Muxuu boqorkii jacaylka Bollywood isugu badalay jilaa filmada dagaalka ah?

Xigashada Sawirka, RED CHILLIES ENTERTAINMENT
In ka badan sodon sano oo uu jilliinka ku soo jiray, jilaagii caanka ahaa ee Bollywood Shah Rukh Khan soo jiidashadii caruurnimada, iyo dhoolla caddeyntiisa dhabanada godan ayaa noqotay waxyaabaha ugu badan ee uu jilaagan ku caan baxay isagoo lagu jeclaa jilliinkiisa arrimaha jacaylka.
Muuqaalka Filimkiisii ugu dambeeyay ee Jawan, oo u muuqday mid bidaar leh ayaa ahaa mid halis ah oo muujinayay Khan iyadoo ay ku hareereysan yihiin rakaab argagaxsan, xilli uu afduub ahaan u haysto tareen metro ah. Durbadiiba waxa uu ku soo booday hees iyo qoob ka ciyaar, taas oo jahawareer ku riday dadkii uu soo afduubtay.
Khan oo magac weyn ku leh dalka India ayaa sidoo kale kamid ah xidigaha ugu caansan dalkaasi isagoo malaayiin taageerayaal ah ku leh gudaha iyo dibaddaba.
Dib ugu soo laabashadiisa aflaanta kadib muddo uu hakad ku jiray ayaa ah sheekadii ugu weyneyd ee Bollywoodka sanadkan.
Khan ayaa horey u sameeyay filimo ay ka mid yihiin Don (2006-kii) iyo Raees (2017-kii) laakiin kuwan ayaa dhif iyo naadir ku ah marka loo eego jilliinkiisi hore ee ah kuwiisii ugu dambeeyay ee Pathan iyo Jawan.
Ms Chopra waxa ay sheegtay in ay muujinayso " waji cusub oo xirfadiisa ah".
Khan ayaa sanadkii 2023-dii ka bilaabay filimka basaaska ee Pathan kaas oo lagu arkay isaga oo u tartamaya wakhtiga si uu dalka uga badbaadiyo weeraro argagixiso. Filimku waxa uu jabiyay rikoorka sanduuqa gudaha isagoo dhaafay $120m (£98m) afar toddobaad gudihiis.

Xigashada Sawirka, YRF
Filimkiisii ugu dambeeyay ee Jawan ayaa rikoorkaas dhaafay bishii hore muddo 18 maalmood ah.
"Qofka aan hadda ku aragno shaashadda aad ayuu uga duwan yahay sidii aan ku arki jirnay aflaantii hore," ayay tiri Ms Chopra.
Rahul Desai ayaa sheegay in labada filim ay dib usoo nooleeyeen xirfadiisa iyo xidignimadiisa.
Afar sano oo uu Khan ka maqnaa filimada ayaa timid kadib, dib u dhacyo isdaba joog ah oo ku yimid noloshiisa gaarka ah iyo xirfadiisa.

Xigashada Sawirka, RED CHILLIES ENTERTAINMENT
Waa maxay sababta Shah Rukh Khan filimkiisa soo laabashada uu yahay mid weyn
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labada filim ayaa leh qaabab kala duwan haddana fariintoodu waa isku mid, waa halyey wadani ah oo ay ku hareeraysan yihiin xulafo diimeed iyo gobolo kala duwan kuwaas oo ka wada shaqeeya badbaadinta waddan dhibaato ka jirto.
Jawaan, Khan waxa uu ku jilayaa wiil uu dhalay sarkaal ciidan, isagoo u dagaalamaya inuu magaca aabbihii ka nadiifiyo eedaymo been abuur ah.
Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay dowladda Mr Modi, dadka u dhaqdhaqaaqa bini adanimada ayaa sheegaya in ay kordheen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah muslimiinta iyo dadka laga tirada badan yahay. BJP waa ay diiday eedeymaha, laakiin hogaamiyayaasheeda dhif iyo naadir ayey u cambaareeyaan dhacdooyinkan oo kale.
"Blockbusters-ka sanadkan waxay fahmeen oo nashqadeen soo laabashada Khan ma ahan oo kaliya atoore balse waa halyey Muslim ah oo uu maamulo xisbiga Hinduuga" ayuu yiri Mr Desai.
Muuqaal laga soo xigtay Jawan oo ay dadka dhaliila iyo daawadayaasha si isku mid ah u tixraaceen ayaa ah hal ku-dhigga Khan ee muhiimadda cod bixinta iyo la xisaabtanka siyaasadeed.
Dhowr xisbi oo siyaasadeed, oo ay ku jiraan BJP ee talada haya iyo Congress-ka mucaaradka, ayaa ku andacoonaya in loo tixraacayo kan kale.
Ms Chopra waxay leedahay waa calaamad wanaagsan "marka aad sameyso wax saameyn ku leh guud ahaan bulshada".
Guusha Khan ee filimadan "ayaa ku soo celisay meel bannaan oo uusan hadda ka ahayn fikrad xun", ayuu yiri Mr Desai.
Laakiin Shrayana Bhattacharya, ayaa sheegtay in Khan waligiis aad loo jeclaa in uu soo noqdo "dibna usoo nooleeyo jilliinkiisa".
Taageerayaasha oo aad u faraxsan ayaa isu abaabulay si ay u arkaan jilaaga ay jecel yihiin kadib hakadkiisa, Ms Bhattacharya ayaa tiri. "Waxay rabeen in ay muujiyaan midnimo oo ay laftigooda ku raaxeystaan filimadiisa”.
Khan wali wax badan ayuu sameyn karaa jilaa ahaan, ayuu yiri Mr Desai. "waa uu sii duqoobayaa Waxaan rajeynayaa in uu aad ugu kalsoonaado xiddignimadiisa, oo aan dhaafsiisneyn inuu doorto doorar kala duwan."













