Maxaa dhacaya haddii ilmo yar malab la siiyo

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, wiil 4 jir ah oo lagu magacaabo Nitin Balasekar oo ka soo jeeda degmada Sivaganga ayaa la siiyay malab si loogu daweeyo xanuunka caloosha. Markii dambe wuu miyir beelay, waxaana loo qaaday Isbitaalka Dowladda ee Sivaganga, halkaasoo lagu daweynayo.

Intaa ka dib, Madaxa Kuliyadda Caafimaadka Dowladda ee Sivaganga, Srinivasan, ayaa la hadlay wariyeyaasha, wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyay dhaawacyada soo gaaray wiilka.

Waxa uu yiri, "Walaxda loo yaqaan botulinum ee laga soo saaro malabka waxa ay abuurtaa sun saamaynaysa maskaxda iyo habdhiska neerfaha, waxa ay saamaysaa neefsiga iyo wareegga dhiigga".

Wuxuu intaa ku sii daray "Wiilkii waxa lagu daweeyey qalabka neefsiga ee macmalka ah, waxa la siiyey dawo la yidhaa Immunoglobulin".

Dhacdadan ayaa dhalinaysa su'aasha ah in malabka la siin karo carruurta, gaar ahaan dhallaanka.

Daraasado kala duwan ayaa sheegaya in malab la siiyo dhallaanka isla marka ay dhashaan ama ka hor inta aan naaska la nuujin ay tahay caado caan ka ah dalalka Koonfurta Aasiya oo ay ku jirto Hindiya. Sida lagu sheegay cilmi-baaris lagu daabacay mareegta Maktabadda caafimaadka ee qaranka Maraykanka, dhaqanka ah in carruurta yaryar la siiyo Malabka ayaa sidoo kale aad ugu badan dalalka Khaliijka sida Sucuudiga oo kale.

Sidoo kale, sahan dhanka online-ka ah oo 2022-kii lagu sameeyay hooyooyinka ku nool Sacuudiga, 52% waxay sheegeen inay caado u leeyihiin inay malab siiyaan carruurtooda.

Daraasadu waxay ka digtay in tani ay keeni karto wax kasta min xanuunka mindhicirka ilaa iyo dhibaatooyinka neefsiga.

Inkasta oo lallabbo, matag, iyo cunto-cunista oo ku adkaata ay yihiin calaamadaha ugu muhiimsan ee cudurka, daraasaddu waxay sidoo kale soo bandhigtay calaamado dheeraad ah. Sida:

Muruqyada wajiga oo isgala

Dhibaatooyinka mindhicirka (caloosha oo istaagta)

Fidinta murqaha afka

Dhaawac maskaxeed

Suuxdin ama qallal

Hoos u dhaca heerkulka jirka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Malabka ma la siin karaa carruurta yaryar

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xarunta Xakamaynta Cudurada ee Maraykanka (CDC) ayaa sheegtay in malab la siiyo carruurta da'doodu ka yar tahay hal sano ay sababi karto cudur halis ah oo loo yaqaan botulism.

Xaruntu waxay sheegtay in malabka aan si toos ah loo siin, balse ay tahay in lagu qaso cunto, biyo, iyo dareere la siiyo carruurta.

Vidya oo ah dhakhtarka carruurta ayaa sheegtay in ilmaha yar aan la siin wax aan ahayn caanaha naaska ilaa ay ka gaarayaan lix bilood.

Ayada oo sababta arrintan macnaynaysa ayey tiri, "Carruurta yaryar waxa ay leeyihiin difaac yar, waxa kale oo ay leeyihiin awood ay ku dheefshiidaan cuntada, taas oo si cad loogu sharraxay cisbitaallada, waxa kale oo lala socdaa cuntada carruurta.

Adeegga caafimaadka qaranka ee Britain (NHS) ayaa sheegay in bakteeriyada ay soo saarto xabka Clostridium botulinum spore ee laga helo malabka ay soo saari karto sun ku jirta xiidmaha ilmaha, taas oo keeni karta xanuun aad halis ah oo loo yaqaan infant botulism (IB).

Sida laga soo xigtay daraasad lagu daabacay bogga Maktabadda Qaranka ee Daawada ee Maraykanka, botulism-ka dhallaanka waa cudur nafta halis gelinaya. Waxa kale oo ay sababi kartaa dhibaatooyin neerfaha oo halis ah.

Dr. Vidya waxay tiri "way adagtahay in isla markiiba la garto caabuqan".

Waxa kale oo ay xustay in ay lagama maarmaan tahay in saacado gudahood lagu daweeyo, maadaama caabuqan uu saameeyo mindhicirrada carruurta, calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid ah carruurta oo aan naaska nuugin, daal iyo caloosha oo bararta.

Waxay kaloo xustay in 12 bilood ay qaadanayso in xiidmaha iyo hab-dhiska dheefshiidka ubadku ay si fiican u koraan, taasina ay tahay sababta ay hay'adda caafimaadka adduunku kula talisay in aan malabka la siin carruurta da'doodu ka yar tahay hal sano.