Waa kee malabka saxda ah ee u wanaagsan caafimaadka yaase isticmaali kara?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Malabka oo inta badan si caadi ah dunida looga isticmaalo ayaa dad badan waxa ay u isticmaalaan in ay isku daweeyaan ama isku qurxiyaan, haddaba maxan ka ognahay dareerrahan muhiimka ah?
Malabku waa dareere midab dahabi ah oo ay shinnidu soo saarto.
Xilligii hore dalalka qaar ayaa malabka ku tilmaami jiray 'cuntada barakeysan', halka Shiinahana loo tixgeliyey qaab dawo ahaaneed.
Halkan waxa aan idinkugu sheegi doonna waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay in loo isticmaalo iyo faa'iidooyinka malabka u leeyahay dhismaha jirka bini aadamka.
Qaabkiisa ceeriin, malabku wuxuu ka kooban yahay waxyaabo badano o faa,iido u leh jirka aaadanaha sida, antioxidants fitamiino, macdan iyo sonkor. Waxa kale oo uu leeyahay maado lagu magacaabo fructose, taas oo malabka ka dhigta mid aad u macaan laakiin leh waxa loo yaqaanno index glycemic oo macaan dhex dhexaad ah ka dhigta taas oo muujinaysa sida nafaqo kasta u saamayso heerka sonkorta dhiiggayaga taas oo hoos u dhigta.
Hal qaado oo malab ah ayaa ka kooban:
• Tamartiisu waa 58kcal/246KJ
• Nafaqo 15.3 garaam
• Sonkor 15.4 garaam
• borotiinka 0.1 garaam
• Iyo waxyaabo kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faa'iidooyinka malabka
Isticmaalka malabka caafimaadku waxa ay ku xiran tahay sida loo farsameeyo iyo tayada ubaxa ay shinnidu ururiso.
Malabka ceeriinka ah, oo aan la habeyn, ama aan la sifeynin ayaa uga faa'iido badan jirka malabka warshadeysan sababtoo ah malabka aan la warshadeynin ayaa leh nafaqooyinka uu keeno rasmiga ah ee aynu u baahannahay.
Malabka si joogto ah ayaa loo isticmaali jiray dawo ahaan si loogu caawiyo daawaynta dhaawacyada, boogaha, gubashada iyo ka hortagga koritaanka bakteeriyada.
Malabka ayaa qani ku ah kiimikooyin badano o sidoo kale laga helo khudaarta.
Mid kamid ah oo loo yaqaano flavonoids ayaa lagu soo waramayaa in uu leeyahay waxyaabo liddi ku ah bakteeriyada qaarkoodna waxay u arkaan in malabka uu ka caafimaad badan yahay sonkorta caadiga ah.
Malabka miyuu ka fiican yahay sonkorta?
Malabku waxa uu leeyahay dhowr shay oo tusaya sida nafaqo kasta u saamayso heerka sonkorta dhiigayaga oo ay yarayn karto laakiin sonkortu aysan yareyn.
Malabku waxa uu ka macaan yahay sonkorta, sidaa awgeed waxa fiican in la xadido isticmaalkiisa, hal qaaddo oo kasta oo malab ahina waxa ay leedahay tamar badan, taas oo macnaheedu yahay in uu leeyahay nafaqo badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii uu qofku doorbido isticmaalka malabka, waa inuu ku dadaalaa inuu isticmaalo malab aan la farsamayn, kaas oo ah malab ceeriin ah, waxaana uu ka koobanayahay fiitamiino iyo nafaqooyin kale oo badan marka loo eego sonkorta cad, laakiin dadka ayaa lagula talinayaa in ay isticmaalaan wax yar oo aan badnayn.
Malabku ma yahay wax qof kasta uu isticmaali karo?
Malabka ayaa la sheegay inuu ka macaan yahay sonkorta cad, sidaa darteed waxaa lagula talinayaa dadka inay si taxadar leh u isticmaalaan
Ma jiraan faa'iidooyin la taaban karo oo malabku u leeyahay dadka qaba sonkorowga ama kuwa isku dayaya inay hoos u dhigaan heerka sonkorta dhiigga sababtoo ah labaduba waxay saameeyaan heerka sonkorta dhiigga ee qofka.
Intaa waxaa dheer, waxaa la sheegay in carruurta da'doodu ka yar tahay hal sano aysan isticmaalin malab warshadaysan ama ceeriin ah sababtoo ah waxay keeni kartaa xanuunno.
Inkasta oo dadka intooda badani ay doorbidaan isticmaalka malabka, taas micneheedu ma aha in qofkastaahi uu isticmaali karo.
'Dhibaato weyn'

Xigashada Sawirka, WESTEND61/GETTY IMAGES
Biyo kulul oo lagu qaso Malab - oo inta badanna lagu daro liin dhanaan iyo sanjabiil - ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.
Talo soo jeedintaan cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen khubarada Machadka qaran ee caafimaadka iyo xannaanada waddanka Ingiriiska iyo waaxda caafimaadka dadweynaha ee (PHE) ayaa lagu sheegay in dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo qoraan.
Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta koowaad.













