'Aniga i kufso, gabdhaheyga iska daa' - mahadhooyinka xanuunka leh ee dagaalka Suudaan

Sudan

Xigashada Sawirka, BBC/Mohanad Hashim

Qoraalka sawirka, “Waxaan marnaa dhibaatadan sababtoo ah waxaan rabnaa inaan quudinno carruurteenna. Waan baahannahay, waxaan rabnaa cunto,” ayay tiri mid ka mid ah.

Suudaan ayaa mareysa xaalad xun.

Kadib 17 bilood oo dagaal sokeeye oo ba'an uu halakeeyay dalka, ciidamada ayaa weerar xooggan ku qaaday caasimadda Khartoum, iyagoo beegsanaya meelaha gacanta ugu jira kooxda ay aadka isaga soo horjeedaan, ee RSF.

RSF ayaa la wareegtay inta badan Khartoum billowgii dagaalka, iyadoo ciidamada ay gacanta ku hayaan magaalada la mataanaha ah ee Omdurman, oo ku taalla Webiga Niil.

Balse weli waxaa jira meelo ay dadku awoodaan inay labada dhinac isaga gudbaan.

Meel ka mid ah, waxaan kula kulannay koox haween ah oo afar saacadood usoo lugeeyay suuq ku yaalla xaafad ay gacanta ku hayaan ciidamada oo u dhow Omdurman, halkaasoo cuntada ay xoogaa raqiis ka tahay.

Haweenka ayaa ka yimid Dar es Salaam, oo ah xaafad ay gacanta ku hayaan RSF.

Raggooda kama bixi karaan guryaha, sida ay inoo sheegeen, sababtoo ah dagaal-yahannada RSF ayaa garaacaya, ka qaadanaya lacagta ay shaqeysteen, amaba xiraya oo dalbanaya lacag lagu sii daayo.

“Waxaan marnaa dhibaatadan sababtoo ah waxaan rabnaa inaan quudinno carruurteenna. Waan baahannahay, waxaan rabnaa cunto,” ayay tiri mid ka mid ah.

Digniin: Qaar ka mid ah faahfaahinta ku jirta sheekadan waa kuwo murugo leh.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haweenkana, waxaanu weydiinnay, inay iyagu ammaan dareemaan marka ragga loo eego? Ka warran kufsiga?

Codkoodii ayaa daciifay.

Mid ka mid ah ayaa tiri.

"Aaway dunida? Maxaadan inoo caawineyn?" ayay tiri, erayadeeda ayaa ahaa kuwo nuxuus ah kadibna ilmaa soo dhaaftay dhabannadeeda.

“Waxaa jira haween badan halkan oo tacaddi lagula kacay, balse kama hadlaan. Maxay isbeddel ah oo sameyn lahaydba?”

“Gabdhaha qaar, RSF ayaa ka dhigay inay derbiyada seexdaan,” way sii hadashay. “Haddii ay xilli dambe ka yimaadaan suuqan, RSF ayaa haya shan ilaa lix maalmood.”

Iyadoo hadleysay hooyadeed gacmaha ayay madaxa saaratay, iyadoo barooraneysa. Haweenka kale ayaa sidoo kale bilaabay inay ooyaan.

“Adiga, haddii ubadkaagu bannaanka aado, maka tegi lahayd?” ayay tiri. “Miyaadan baxdeen oo raadiseen? Balse inoo sheeg, maxaan sameyn karnaa? Waxba gacmahaaga kuma jiraan, cidna nama daneyso. Aaway dunidii? Maxaadan inoo caawineyn!”

Dadka halkaas ku safray ayaa sheegay inay arkeen kala dambeyn la'aan, xatooyo iyo tacaddiyo ka dhashay dagaalka oo QM ay sheegtay in in ka badan 10.5 milyan oo qof uu ku qasbay inay guryahooda ka qaxaan.

Balse waa tacaddiyada galmada waxa tusaalaha u noqday dagaalka, kaasoo ku billowday hardan awood oo u dhaxeysa ciidamada iyo RSF balse soo jiitay kooxaha hubeysan ee gudaha iyo kuwa dalalka deriska.

Sarkaalka Sare ee Xuquuqda Bani'aadannimada ee QM, Volker Turk, ayaa sheegay in kufsiga loo adeegsado sida “hubka dagaalka”.

