DP World oo maamusha dekedda Berbera maxay ka tiri saamaynta go'aankii ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Iimaaraadka

Dekedda Berbera

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadda Dubai laga leeyahay ee DP World ayaa sheegtay in hawlihii dekedda Berbera ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ay u socdaan si waafaqsan heshiisyadii hore u jiray, xilli ay xaalad kacsanaan ahi ka jirto gobolka guud ahaan iyo gaar ahaan Yemen oo deris la ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baabi'isay dhamaanba heshiisyadii kala dhaxeeyey Iimaaraadka carabta oo ay ku jiraan heshiisyada dekedaha, kuwa difaaca iyo kuwa iskaashiga amniga, ayagoo dalalka gobolka ku eedeeyey inay wiiqayaan qarannimadeeda.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo warkan aan ka soo xigannay ayaa sheegaysa in talaabadan ay timid ka dib markii Xukuumadda Soomaaliya ay qaadday baaritaan, ka dib markii xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo Yemen, uu ka taagnaa khilaaf u dhaxeeya labada dal ee saliidda hodanka ku ah ee Sacuudiga iyo Iimaaraadka uu cirka isku shareeray, taasoo dhalisay in si degdeg ah uu Iimaaraadku u soo saaro hogaamiyihii gooni u goosatada isagoo sii mariyey Soomaaliya.

.

Xiisadda ayaa ka qaraxday bishii hore dalaka Yemen markii gooni u goosatada cagta la mariyey koofurta dalka oo ay ku jirto dekedda cadan, markaasoo ay ku sii siqayeen xuduudda Sacuudiga, taasoo soo dedejisay in Riyaad ay ku dhawaaqdo khatar soo wajahday amnigeeda.

"DP World waxay diiradda ku haysaa bedqabka, habsami u socodka hawlaha dekedda, iyofududaynta ganacsiga iyo faa'iidooyinka dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan gobolka geeska Africa" ayaa lagu yiri qortaal loo diray wakaaladda Reuters, ayadoo intaa lagu daray in "Go'aannada siyaasadeed, wadaxaajoodyada dalalka dhex maraya, iyo mowqifyada diplomaasiyadeed waa in loo diro maamullada ay khusayso".

Iimaaraaka ayaa wuxuu Somaliland la lahaa cilaaqaad dhaqaale iyo kuwo amni. Xuddunta istaraatijiyadan ayaa ah maalgelin dhan $442 malyan oo oo shirkadda loojiistikada ee DP World ay ku horumarisay kagana shaqayso dekedda Berbera.

Bishii aannu soo dhaafnayna Israa'iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbanaanida Somaliland, taasoo Reuters ay sheegtay in xukuumadda Abu dhabi ay fududaysay sida laga soo xigtay warbixinta Axio oo soo xigatay saraakiil Israa'iiliyiin ah.