Markii aan dhabarka ujeediyay Boqorka: Wixii kala qabsaday weriye Cabdulaahi Xaaji iyo Boqorkii Itoobiya Haile Selassie

Weriye Cabdulaahi Xaaji oo wareysanaya hoggaamiyihii kacaanka Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Cabdullaahi Xaaji oo waraysanaya Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii Soomaaliya

Xayle Selassie, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee xukunka boqortooyo ee 3,000-sano jir ah ee Itoobiya, waxaa hoggaamiyihii Ingiriiska kala heshiiyay in lagu wareejiyo dhulkii Ingiriisku gumeysan ee Soomaali galbeed, iyo dhulka Howd ee qaniga ku ahaa daakhsinka muhiimka ah xoolo-dhaqatada Soomaalida.

Dhulkaas uu gumeysiga Ingiriisku ku wareejiyay Itoobiya oo loo adeegsaday heshiis aan xilligaas kahor aan shaacsaneyn ayaa ku jiray gacanta Ingiriiska intii u dhexeysay 1942 – 1955tii kadib markii uu ka qabsaday Talyaaniga oo isbaheysigii uu qeybta ka ahaa laga guuleystay dagaalkii labaad ee Adduunka.

Xayle Selassie oo xukumayay boqortooyada Itoobiya muddo nus qarni ku siman kahor inta aan afgembi militari laga tuurin 1974tii waxa uu raadweyn, oo mararka qaar gocosho iyo tiiraanyo leh uga tagay taariikhda Soomaalida.

Waxaa loogu yeeri jiray ‘Libaaxii Judah ama yahuuda’ oo ah eraybixin iyo tilmaam loo soo qaato geesinnimo, sharaf iyo xoog, iyo ab-tirsimo la isla xiriiriyo Nebi Suleymaan.

Wixii dhexmaray weriye Cabdulaahi Xaaji iyo Xayle Salaasihii Itoobiya

Cabdulaahi Xaaji waxa uu afratn sano ka shaqeynayay BBCSomali
Qoraalka sawirka, Cabdulaahi Xaaji waa weriyihii ugu mudada dheeraa BBC Somali, isaga oo shaqeynayay afartan sano oo xiriir ah

Cabdulaahi Xaaji oo ah weriye rugcadaa ah, ahna kii qofkii ugu mudada dheeraa ee ka shaqeeya BBC Somali afartan sano oo xiriir ah waxa ku dhashay oo ku barbaaray deegaanka Soomaali galbeed, oo gacanta ugu jiray xukunkii boqortooyada Itoobiya.

Waxay ahayd kahor xornimada Soomaaliya, xilligaas oo dareenka xornimo doonka iyo dhismaha Soomaali weyn uu ku xoogaa xitaa gudaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho.

"Waxa uu ahaan jiray mid aamusan, oo mar codkiisa xitaa si weyn loo maqli jirin," ayuu yiri Cabdulaahi Xaaji oo dib-u-xasuusanaya xilliyadii kala duwanaa ee uu la kulmay boqor Xayle.

Cabdulaahi Xaaji waxa uu ku dhashay magaalada Wardheere qiyaastii1939kii, meel u dhow ceelasha Walwaal oo ah goobta uu ka dhacay iska horimaadkii caanka ahaa ee dhexmaray ciidamada Talyaaniga iyo Itoobiya ee dhaliyay dagaalkii labaad ee Talyaaniga iyo Xabashida wax yar kahor uun dhalashadiisa.

Bishii Oktoobar 1935 ciidamadii Talyaanigu waxay duullaan ku qaadeen Itoobiya - oo markaas loo yaqaannay Abyssinia - waxayna ku qasbeen Boqorkii dalkaas, Xayle Selassie, in uu noqdo dibadjoog.

kaligii-taliyihii Talyaaniga Benito Mussolini oo iska indha-tiraya diidmada Qaramada Mdioobay ka imaaneysay ayaa waxa uu ku dhawaaqay imbaraadooriyad cusub oo Talyaanigu ka dhistay Afrikada Bari, oo ka kooban Itoobiya iyo dhulkii hore u jiray ee Italian Somaliland iyo Ereteriya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka dib guulihii hore ee xulafadii Talyaaniga, Jarmalka, Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Mussolini wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ingiriiska Juun 1940.

Taas macnaheedu waxa uu noqday in dhulkii Ingiriisku gumeysan jiray ee bariga iyo geeska Afrika, iyo xitaa dhulka Masar, iyo marinka muhiimka ah ee kanaalka Suweys in hadda uu ku jiro khatar.

Talyaanigu waxa uu weeraray saldhigyo ku yaala xuduudka Kenya iyo Sudan ee ingiriisku lahaa, iyaga oo sidoo kale qabsaday gobolada Waqooyiga ee la oran jiray British Somaliland bishii August ee isla sanadkaas.

Dagaalkaas waxa uu soo gebogaboobay 1941dii xilligaas oo laga guuleystay talyaaniga iyo xulafadiisa.

