Sidee Israa'iil ula wareegtay dhulka Falastiin, xageese ka yimaadeen markii hore?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Jamal Ahmed
- Role, Digital Producer
Kadib weerarkii Xmaas ay ku qqaday israa'iil 7 October ayaa dad badanh oo da'yar ah is weydiinayaan sida Israa'iil ku qabsatay Falastiin.
Fahamka adhacdooyinka taariikhiga ah ee horseeday xaaladda hadda jirta ayaa ah mid muhiim si aad u fahanto sida ay ku dhisantay Israa'iil.
Asalka colaadda ayaa ah mid dib loogu celiyo sanadkii 1948 dii oo ay barakaceen Falastiiniyiin badan.
Sidee ayay Israel Ku qabsatay inta badan dulka Falastiin?
Ingiriisku waxa uu la wareegay gacan ku haynta dhulka loo yaqaan Falastiin ka dib markii taliyihii qaybtaas bariga dhexe ka talinayey ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta lagu jabiyey dagaalkii koowaad ee aduunka.
Dhulkaas waxaa deggenaa Yuhuud laga tiro badan yahay iyo Carabta oo u badanna, iyo weliba qowmiyado kale oo yaryar.
Xiisada labada shacab ayaa kor u kacday markii beesha caalamku ay UK siisay hawsha ah in Falastiin laga sameeyo "guri qaran" oo loogu talagalay dadka Yuhuuda ah.
Tani waxay ka timid Bayaankii Balfour ee 1917, ballanqaad uu u sameeyay Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee xilligaas Arthur Balfour bulshada Yuhuudda ee Britain.
Bayaanka waxaa lagu qeexay amarkii Ingiriiska ee Falastiin waxaana taageeray Ururkii markaas cusub ee Qaramada Midoobay - oo horudhac u ahaa Qaramada Midoobay ee hadda jirta.
Yuhuuda ayaa Falastiin u arkayay dhul ay awoowayaashood la hayeen, laakiin Carabta Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sheegta dhulkaas oo ka soo horjeestay tallaabadaas.
Intii u dhaxaysay 1920-kii iyo 1940-meeyadii, waxaa kordhay tirada dadka Yuhuudda ah ee halkaas imaanaya, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ka carareen cadaadiskii Yurub, gaar ahaan xasuuqii Nazi-ga ee dagaalkii labaad ee Adduunka.
Waxaa sidoo kale kordhay rabshadaha u dhexeeya Yuhuuda iyo Carabta, iyo gumeysiga Ingiriiska.
Sannadkii 1947-kii, Qaramada Midoobay waxay u codaysay in Falastiin loo kala qaybiyo Yuhuud iyo Carab, iyadoo Qudus ay noqotay magaalo caalami ah.
Qorshahaas oo ay aqbaleen madaxda Yuhuuda balse waxaa diiday dhinaca Carabta ilaa hadana aan ogolaan.

Sidee yuhuudu ugu baahday dhulkii kale ee Falastiin?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii gumeystihii Ingiriiska uu ka dhamaaday dalka Falastiin dhamaadkii 1940-meeyadii, waxaa cirka isku sii shareeray xiisada u dhaxeysa Yuhuuda iyo Carabta, taasoo keentay dagaal dhex mara dowladda cusub ee Israa’iil iyo dalalka deriska la ah ee Carabta bishii May 1948.
Dadka Yuhuudda ah ma ay lahayn waddan ay iyagu leeyihiin. Wadamada reer Yurub raali kama ahayn in ay dhulkooda uga tanaasulaan qadiyadda Yuhuuda awgeed.
Aabihii Israa'iil ee David Ben-Gurion ayaa ku dhawaaqay Dawladda casriga ah ee Israa'iil 14-kii Maajo 1948-kii, isaga oo u sameeyay meel ammaan ah oo loogu talagalay Yuhuudda ka soo cararaya cadaadiska ka soo wajahayay dhulalkii ay ku noolaayeen.
Falastiiniyiintu waxay abuuritaanka Israa’iil kutilmaameen 'Nakba', ama masiibo.
Dagaaladii dhexmaray Israa'iil iyo wadamada kale ee Carabta ayaa ciidanka Masar ku qabsadeen dhul ciriiri ah oo ku yaal Gaza, taas oo keentay inay saddex jibaarmaan dadka gobolka waxayna gaareen ilaa 200,000. Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa magangalyo u doontay Qaza ka dib markii ay guryahoodi ka soo barakaceen.
Dagaalkii xigay, ilaa 700,000 oo falastiiniyiin ah oo kala bar ahaa dadkii Carabta ahaa ee ay Ingiriisku gumaysanayeen ee kunoolaa Falastiin, ayaa ka qaxay ama laga saaray guryahoodii, kuwaas oo u cararay meelo ka mida ah dalalka Jordan, Lubnaan iyo Suuriya iyo sidoo kale Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.
Halkaas ayuu ka bilowday dhulbalaarsigii koobaad.
Dhacdooyinkii xigay

