'Weligay maan filayn in mayd haad cunayo aan arki doono' - Suudaan

Xigashada Sawirka, Reuters
"Waligay ma aanan filayn inaan arki doona mayd uu gorgor cunayo ama eydu kala jiidanayaan hortayda."
Ereyadan ayuu ku bilaabay nin la hadlayay barnaamijka Sudan Peace ee BBC-da, isagoo jooga magaalada Tawila, kadib markii uu ka cararay El Fasher habeenkii Sabtida, isaga oo sheegay in waxa uu arkay ay ahaayeen muuqaallo uu sheegay "inaanay nolosha wax ba ka khusayn."
Kadib markii Ciidammada Taageerada Degdegga ah (RSF) ay galeen magaalada El Fasher, waxaa soo baxay warbixino sheegaya xadgudubyo baahsan oo lagula kacay rayidka, oo ay ku jiraan dilal toos ah, bililiqo iyo guryo la gubay, sida ay sheegeen dad barakacay iyo ilo caafimaad oo la hadlay BBC-da.
Baraha bulshada, tobanaan muuqaallo ah ayaa lagu faafiyey kuwaas oo muujinaya daqiiqado dilal goob-joog ah oo la sheegay inay fuliyeen xubno ka tirsan RSF, qaarna ay iyagu duubayeen muuqaaladaas taleefannadooda gacanta.
Muuqaalladan naxdinta leh, oo muujinaya meydad daadsan waddooyinka iyo dilal degdeg ah, ayaa keenay in u-doodayaasha xuquuqda aadanaha iyo ururrada samafalka ay ka digeen in El Fasher ay u sii siibanayso masiibo bani'aadanimo. Qaramada Midoobayna waxay warbixinada kasoo baxaya magaalada ku tilmaameen kuwo "argagax leh," iyada oo ka digtay khatar ah in uu jiro"xasuuq."
"Waxaan ku khasbanaaday inaan ka boodo derbiga gurigayga."
Mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa sheegtay inay ku khasbanaatay inay ka boodo derbiga gurigeeda markii niman hubeysan ay u soo dhowaadeen, waxayna raacisay "waan orday, meel aan u socdana ma aanan lahayn, kaliya inaan noolaanno ayaan rabnay."
Haweeney kale oo ka baxsatay El Fasher ayaa tiri:
"Subaxnimadii Sabtida weerarka wuxuu bilaabmay afartii subaxnimo. Waxaan is qarinaynay ilaa toddobadii, markii aan isku daynay inaan baxno, waxaan aragnay gawaari gaashaaman oo hortaagan guryaha, waddooyinkana waa ay xidhnaayeen. Ma aannaan ka bixi karin albaabada, markaas ayaan ku khasbanaannay inaan ka boodno derbiyada si aan u baxsanno."
"Subaxdii xigtay, Axaddii, mar kale ayay na soo weerareen. Gawaadhi gaashaaman ayaa hareeraha magaalada isku wareejiyey, waxaana ku khasbanaannay inaan cararno. Waxaan aragnay dad badan oo dhintay. Ilaahay mahaddiis, waan baxsannay, laakiin dad badan ayaa dhintay, waxayna nagu qasbayeen inaan is dhiibno."
Haweeney kale oo daallan ayaa tidhi:
"Aniga El Fasher ayaan ka barakacay. Waxaan dareemayaa xaalad niyad jab ahn. Waxaan nimid halkan annaga oo xataa cagacad."
"Dagaalku wuu kala qeybiyey qoyskayga."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhakhtar ka yimid Tawila ayaa u sheegay BBC-da in dagaalku uu kala geeyay qoyskiisa — labo ka mid ah walaalihiis ayaa lagu dilay magaalada, ka hor inta aanu dib u helin xaaskiisa iyo wiilkiisa oo ka mid ahaa kuwii ku badbaaday aagga Tawila. Wuxuuna raaciyay in "xaaladda caafimaad ee El Fasher ay tahay mid musiibo ah."
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan (Sudan Doctors Network) ayaa sheegtay inay heshay warbixino ku saabsan lix ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee lagu afduubay El Fasher, iyadoo la dalbaday lacag madax-furasho ah si loo sii daayo.
War kale oo ay soo saartay shabakaddaas ayay ku eedeysay RSF inay dileen 47 rayid ah magaalada Bara ee gobolka Waqooyi Kordofaan, oo ay ku jiraan sagaal dumar ah, maalmihii u dambeeyay.
Dhanka kale, Imran Cabdullaah, oo ah lataliye u dhow taliyaha RSF, ayaa beeniyay eedeymahan isagoo BBC-da u sheegay in ciidamadoodu "aysan wax xadgudub ah ka geysan rayidka," isla markaana sheegay in "dharka ciidamada RSF hadda laga heli karo suuqyada." Wuxuu intaas ku daray, "Qofkii dagaalka bilaabay, isagaa mas'uul ka ah."
Markii la weydiiyay muuqaallada muujinaya dilalka goobta ah, Cabdullaah wuxuu ku jawaabay in "RSF aysan beegsan rayidka, balse ay difaacdo," isagoo ku adkaystay in "muuqaalladaas la been abuuray ama ay yihiin dhinacyo kale oo doonaya inay sumcadeenna dhaawacaan."













