Maxay Imaaraadku dhulal uga iibsanayaan dalal badan oo Afrika ah?

Wafdi ak socda imaaraadka

Xigashada Sawirka, HAKAINDEHICHILEMA/FACEBOOK

Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadka Carabta ayaa muujiyay rabitaan ah inay ku maamulaan dhaqaalaha Afrika iyagoo adeegsanaya siyaasadahooda.

Danaha Imaaraadka waxaa ka mid ah maalgashi ballaaran oo ay ka mid yihiin ballaarinta ganacsiga iyo maamulka qaar ka mid ah dekedaha Afrika.

Dalkan ku yaalla khaliijka Carabta waxa kale oo uu si istiraatijiyad ah u raadsadaa iibsashada dhul ballaaran oo ku yaalla Afrika.

Dhulkan ayaa waxay Imaaraadka u adeegsadaan beero aad u waawayn, goobo lagu xanaaneeyo duurjoogta iyaga oo helaya dhul beereed aad u balaaran, meelo duur-joogta lagu xanaaneeyo iyo dhul xeebeed.

Si aan kala joogsi lahayn, waxay Imaaraadku qabsadeen malaayiin hektar oo kaymo ah si ay wax soo saar u sameeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, tallabada uu dalkan qaaday ayaa dadka dhaliila iyo kooxaha deegaanku u arkaan qorshe dhul lagu qabsanayo oo ay ku tilmaameen mid baaxad weyn oo dhibaato ku ah bulshada deegaanka.

Iibsiga dhulka waxa uu u horseedi karaa khasaare hantiyeed oo soo gaara wadamada Afrikaanka ah ee iibinaya dhulka, walaaca sugnaanta cuntada, barakaca dadka degan iyo colaadaha oo ka si daraya.

Marka loo eego xogta Bangiga Adduunka ee 2023, kaliya 0.7 boqolkiiba dhulka Imaaraadka Carabta ayaa loo isticmaalaa beeraha.

Abu Dhabay, oo soo dhoofsada 85 ilaa 90 boqolkiiba cunnooyiinka, ayaa daaha ka qaaday 2018 'Istaraatiijiyada Haqab-beelka Cuntada Qaranka 2051', qorshe sannad-dheer ah oo lagu doonayo in lagu gaaro sugnaashiyo dhanka cunnada ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladdan Khaliijka ayaa si degdeg ah u ballaarisay ganacsiga ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan qeybta cuntada.

Dadaalladaasi waxay noqdeen kuwa dhaafsiisan cuntooyinka dibadda laga keeno, waxayna ka dhigeen waddan ka mid ah xudunta ganacsiga cunnada adduunka, sidoo kale waxay waddada u xaaraysaa ballaarinta helitaanka dhul badan oo ku yaalla Afrika.

Heshiisyada soo iibsiga waxaa inta badan sameeya shirkado xiriir la leh qoyska boqortooyada. Shirkadahani waxay noqdeen masiirka beeraha Imaaraadka Carabta ee Afrika.

Shirkadaha ayaa kala ah ADQ, Al Dhahra, Al Qudra Holdings, Elite Agro Projects, Al Rawanbi, Jinan Investments, International Holding Company iyo Abu Dhabi Investment Authority.

xukuumadda Dubai ayaa sannadihii u dambeeyay dhulal ka iibsatay dalal badan oo Afrikaan ah, sida Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Angola, Morocco, Madagascar, Namibia, Sierra Leone iyo Sudan.

Itoobiya iyo Imaaraadka

Laba sano ka hor, FarmlandGrab.org ayaa soo warisay in Mashaaruuca Elite Agro ee fadhigiisu yahay Imaaraatka ay qorsheynayeen in ay bilaabaan wax soo saarka sarreenka Itoobiya.

Shirkaddu waxay sheegtay inay eegayso suurtogalnimada in dalka Itoobiya laga soo saaro Sarreenka maadaama uu sii kordhayo baahida qamadiga.

Tan iyo 2018, Itoobiya iyo imaaraadka waxay xoojiyeen xiriirka laba geesoodka ah ee ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga amniga.

Itoobiya ayaa ah saaxiibka muhiimka ah ee Imaaraadka ee bariga Afrika, xiriirkooduna waa mid dhinacyo badan leh oo istaraatiiji ah.

Si gaar ah tan iyo markii uu talada dalka qabtay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, labada dal waxa ay sii xoojinayeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale iyo amni iyaga oo u maraya booqashooyin heer sare ah, ganacsi iyo maalgashi.

Mashruuca sugnaanta cuntada ee Kenya

Bishii November 2025, shirkadda Al Dahran waxa ay Kenya la saxeexatay heshiis ku kacaya $96.7 milyan ah si ay u horumariso 180,000 acres oo dhul-beereed ah.