Xigashada Sawirka, Reuters
1.Dagaalkii iyo qabsashadii milatari ee Israa'iil 1967
Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa'iil waxay qabsatay marinka Gaza. Kadib dagaal taariikhda galay oo dhexmaray iyo Masar oo socday muddo todobaad ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa u haray Qaza si ay u maamulaan dhulkaasi ayna u ilaashadaan.
Tirakoobka ay Israel sameysay ee sanadkaas ayaa dadka Gaza ku nool ku qiyaasay 394,000, iyadoo ku dhawaad 60% ay yihiin qaxooti.
2.Kacdoonkii Falastiin ee ugu horeeyay iyo Samaynta Xamaas 1987
Bishii Disembar 1987, Falastiiniyiintu waxay bilaabeen intifada (kacdoon), ka dib shil baabuur oo ay ku lug lahaayeen baabuur ciidamada Israel ay wateen iyo shaqaale falastiiniyiin ah oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Jabalya ee Gaza.
Intifada ayaa horseeday mudaaharaadyo dhagax-tuur ah iyo shaqo joojin. Muddadaas, ururka Ikhwaanul Muslimiin ee fadhigoodu yahay Masar ayaa lagu eedeeyay inay abuureen garab hubeysan oo la yiraahdo Xamaas, taasoo ujeeddadeedu ahayd inay Israa’iil burburiso oo ay xukun Islaami ah ka dhisto.

Xigashada Sawirka, Reuters
3.Heshiiskii Oslo iyo madaxbanaanida Falastiin 1993
Sannadkii 1993-kii, Israa’iil iyo Falastiiniyiintu waxay saxiixeen Heshiiskii Oslo, oo ahaa heshiis nabadeed oo muhiim ah oo aasaasay maamulka Falastiiniyiinta.
Heshiisku wuxuu oggolaaday in si xaddidan Falastiin ay u maamusho Gaza iyo Jericho oo ah Daanta Galbeed. Yaasir Carafaat ayaa ku laabtay Gaza ka dib tobanaan sano oo uu dibad joog ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkii Oslo uma horseedin dowladnimo sidii markii hore la filayey, sababo la sheegay inay la xiriiraan khilaafyo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin deegaan balaarsiga Israa’iil iyo dhaliilaha Falastiiniyiinta loo jeediyo ee musuqmaasuqa.

Xigashada Sawirka, Reuters
4.Kacdoonkii labaad ee Falastiin 2000
Kacdoonkii labaad ee Falastiin wuxuu bilowday 2000, taasoo sii xumeysay xiriirka Israel iyo Falastiin.
Muddadaas waxaa la arkay weeraro is qarxin ah, weerarro toogasho ah oo ay gaysteen Falastiiniyiinta, iyo jawaabaha militariga Israa’iil sida duqaymo, burburin, iyo bandow.
Garoonka caalamiga ah ee Qaza oo astaan u ahaa rajada Falastiiniyiinta ee madax banaanida dhaqaalaha ayay Israel u burburisay sababo amni.

Xigashada Sawirka, Reuters
5.Go'doominta bilaabatay 2006
Sannadkii 2006, Xamaas ayaa guul lama filaan ah ka gaartay doorashadii baarlamaanka ee Falastiin, ka dibna waxay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta Gaza, iyagoo afgambiyey ciidamadii daacadda u ahaa madaxweyne Maxamuud Cabaas.
Wadamo badan ayaa Xamaas u arkayey urur Argagixiso waxayna hoos u dhigeen gargaarkii ay siin jireen Falastiiniyiintii ku sugnaa dhulka ay Xamaas maamusho.
Waxaa la sheegay inay leeyihiin garab milatari oo ka kooban ku dhawaad 40,000 oo dagaalyahan, Xamaas waxay hadda u shaqeysaa sidii ciidan yar-yar waxayna ku faantaa inay leedahay barnaamijyo tababar oo gaar ah, oo ay ku jiraan amniga internetka iyo cutubka ciidamada badda.
Israa'iil iyo bariga Afrika

Xigashada Sawirka, HULTON ARCHIVE/GETTY IMAGE
Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Zahyuuniyadda, Theodor Herzl, ayaa u soo jeediyay gumaystihii Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah.
Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen taariikhyahanadu.
Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaas o soo bilowday 1950 meeyadii inkasta oo Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962 sii.
Israa'iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid yihiin wax beerashada iyo dhanka milatariga, sidoo kale shirkado laga leeyahay Israa'iil ayaa ka shaqo bilaabay gudaha Uganda, halka ardey Ugandes ah ay wax ka baran jireen gudaha israa'iil. Dhanka kale gudaha Uganda waxaa ku sugnaa dad badan oo Yuhuud ah.
Balse waxay wax walba is badaleen markii talada qabsaday madaxweynihii hore ee dalkaas Idid Amin sanadkii 1972 sii ayaa wax walba is badaleen. Wuxuu dalka ka musaafuriyay guud ahaan Israa;iiliyiintii joogtay.
Idi ayaa la sheegaa inuu Israa’iil taageero milatari balsa markii ay ka dhaga adeygeen uu ujeestay dhinaca Libya.
Wuxuu markaas kadib ka eryay dalkiisa 500 oo Israa'iiliyiin ah, wuxuuna jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Israa'iil 1972.
Hadalo lagu tilmaamay naceyb ah oo ka dhan ah Israel ayuu marar kala duwan jeediyay isagoo sidoo kale muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waxa loogu magacdaray "Xalka ugu dambeeya" ee uu Hitler ku dilay in ka badan 6 milyan oo dadka Yahuuda ah.
Taliskii Amin waxa uu sidoo kale bartilmaameedsaday Yuhuuda ku nool Uganda, isaga oo xiray macbadyo, waxa kale oo uu u geystay garaacis iyo xarig.













