ka yar saddex mitir u jira Jad, kadibna u muuqda inuu qori kor u qaadayo oo rasaas furayo. Jad wuxuu sameeyey dhaqdhaqaaq muujinaya in xilligaas la toogtay. Goobtiina waxaa laga helay raadad rasaas oo darbiga ku yaal.

Jad oo u muuqday in uu dhaawacmay ayaa markaas ku cararay marin ciriiri ah, askariguna wuxuu u muuqdaa inuu ku jeedinayo qorigiisa isagoo daba socda. Muuqaalka CCTV wuxuu muujinayaa boor ka kacaya dhanka sare ee marinka, taasoo muujineysa in askarigu uu sii waday rasaaseynta Jad, isagoo gka daba ridaya intii uu cararayay.

Muuqaalka waxaa lagu arkayaa Jad oo ku dhacay dhawr mitir kadib, kana baxaya aragtida marka uu dhacayo. Wax yar kadib, muuqaal kale oo uu si qarsoodi ah u duubay qof degan xerada ayaa laga arkayaa jihada kale. Muuqaalkaas ayaa qabtay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.

Waxaa lagu arkayaa wiilka oo isku dayaya marar badan in uu soo jeediyo dareenka askarta, isagoo gacmaha ruxaya kuna tuuraya koofiyaddiisa dhankooda. Askartu waxay u muuqdaan in ay iska indhatireen codsigiisa, iyagoo koofiyaddii dib ugu laaday.

Hooyadiis ayaa isku dayday in ay lug ku gaarto goobta, balse sida ay iyada iyo markhaatiyaal kale sheegeen, askarta Israa'iil ayaa ka hor istaagay. Qof kale oo degan xerada ayaa wacay adeegga gurmadka degdegga ah, waxaana ambalaas yimid sideed daqiiqo gudahood, sida ay muujinayaan diiwaannada wicitaanka ee ay BBC-da la wadaagtay Bisha Cas ee Falastiin.

Xasan Fouqha oo ah kalkaaliyaha hoggaaminayey gurmadka ayaa sheegay in kooxdiisa lagu joojiyay qori caaradiis, loona diiday in ay gaaraan Jad oo qiyaastii boqol yaardi u jiray, iyagoo indhahooda ka arki kara.

Fouqha iyo kooxdiisa ambalaaska ayaa lagu khasbay in ay si caalwaa ah u daawadaan Jad oo dhiig baxaya. Wuxuu sheegay in ay sugayeen ugu yaraan 35 daqiiqo iyagoo aan waxba qaban karin. Wuxuu wacay ambalaas kale oo jihada kale ka yimaada, balse asna waa la joojiyay.

.

Xigashada Sawirka, .

Ciidanka Israa'iil ayaa BBC u sheegtay inay siiyeen Jad "daaweyn caafimaad oo bilow ah" kadib markii ay xaqiijiyeen inuusan xirnayn qalab qarax oo qarsoon. Muuqaalka dhacdada iyo muuqaal kale oo muujinaya Jad oo guriga ka baxaya ayaa tusinaya inuu xirnaa funaanad iyo jiinis oo keliya.

Markii la weydiiyay nooca dhaawacyada soo gaaray iyo daaweynta la bixiyay, IDF way ka gaabsatay inay ka jawaabto.

Dhanka kale IDF waxay sheegtay in Jad uu ciidamada dhagax ku soo tuuray, uuna ka mid ahaa "argagixiso" isku dayday inay weerarto ciidanka.

Balse qoyska Jad ayaa askarta ku eedeeyay in ay eed umaleegaan eed, kadib markii muuqaal muujinaya askari soo galaya goobta, dhagax culus ku tuuraya meel u dhow Jad, kadibna sawir ka qaadaya agtiisa uu soo ifbaxay.

"Waxay agtiisa dhigeen dhagax si ay ugu eedeeyaan, una muujiyaan inuu dhagax ku tuuray," ayay tiri hooyadiis Safa. "Waxaad ku arki kartaa muuqaalka. Qof kasta oo daawada wuu arki doonaa."

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in askarta Israa'iil ee Daanta Galbeed ay ku shaqeeyaan siyaasad dabacsan oo "rasaas furitaan" ah, taas oo marar badan lagu toogto dad aan khatar degdeg ah ku hayn noloshooda, oo ay ku jiraan carruur dhagax tuuraya.

Shai Parnes oo ka tirsan ururka xuquuqda aadanaha ee Israa'iil ee B'Tselem ayaa BBC u sheegay in muuqaalka Jad uu u muuqdo mid askari ku dhigayey dhagax agtiisa si loo sharciyeeyo toogashada.

"Way adag tahay in si buuxda loo go'aamiyo waxa aan aragno – inay dhagax tahay iyo inay ku maleegaan," ayuu yiri Parnes. "Laakiin qof kasta oo maskax furan ku daawada waxay u badan tahay in uu gunaanadkaas gaari doono."

Falka noocaas ah ayuu ku tilmaamay "mid aad u xun". "Waxaan aragnay kiisas kale oo ay ciidamada Israa'iil si uun isku dayeen in ay dambi u maleegaan dad aan wax galabsan oo Falastiiniyiin ah. Ma aha markii ugu horreysay ee kamaradu qabato."

Markii si gaar ah loo weydiiyay eedda ah in askari dhagax ag dhigay Jad, IDF way iska indhatirtay su'aasha.

Faahfaahin badan oo ku saabsan duruufaha saxda ah ee dhimashada Jad – oo ay ku jiraan inta jeer ee la toogtay iyo goorta iyo meesha uu ku geeriyooday – weli ma cadda, maadaama IDF ay diideen inay meydkiisa soo celiyaan iyo inay ka jawaabaan su'aalo faahfaahsan.

Ma aha wax aan caadi ahayn in Israa'iil ay diido soo celinta meydadka dadka ay IDF dishay – warar ayaa sheegaya in hadda la haysto meydadka 776 Falastiiniyiin ah ama ajaanib kale oo lagu eedeeyay ama looga shakisan yahay in ay weerarro geysteen.

Markii BBC weydiisay sababta loo hayo meydka Jad, IDF way diiday in ay ka jawaabto. Hooyadiis Safa waxay tiri ciidanku waxay isku dayayaan in ay wax qariyaan ama ay ku dhaqmayaan naxariis darro ula kac ah.

"Waxaa laga yaabaa inay kaliya doonayaan in ay na dhibaan, in ay daaliyaan dulqaadkeenna, in ay dilaan samirkeenna," ayay tiri. "Laakiin annagu waan samirnaa, waanan sugi doonnaa. Maanta, berri, ama boqol sano kadib, waan heli doonnaa. Ilaahay idamkii, waan heli doonnaa."