Maxay cimaamaddan muhiim ugu tahay Falastiiniyiinta?

Falastiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa'iil 7-dii Oktoobar iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa'iil ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo burbur, iyo dibadbaxyo daafaha dunida ka dhacay.

Dibadbaxyadan, waxaa lagu arkayay dadka haddii ay Carab yihiin iyo haddii kaleba iyagoo xiran cimaamadda dhaqanka ee loo yaqaanno Kufiya.

Dadka qaar ayaa qoorta ku duubtay; halka kuwa kalena ay madaxa sarateen.

Waa arrin aan la iska indho tiri karin, waana wax ka qaro weyn maro dun ka sameysan.

Dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxay u arkaan aalad dhaqan iyo mid siyaasadeed, astaan hardan iyo iska caabbin.

Waa aalad dhaqan iyo mid siyaasadeed oo soo jirtay 100-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa lagu tilmaamaa “calanka aan rasmiga ahayn” ee Falastiin.

Xaggee ayay maradan ka timid? goormee ayay astaan noqotay maantase muhiimad intee ah ayay leedahay? Halkan ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

Halka ay kasoo farcantay

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkastoo aysan caddeyn halka ay ka timid asal ahaan, taariikh-yahanno badan ayaa soo jeediyay in loo nisbeyn karo qarnigii 7-aad, gaar ahaanna magaalada Ciraaq ku taalla ee Kuufa (sida ka muuqata magaceeda Kuufiya).

Qaar kale ayaa soo jeedinaya in asalkeedu intaa ka weyn yahay, xitaa kahor Islaamka.

Runtuse waxay tahay in sanadihii lasoo dhaafay uu aad u faafay isticmaalkeeda. Balse qasab maaha in loo isticmaalo keliya dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan.

Billowgii qarnihii 20aad, cimaamaddan ayaa waxaa inta badan xiran jiran Carabtii reer-miyiga ahayd si ay uga kulaalaan qorraxa, dabeysha, ciidda saxaraha amaba qabowga.

Magaalooyinka, ayaa si kastaba aysan ku badneyn inaad aragto Falastiiniyiin xiranaya cimaamaddan.

Waxay door bidaan inay xirtaan dhar casri ah sida Fez oo sidoo kale loo yaqaanno Tarbush, waana dhar guduudan oo uu soo caan bixiyay hoggaamiyihiin Cusmaaniyiinta Mahmud II.

Balse baaritaan la sameeyay ayaa sheegaya in sanadihii 1930-meeyadii ay cimaamaddan micno gaar ah u sameyneysay bulshada Falastiiniyiinta.

Tan sababteed, ayay u korortay isticmaalkeeda.

Kacdoonkii 1936

Sanadihii 1930-meeyadii, geyiga Falastiin wuxuu ku hoos jiray maamulkii Britain kaddib Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Maamulkaas oo waqtigiisu ahaa intii u dhaxeysay 1920 iyo 1948, taasoo aysan ku farxin Falastiiniyiinta, waxaa intaa dheer, inay u arkayeen in Britain ay taageereysay Israa'iil.

Waxaa intaa dheer, xilliyadan oo kale waxaa Bariga Dhexe kusoo badanayay dadka Israa'iil.

Sidaas darteed waxaa kordhayay kacdoonka Carabta oo socdan saddex sano (laga soo bilaabo 1936 ilaa 1939) waxaana ka dhashay isku dhacyo.

Isku dhacyadan, waxaa door weyn ka qaadatay cimaamaddan.

Maxay ka dhigan tahay?

Falastiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cimaamaddan waxay leedahay noocyo kala duwan iyo midabbo kala duwan. Balse tan aadka loo isticmaalo ayna u badan yihiin Falastiiniyiinta ayaa ah madow iyo caddaan. Waxay leedahay saddex shey:

  • Caleemaha geed saytuunka: Waxaa lala xiriiriyaa geedka saytuunka ee gobolka iyo xiriirka uu la leeyahay dhulkaas.
  • Guduud: waxay astaan u tahay kalluumeysatada Falastiiniyiinta ee xiriirkooda Badda Mediterranean-ka.
  • Leymanka madow: waxay astaan u yihiin marinnada ganacsiga ee saaxiibbada deriska ah ee Falastiin.

Sanadihii xigay kacdoonka, cimaamaddan kufiya ayaa kusii baaheysay Falastiiniyiinta iyadoo u noqotay astaan.

Taariikh-yahannada ayaa isku raacsan in sidoo kale lala xiriirin karo Naska, amaba "duufaan," markii boqoqllaal kun oo Falastiiniyiin ah la barakiciyay amaba ay noqotay inay ka qaxaan dagaalka horseeday dhismihii Israa'iil May 14, 1948.

Nabka waa taariikhdii ugu murugada badneyd Falastiiniyiinta.

Balse sanadihii 1960-meeyadii ayay cimaamaddu caan ka noqotay dunida.

Qofka sababta u ahaana wuxuu ahaa Yaasir Carafaat, madaxweynihii hore ee Falastiiniyiinta.