Wasiirka Maaliyadda Kenya ee xilligaasi Chris Kipto ayaa sheegay in heshiiskani uu "kor u qaadayo dakhliga ka soo gala sarifka lacagaha qalaad"

Mashruuca Badda ee Kulaaluu Sea ayaa la aas aasay sanadkii 2013-kii si loo horumariyo sugnaanta cunnada ee dalka ku yaalla bariga Afrika oo ay ka dhaceen abaaro iyo fatahaado.

Boqolkiiba 80 ka mid ah dhulka Kenya waa mid qeyb ahaan ama si buuxda loo beeran karo. Balse wararka ayaa sheegaya in 20 milyan oo Kenyan ah ay haysato cunto yari.

ballaarinta ganacsiga cuntada ee Uganda

Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, Uganda iyo Imaaraadka Carabta ayaa sahaminayay habab ay isaga kaashan karaan dhanka beeraha, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Uganda.

Warbixintu waxay sheegtay in iskaashigan uu kordhin doono ganacsiga cuntada ee labada dal boqolkiiba 30.

Uganda waxa ay u dhoofisaa cunto qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Qorshahan ayaa waxaa ku jira bakhaar dhan 50 milyan oo dollar oo ku dhow garoonka caalamiga ah ee Intebbe, si loogu ilaaliyo wax soo saarka Uganda inuu halabo sida Sinjibiisha, Cambaha, Avocado, cananaaska, ukunta iyo badeecadaha kale.

2018, Uganda iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyey in la sameeyo aagga ganacsiga xorta ah ee ugu horreeyay adduunka, taas oo u oggolaanaysa shirkadaha Imaaraatka ee gaarka loo leeyahay in ay maalgashadaan wax soo saarka cuntada ee 500 oo hektar oo dhul ah.

Raqay iyo beero canab ah oo ku yaal Namibia

Saxiixa heshiis

Xigashada Sawirka, ADQ

Sannadkii 2017, shirkad Imaaraadka laga leeyahay ayaa afar beerood oo canab ah ka iibsatay shirkad gaar loo leeyahay oo Namibia ka howlgasha.

Beeraha ayaa ku yaal meel u dhow xadka Koonfur Afrika.

Sannadkii 2011, Shirkadda Horumarinta Namibia iyo shirkadda Al Dhahra ee fadhigeedu yahay Abu Dhabey waxay samaysteen iskaashi si loo dhiso beer canab ah oo dhan 220 hektar iyo beero Raqay.

Waaxda Dalxiiska

Marka laga soo tago iibsashada dhul-beereed, Imaaraadku waxa ay kireysanayaan dhul ballaaran oo loogu talagalay dalxiiska iyo kalluumeysiga.

Sanadkii 2024, shirkadda ADQ waxay saxiixday heshiis ay ku kacayso $35 bilyan oo lagu horumarinayo magaalo xeebeedka ku taalla Masar oo lagu magacaabo Ras Hekma.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale la sheegay in ay danaynayaan in Tanzania laga sameeyo goob lagu xanaaneeyo duurjoogta oo loogu talagalay dalxiiska.

Hadii la dhaqan geliyo qorshahan ayaa laga cabsi qabaa in uu barokiciyo in ka badan 70,000 oo ah qowmiyadda Maasai uuna khatar galiyo noocyada kala duwan ee duurjoogta.

Qowmiyadda masia

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2022, dowladda Tanzania ayaa ku dhawaaqday qorshe ay 1,500 kiiloo mitir oo isku wareeg ah oo ku yaal woqooyiga dalka ay kaga kireynayso Shirkadda Ganacsiga ee Oterlo ee uu Imaaraadku taageero.

Wargeyska Mail and Guardian ee ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in 31 ka mid ah beelaha Maasai ee gobolka ay ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidamada dowladda, kuwaasoo 2,160 ka mid ah ay u carareen dhanka Kenya.

Sidoo kale, gudaha Kenya, 2023, xubno ka tirsan bulshada Ogik ee Kenya ayaa laga saaray kaymaha Mau ka dib markii laga iibiyay dhulkii ay u ugaasi tagi jireen Imaaraadka Carabta.

Intaa waxaa dheer, Imaaraadka waxay iibsadeen malaayiin hektar oo dhul ah oo la dhan oo "baaxad ahaan la dhan Boqortooyada Ingiriiska" si wax looga qabto qiiqa kaarboonka.

Kenya, Zambia, Zimbabwe, Tanzania, Liberia, Comoros iyo Niger ayaa ka mid ah dalalka heshiisyada la galay shirkado ay leeyihiin qoyska boqortooyada Dubia.

Si kastaba ha ahaatee, ficilada Abu Dhabey ee arrintan la xiriira ma ahayn kuwo muran iyo dhaleecayn la'aan ah.