Sida ay ku dambeeyeen Siyaad Barre, Qadaafi iyo madaxdii kale ee dalalkoodu holcay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sri Lanka waxay dooratay madaxweyne cusub, laakiin halkee ayuu ku dambeyn doonaa Gotabaya Rajapaksa, madaxweynihii ugu dambeeyay? Madaxdii sidiisa oo kale lagu khasbay inay xilka ka dagaanse halkeey ku dambeeyeen.
Rajapaksa waxa uu ka qaxay dalkiisa isagoo aaday Maldives 13-kii bishan Luulyo ka dibna waxa uu u duulay Singapore, halkaas oo uu kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casilayo.
Laakin ma cadda in uu halkaas sii joogi doono iyo inkale. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Singapore ayaa sheegtay in uu dalkooda ku yimid booqasho gaaban oo gaar ah", waxaana afhayeen u hadlay golaha wasiirada Sri Lanka uu sheegay in uu dalka dib ugu soo laaban doono.
Balse koox u doodda xuquuqda aadanaha ayaa dacwad dambi ah u gudbisay xeer ilaaliyaha guud ee Singapore iyagoo doonaya in loo soo xiro doorkii uu ku lahaa qalalaasihii Sri Lanka, waxaana warbixinno qaar aya sheegayana in laga yaabo inuu u wareego Sacuudiga ama Imaaraadka Carabta.
Hogaamiyayaasha la eryay ee dib u dajinta ka helay wadamo shisheeye wax badan ayay dhacday - intii u dhaxaysay 1946 iyo 2012, in ka badan 180 hogaamiyeyaal dowladeed ayaa lagu qasbay in ay dalkooda ka cararaan, sida ay sheegeen borofeesarro dhanka cilmiga siyaasadda oo ka mid yihiin Abel Escriba-Folch iyo Daniel Krcmaric oo ka tirsan jaamacadda Waqooyi-galbeed ee Maraykanka.
Haddaba eynu eegno qaar ka mid ah hogaamiyayaashaasi.
Ayatollah Khomeini (1964 - 1979) iyo Shah ee Iran (1979 - 1980)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruhollah Khomeini waxa uu ahaa caalim sare oo u dhashay dalka Iran kaas oo ka soo horjeestay -kadibna bedelay taliskii reer galbeedka ee uu hogaaminayay Shah Maxammed Reza Pahlavi. Waxa uuna aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee maanta.
Sannadkii 1964 tii, Khumeyni waxa loo masaafuriyay mucaaridnimadiisii bareerka ahayd, isagoo u safray Turkiga, Ciraaq iyo Faransiiska, halkaas oo uu taageerayaashiisa kula dardaarmay inay afgembiyaan Shah.
Shaah waxa uu noqday mid aan la jeclayn - waxaa dalka oo dhan ka dhacay rabshado, gadood iyo mudaaharaadyo - Bishii Janaayo 1979-kii, dowladiisii way burburtay, isaga iyo qoyskiisuna waxay u qaxeen dalka dibaddiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
1-dii bishii Febraayo ee 1979-kii, Khumeyni wuxuu ku laabtay Iran isagoo guul ka gaaray mucaaradnimadiisii. Saxafiyiintii la socday diyaaradii uu saarnaa waxaa ku jiray weriyahii BBC John Simpson waxa uuna sheegay in ay ka cabsi qabeen in diyaaradda la soo rido.
Waxaa dhacday afti heer qaran ah, Khumeyni ayaa ku guuleystey, waxaana loo magacaabay hoggaamiyaha siyaasadda iyo diinta ee Iran inta uu nool yahayba.
Shah iyo xaaskiisa, Empress Farah, ayaa markii ugu horeysay u duulay magaalada Aswan ee dalka Masar - warbixino rasmi ah ayaa sheegay in Shah uu u baxay "fasax" iyo caafimaad.
Wuxuu tagay Morocco, Bahamas, Mexico, Mareykanka iyo Panama, ka hor inta uusan kansar ugu dhiman Qaahira 27-kii Luulyo 1980-kii.
Joogitaankii Shaah ee Maraykanka ayaa horseedday weeraradii safaaradda Maraykanka ee Tehran iyo qafaalashadii shaqaalaha dublamaasiyadeed ee Maraykanka lagu haystey in ka badan 400 oo maalmood.
Khumeyni waxa uu Iran xukumayay ilaa uu ka geeriyooday 4-tii June 1989-kii.
Idi Amin Dada (1979 - 1993)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Idi Amin waxa uu ahaa Hogaamiye Milatari ah oo talada dalka Uganda la wareegay sanadkii 1971-dii, waxaana tobankii sano ee uu xukunka joogay uu dalka ku soo rogay kaligii talis ficilo arxan darro ah iyo xasuuq horseeday in dalka laga eryo dhammaan dadkii ka soo jeeday qaaradda Aasiya ee dalkaasi ku noolaa.
Sidaas oo ay tahayna waxaa u suurogashay in uu helo meel uu ku baxsado markii ciidamada Tansaaniya iyo kuwa Uganda kay ka saareen dalka sannadkii 1979-kii.
"Kaligii taliyeyaasha waxay u badan tahay inay u cararaan dalalka ay la leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, hadii uu ahaan lahaa mid siyaasadeed, militari, ama dhaqaale," Professor Escriba-Folch ayaa sidaasi yiri.
