Suudaan: Maxaan ka naqaannaa magaalada muhiimka ah ee El Fasher ee ay RSF sheegtay inay qabsatay?

Xigashada Sawirka, AFP
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in dadka rayidka ah ee ku go'doonsan ay si nabad ah uga baxaan magaalada El Fasher ee dalka Suudaan, ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan militariga ay ku dhawaaqeen inay la wareegeen saldhigga ugu weyn ee ciidamada dalkaas. Militariga Suudaan ma aysan qiran khasaaraha goobta, taas oo guul muhiim ah u noqon doonta Ciidamada Taageerada degdega ah ee dalkaas.
War ay kooxdu soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in ay burburisay "Gaadiid dagaal oo aad u badan, isla markaana ay ka qabsadeen qalab ciidan oo yaallay xarunta taliska qaybta 6-aad ee ciidanka.
BBC Verify ayaa xaqiijisay xaqiiqada muuqaallada ku wareegaya baraha bulshada ee muujinaya dagaalyahannada RSF ee ku sugan gudaha saldhigga ciidanka.
Khasaaraha soo gaaray xarunta ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada dowladda iyadoo el-Fasher ay tahay xaruntii ugu dambeysay ee ay ciidanka Sudan ka joogeen gobolka Darfur, taasoo keentay in RSF ay si hufan gacanta ugu dhigto deegaanka.
Dagaalyahannada maxalliga ah ee taageera ciidamada, ayaa RSF ku eedeeyay in ay waddo "olole lagu wiiqayo moraalka sare ee ciidamada".
RSF waxay hareeraysay el-Fasher 18-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo fariisimo ciidan iyo dad rayid ah ay ku wadday duqeymo joogto ah. Dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof ayaa ku go'doomay dagaalka.
Bishii Agoosto, sawir laguq aaday dayax-gacmeedka ayaa muujinayay darbiyo dhoobo ah oo taxane ah oo laga dhisayo magaalada hareeraheeda, kuwaas oo looga dan lahaa in dadka gudaha aysan dibadda u bixin.
Meel istaraatiiji ah

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
El Fasher waa mid ka mid ah goobihii ugu xumaa ee dagaallada sokeeye ee Suudaan: waxa ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay xuddunta dhibaatada – dadka ku go'doonsan halkaas waxaana ka go'ay cunnadii iyo daawadii ay go'doomiyeen RSF-ta, dad badan ayaa ku dhintay, kuna barakacay dagaalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay ku taal waqooyiga gobolka Darfur, meel in ka badan 800 oo kilomitir dhanka galbeed ka xigta caasimada Khartoum, waxayna qiyaastii 195 kiiloomitir u jirtaa Nyala oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.
El Fasher waxay ku taal meel istiraatiiji ah oo ku taal Waqooyiga Darfur. Hadda waa magaalada kaliya ee weyn ee laga heli karo magaalooyinka waqooyiga Suudaan, sida Ad Dabba, dhanka Darfur, sababtoo ah waxay u dhowdahay juqraafi ahaan meelahaas.
Sidaa darteed, El Fasher waxay u taagan tahay marinka ugu muhiimsan ee kolonyada gargaarka bini'aadantinimo ee ka imaanaya Port Suudaan ee xeebta Badda Cas, kuwaas oo hadda hela mucaawino shisheeye ka hor inta aan loo qaadin qaybo kala duwan oo ka mid ah gobolka Darfur.
Sidoo kale, Chad waxay xuduud la leedahay El Fasher dhanka galbeed iyo Liibiya oo dhanka waqooyi ah, taasoo ka dhigaysa goob istaraatiiji ah oo muhiimad ciidan u leh xisbiga maamula, gaar ahaan marka la eego joogitaanka kooxaha hubeysan iyo ciidamada Suudaan ee ku sugan xudduudaha labada dal ee deriska ah, sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta iyo ururada ay khuseyso amniga gobolka, sida kooxda xasaradaha caalamiga ah.
El Fasher waxaa dega qabaa'il iyo qowmiyado kala duwan oo ka kala yimid guud ahaan Suudaan. Si kastaba ha ahaatee, dadka intiisa badani waxay ka soo jeedaan qowmiyadaha ay ka soo jeedaan kooxaha hubaysan, sida Zaghawa, Fur, iyo Masalit. Qaar badan oo ka mid ah kooxahan ayaa deggan xeryo barakac oo ku baahsan Ceel Fasher.
Qabaa'ilka asal ahaan ka soo jeeda Carabta ayaa ah kuwo aad u yar, waxaana inta badan xubnahooda ay ku badan yihiin Koonfurta Darfur, oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah.
Xerada barakacayaasha
El Fasher waxaa ku yaal xeryo barakac oo aad u badan. Qaar ka mid ah xerooyinkan ayaa la aas aasay in ka badan labaatan sano ka hor kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Daarfuur intii uu xukunka ka tuuray madaxweynihii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir. Xeryo cusub ayaa la sameeyay kadib markii uu qarxay dagaalka hadda socda, waxaana ku noolaa dadka ka soo barakacay gobollada kale ee Darfur, kuwaas oo ay la wareegeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah ka dib dagaallo culus oo ay la galeen ciidanka.
Xeryahaan waxaa ugu waaweyn Naivasha iyo Zamzam. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in in ka badan nus milyan qof ay ku noolaayeen labadan xero ka hor inta uusan qarxin dagaalka hadda socda.
Waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo in xaaladda bini'aadantinimo ay kasii darto ayna gaarto heer masiibo ah, iyadoo boqolaal kun oo qof oo shacab ah ay ku xayiran yihiin gudaha magaalada. Sidoo kale waxaa muuqata in colaaddaasi ay ka guureyso dagaal kaliya oo dhex mara ciidamada iyo Xoogagga Taageerada degdegga ah una guuraya dagaal qabiil iyo isir.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Tiro ka mid ah dadka magaalada ayaa barnaamijka nabadda Suudaan ee BBC-da uga warramay xaaladaha adag ee ay wajahayaan. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri "Annaga iyo caruurteena waxaan ku noolnahay xaalad aad u adag, lacag ayaa jirta, balse ma jirto raashiin la iibsado, qiimaha raashiinka marka la helo waa qaali, xitaa daawadii iyo agabkii loo baahnaa in lagu daweeyo dadka dhaawaca ah ma jiraan".
Muwaadin kale ayaa yiri "Xaaladdu aad ayay u adag tahay, gaar ahaan carruurta, sababtoo ah cuntadu si sahal ah uma heli karto, waxaa laga yaabaa in maalin uun aan helno cunto, maalinta xigtana aan helno.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo hadda ku nool hoy ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah ayaa yiri "Aad ayaan u dhibtooneynaa cunno la'aan, sidoo kale waxaa ku sugan carruur, haween iyo dad waayeel ah."