Howlgal xaqiiqo-raadin ah oo QM ah ayaa dhowaan wuxuu diwaan-geliyay dhowr kiis oo kufsi iyo hanjabaado kufsi ah oo ay geysteen xubno ciidamada ka tirsan, balse inta badan waxaa kufsiga geysta ciidamada RSF iyo maleeshiyaadka ay xulafada yihiin, waxayna u dhigmaan carqaladeyn sharciga caalamiga ah.

Mid ka mid ah haweenka oo BBC la hadashay ayaa RSF ku eedeysay inay kufsadeen.

Waxaanu kula kulannay suuqa lagu magacaabo Souk al-Har - Suuqa Kuleylka.

Tan iyo intii uu dagaalku billowday suuqa wuxuu ku ballaartay dhul waddo saxare ah oo ka timaadda Omdurman, isagoo dadka saboolka ah kuwa ugu sii saboolsan ku soo jiitay qiimihiisa hooseeya.

Sudan

Xigashada Sawirka, BBC/Ed Habershon

Qoraalka sawirka, Dagaalka Suudaan ayaa sababay musiibo weyn oo bani'aadannimo

Maryan, ma aha magaceeda saxda ah, waxay ka qaxday gurigeeda ku yaalla Dar es Salaam iyadoo la degtay walaalkeed.

Hadda waxay ka shaqeysaa meel shaaha lagu iibiyo. Balse horraantii dagaalka, waxay sheegtay, in labo rag oo hubeysan ay gurigeeda soo galeen ayna isku dayeen inay kufsadaan gabdhaheeda – mid 17 jir ah iyo tan kale oo 10 jir ah.

“Waxaan gabdhaha u sheegay inay gadaasheyda maraan waxaana ku iri RSF: 'Haddii aad dooneysaan inaad qof kufsataan waa inay aniga noqotaa,'” ayay tiri.

“Way i garaaceen waxayna igu amreen inaan dharka iska bixiyo. Kahor inta aan dharka iska bixin, waxaan gabdhahayga u sheegay inay meesha isaga tagaan. Carruurtii kale ayay qaateen derbiga ayayna ka boodeen. Kadib mid ka mid ah ayaa i kufsaday.”

RSF ayaa baarayaasha caalamka u sheegay inay qaadeen dhammaanba tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago tacaddi galmo iyo noocyo kale oo tacaddi ah kuwaasoo meel uga dhacaya xuquuqda aadanaha.

Balse kiisaska kufsiga ayaa ah kuwo badan waana joogto, waxyeelladuna waxay leedahay saameyn waarta.

Sudan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Duqeymaha cirka iyo dagaalka waddooyinka ayaa burbur xooggan ka geystay Suudaan

Iyadoo ku fadhisa gambar geed hoostiisa yaallay, ayaa Faadumo, ma aha magaceeda saxda ah, waxay inoo sheegtay inay u timid Omdurman si ay ugu dhashay mataano, ayna u qorsheysay inay iska joogto.

Mid ka mid ah deriskeeda, ayay sheegtay, gabar 15 jir ah, inay sidoo kale uur qaadday, kadib markii iyada iyo walaasheed oo 17 jir ah ay kufsadeen afar ciidamada RSF ka tirsan.

Dadka ayaa maqlay qeylada wayna soo baxeen, ayay tiri, balse ragga hubeysan ayaa u sheegay in la toogan doono haddii aysan guryahooda dib ugu laaban.

Subixii xigay, waxay gabdhaha jirkooda ku arkeen calaamadaha tacaddi loo geystay, walaalkood ka weyn ayaana kusoo xiray mid ka mid ah qolalka.

“Intii uu dagaalku socday, tan iyo markii RSF ay yimaadeen, durba waxaan maqalnay kufsi, ilaa aan indhaheenna ku aragno oo deriskeenna ay ku dhacaan,” ayay tiri Faadumo. “Markii hore waxaan ka qabnay shaki [wararka] balse waan ognahay inay yihiin RSF kuwa gabdhaha kufsaday.”

Haweenka kale ayaa isku yimid si ay u bilaabaan safarka ay guryahooda oo ku yaalla meelo ay RSF gacanta ku hayaan dib ugu laaban lahaayeen - aad ayay sabool u yihiin, sida ay sheegeen, inay bilaabaan nolol cusub sida Faadumo iyo Maryan ay u sameeyeen inay isaga soo tagaan Dar es Salaam.

Intiiba uu dagaalkan socdo, ma laha wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inay dib ugu laabtaan mashaqadaas.