"Wakhtiga uu yimaado boqorku dugsiga waxaa uu wadan jiray had iyo jeer dharka millitariga. Waxaa na la socon jiray janarraalo iyo kuwo aanan garanayn darajadooda," ayuu yiri Cabdulaahi Xaaji oo wax ku bartay Iskool ku yaal magaalada Harar oo uu boqorku dhisay islamarkaas na loogu magacdaray. Boqor Xayle ayaa si joogto ah u booqon jirya dugsigaas.

"Wuxuu ahaan jiray mid aamusan, balse anagu aad ayaa ugu soo ururi jirnay," ayuu yiri Cabdulaahi.

"Waxaa nala oron jiray ka baydha boqorka, waana nala baacasn jiray, inkstoo lacag shillimaad ah uu daaqada nooga daadin jiray."

‘Markii Boqor Haile Selassie ku kulanay dhabaha’

Haile Selassie waxa uu Itoobiya ka talinayay nus qarni

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haile Selassie waxa uu noqday boqorkii ugu dambeeyay ee boqortooyada saddex kun oo sano soo-jirtay ee Itoobiya

Kadib labo mar oo ay horey ugu kulmeen dugsiga uu dhigan jiray, Cabdulaahi Xaaji ayaa markii saddexaad jidka kula kulmay, si fool-ka-fool ah, boqorka oo dhexfadhiya gaarigiisa.

"Waxay ahayd xilli casar liiq ah anniga oo kasoo baxay iskuulka oo aan kubad kusoo ciyaarayay," ayuu yiri Cabdulaahi.

"Waan gaajoonayay, oo waan daalnaa. Waxaan ku leexday gaarigiisa. Waxaan Afka amxaariga ku iri ‘saaxiib, lacag isii."

"Waxa uu iigu jawaabay ‘lacagtii waa dhammaatay’ isaga oo igula hadlaya Carabi maadaama uu fahmay in aanan Amxaariga ku fiicneen."

Waxa uu Cabdulaahi Xaaji markii dambe u wareegay magaalada Addis Ababa, si halkaas waxbarashada uga sii wato, ula na noolaado abtigii soo koriyay.

Waxa uu bartay cilmiga beeraha, isaga oo markii dambe shaqo ka helay Idaacadda Itoobiya qeybta AfSoomaaliga ku hadli jirtay, shaqadaas oo uu kula taliyay in uu doonto abtigiis.

Waxa uu markii dambe ka mid noqday weriyeyaasha caanka ee idaacadda Afka Soomaaliga ee Itoobiya oo laga dhegeysan jiray xitaa gudaha Soomaaliya.

Waxa u uku hadli jiray afka boqorka, isaga oo warar lid ku ah Soomaaliya sheegi jiray, ilaa xilli dambe ee boqorka la afgembiyay islamarkaas na uu qarxay dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haile Selassie iyo Maxamed Siyaad Barre oo kulmaya

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Boqorka Itoobiya Haile Selassie iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo kulmay 1970kii

‘‘Aniga wax macno ah iima sameeneeyn inaan ku noolaado Xamar iyo Hargeysa waayo waxaan ku dhashay kuna barbaaray dalkaasi itoobiya," ayuu yiri Cabdulaahi.

Laakiin dareenka ah in qofka Soomaaliga ee Itoobiya ku nool mar uun u wraeegi doono Soomaaliya si walba oo ay Itoobiya u maalgashato, waxna u barto aad ayuu ugu weynaa boqorka Xayle, sida uu isagu toos ugu sheegay Cabdulaahi.

Waa mar uu ugu tagay boqorka in uu ka caawiyo fursad waxbarasho saxaafadeed oo dibeda ah ugu tago London, isaga oo u balanqaaday boqorka in uu dib ugu soo noqon doono shaqadiisa.

Wasiirkii Warfaafinta Itoobiya ayaa u geeyay boqorka, islamarkaas na balan uga qabtay.

‘‘Armaad marka aan wax kusoo barno dhahdaa ‘waxaan ahay reer Muqdisho berri," ayuu weydiiyay boqor Xayle.

"Waxaan ugu jawaabay waxaan ahay nin ku faanaya wadankiisa iyo boqorkiisa kuna dhaaranaya. Sidee u oran karaa reer muqdisho ayaan ahay? Hadal kulul ayaa meesha ka jeediyey maalinkaasi, se wuxuu si cod hoose ku dhahay waa arkaynaa."

Waa maalinka uu weriye Cabdulaahi Xaaji dhabarka ujeediyay boqorka, islamarkaas na u istaagay oo madaxa u fooriyay si xushmo boqor leh qof kale oo ilaalada boqorka ah. Waxa uu umaleeyay boqorka.

"Aniga ma maqal codka boqor Xayle. Waxaa ku war helay nin ka mid ah saraakiisha boqorka, oo isagu cod dheer igu dhacay maxaa sheegtay maadaama aan cod hoose ku weydiiystay boqorka codsigeyga.

Se aniga xaggii la igala hadlay ayaan u foorarsaday oo aan siiyay salaantii iyo xushmadii sharafta boqorka. Boqorkana dhabarka ayaan u jeediyey."

Kadib sideed sano oo uu ka shaqeynayay idaacadda Itoobiya, waxa u uku biiray idaacadda Afka Soomaaliga ee BBC oo uu ka shaqeynayay afartan sano oo xiriir ah.