Xigashada Sawirka, Reuters
RSF waxa ay si joogto ah ugu sii siqaysay taliska qaybta 6-aad ee ciidamada - oo si weyn loogu tixgaliyo xarunta ciidanka ee magaalada - dhowr jiho ayay ka soo qaadayeen dagaalka muddo toddobaadyo ah.
Weli waxaa jira qaybo ka mid ah el-Fasher oo ay gacanta ku hayaan ciidamada iyo kooxaha hubaysan ee isbahaysiga ah - laakiin kuwaas lama filayo inay sii jiri doonaan hadda.
Madaxa Gargaarka ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa shalay sheegay in uu aad uga naxay warbixinada ka soo baxay el-Fasher, wuxuuna ku baaqay xabbad joojin deg deg ah oo laga sameeyo guud ahaan Darfur iyo Suudaan inteeda kale.
Gaajo iyo cudurro ayaa ku fiday deegaanka El-Fasher iyadoo dadka deegaanka ay la tacaalayaan duqeymo joogto ah iyo cunno iyo dawooyin sii yaraanaya.

Xigashada Sawirka, Reuters
Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay RSF in ay gaysteen dambiyo badan oo ka dhan ah bini'aadantinimada intii ay socdeen go'doominta. Maraykanku waxa uu sheegay in RSF ay xasuuq u gaysatay dadka aan Carabta ahayn ee Darfur.
Suudaan waxaa hareeyay colaado tan iyo 2023-kii, ka dib markii taliyayaasha ugu sarreeya RSF-ta iyo ciidamada Suudaan ay is khilaafeen, waxaana billowday loollan awoodeed oo xun.
In ka badan 150,000 oo qof ayaa ku dhintay dalka oo dhan ilaa 12 milyan ayaa ka qaxay guryahoodii, taasoo abuurtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun.
Ciidanku waxa ay maamulaan inta badan waqooyiga iyo bariga, iyadoo el-Fasher ay ilaa hadda tahay xaruntii ugu dambaysay ee magaalada Darfur oo ay weli haystaan ciidamada dawladda iyo xulafadeeda.
RSF waxay gacanta ku haysaa ku dhowaad dhammaan Darfur iyo inta badan gobolka Kordofan ee deriska la ah.
Kooxda ayaa horay u sheegtay in ay rajaynayso in ay soo dhisto dawlad kale marka ay si buuxda gacanta ugu dhigto magaalada.