Waxayna noqotay in Sucuudigu uu u soo gurmado hogaamiyaha Muslimka ah, inkasta oo lagu eedeeyay dhimashada ilaa 400,000 oo reer Uganda ah intii uu xukunka joogay.
Wuxuu sacuudiga ku noolaa ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 2003-dii.
Benazir Bhutto (1984 - 1986, 1999 - 2007), Nawaz Sharif (1999 - 2007)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jawiga siyaasadeed ee wadamada qaar ayaa laga yaabaa inay sababto in hogaamiyayaal badan ay u qaxaan wadamada kale, Pakistan ayaana tusaale ah.
Benazir Bhutto laba jeer ayaa lagu khasbay in ay dalkeeda ka baxdo, hase yeeshee labadaas xilli ka dib oo marna UK ay aadday marka kalana Imaaraadka, waxa ay ku soo noqotay Pakistan oo ay noqotay Ra'iisal-wasaarihii dalkaas iyo haweenaydii ugu horreysay ee abid hoggaamisa waddan Muslim ah.
Waxay ka mid ahayd hoggaamiyeyaashii haweenka ugu caansanaa adduunka, waxayna soo jiidatay dadweyne aad u badan.
Balse labada jeerba waxaa xilka ka qaaday madaxweynaha ka dib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Waxaa lagu dilay weerar is miidaamin ah sannadkii 2013-kii. Aabaheed iyo laba walaalaheed ah ayaa sidoo kale la dilay.
Nawaz Sharif waxa ay Bhutto xilka kala wareegtay laba jeer oo ay ra'iisal wasaare ka ahayd Pakitsan, balse sannadkii 1999-kii waxa xilka ka qaaday milatariga, si la mid ah Bhutto, waxaana lagu qasbay inuu dibad joog noqdo (muddo kooban ayaa la xiray ka hor inta aanu Sucuudiga tagin).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afar iyo toban sano ka dib waxa uu hogaaminayay dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ku guuleystay markii saddexaad inuu raysal wasaare noqdo.
Laakiin sanadkii 2017-kii maxkamada sare ee Pakistan ayaa u diiday inuu qabto xil dowladeed inta uu nool yahay taas oo ay sabab u ahayd kiiskii Panama Papers ee ku lug lahaanshaha shirkadaha aan lagu muujin warbixinta hantida qoyskiisa.
Muammar Qaddaafi

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin ka waran kuwa ku guuldareystay inay dal kale gabbaad ka helaan? Professor Escriba-Folch ayaa ka digaya in hogaamiyayaasha la eryay ee ku adkeysta inay "dalka awood ku sii joogaan wax kasta oo ay ku qaadataba".
Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi: Kadib markiila riday dowladiisa iyo dagaalkii sokeeye ee Liibiya 2011, waxaa jiray cadaadis xooggan oo kaga imaanayay qaybaha bulshada caalamka in Qadaafi uu dalka ka baxo si colaadda loo joojiyo.
Taas beddelkeeda, Qadaafi waxa uu dhuumanayey muddo bilooyin ah, waxaana ugu dambayntii lagu dilay magaalada Sirta ee uu ku dhashay. "Wuxuu doortay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto halkii uu u dalka dibaddiisa u bixi lahaa."
Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kala haadkii sannadkii 1991-dii ee Soomaaliya waxaa meesha laga saaray taliskii Maxamed Siyaad Barre waxaana taasi horseedday in ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed uu kala qeybsamo.
Ka dib markii uu ka soo qaxay Muqdisho 26-kii Janaayo 1991, Barre wuxuu si ku meel gaar ah u sii joogay Buurdhuubo, oo ku taal Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Barre ayaa markii hore u tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse kooxahii mucaaradka ahaa ee halkaasi ku suganaa ayaa ka dhiidhiyay imaatinkiisa iyo taageerada dowladda Kenya.
Isagoo ka jawaabaya cadaadiska ayaa wuxuu laba toddobaad ka dib aaday Nigeria. Barre waxa uu 2-dii Janaayo ee sannadkii 1995-tii ku dhintay magaalada Lagos. Waxaana lagu aasay magaalada Garbahaareey ee dalka Soomaaliya.
Mengistu Haile Miriam, madaxweynihii Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii May 1991kii, waxaa magaalada Addis Ababa ka soo dhaqaaqay ciidamadii Itoobiya ee EPRDF oo dhinac walba ka joogay, waxayna taasi horseedday in Mengistu uu dalka ka carraro.
Waxa uu magangelyo ka helay Zimbabwe isagoo marti rasmi ah u noqday madaxweynahii Zimbabwe Robert Mugabe.
Inkasta Mugabe xilka laga xauubiyay sannadkii 2017-kii, haddana ma jirin codsiyo cusub oo ah in Mingistu dalka dib loogu soo celiyo.
Isku-day dil oo ka dhan ahaa Mengistu ayaa dhacay 4-tii Noofambar ee 1995, isaga oo ay la socoto xaaskiisa, Wubanchi Bishaw, meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Gunhill ee magaalada Harare.
In kasta oo Mengistu aanu wax dhaawac ahi soo gaadhin, haddana ninka la sheegay in uu weeraray oo lagu magacaabo Solomon Haile Ghebre Michael, oo Eriteriyaan ahaa, ayaa waxa dhaawacay oo xiray ilaalada Mengistu.
Ilaa haatan waxa uu ku nool-yahay magaalada Haraare ee dalka Zimbabwe.















