Maxay tahay abaalmarinta ay Mandheera uga guuleysatay magaalooyinka ku yaala London iyo Australia?

Mandheera

Xigashada Sawirka, Abaalmarinta Maamulka Mandheera

Qoraalka sawirka, Maamulka Mandheera oo sheegay in ay ku guuleysteen beerista geedo badan

Dawladda hoose ee magaalada Mandheera ayaa ku guulaysatay abaal marin ay bixiyaan urur calami ah oo ka shaqeeya arimaha deegaanka iyo wax soo saarka dhirta, kaas oo lagu magacaabo Royal Jaabeurs Utrecht oo ka dhisan dalka Holland.

Mandheera oo ku taala waqooyi bari dalka Kenya ayaa muteysatay abaal marintaan kadib muddo badan oo ay dhir ku abuurayeen qeybo badan oo ka tirsan magaalada.

Maamulka magaalada ayaa sheegay in ay sanadihii danbe ay kor u qaadeen dhir badan ku beereen deegaano badan oo hoos yimaada caasimadda si cagaareynta deegaanka si aysan saameyn ugu yeelan isbadalka cimilada.

Barasaabka Ismaamulka Mandheera, Maxamed Aadan Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin abaalmarinta ay heleen, ayna sii wadayaan dadaallada ay deegaanka ugu beerayaan dhir badan taas oo ka qeyb qaadaneysa bilic soo celinta iyo in Mandheera ay deegaannada kale dheeraato dhirta.

Tartankaan oo wajiyo kala duwan lahaa ayay qeybta deegaan cagaaran ku tartameen magaalooyinka Liverpool, Melbourne, iyo Mandheera oo ah magaalada ku guuleysatay abaalmarinta.

“Waxaan ka qeyb galnay tartan todobo qeyb u kala baxaayo oo deegaanka ah, qeybta aan ku guuleysanay waxaa nagula tartamayay magaalooyinka Liverpool oo Ingiriiska ah, iyo Melbourne oo Australia ah,” ayuu yiri Barasaab Maxamed Aadan.

Dhireynta Mandheera kaliya ma aysan ka qeyb qaadan bilicda magaalada iyo in lagu helo abaalmarin balse waxa ay shaqo abuur u noqotay tobanaan qof oo isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar ah iyo dad waaweyn oo haween u badan.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar kamid ah dadkii ka shaqeynayay arrimaha deegaanka gaar ahaan dhireynta ay gudbiyeen cabasho ku saabsan in mushaaradkoodii aysan helin bilooyin.

Mandheera

Xigashada Sawirka, Abaalmarinta maamulka Mandheera

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah dadka ka shaqeeyay abuurista dhirta ee Mandheera
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddoomiye Maxamed Aadan oo aan wax ka weydiinay cabashada ay muujiyeen dadkii ka shaqeynayay arrimaha deegaanka ayaa ku jawaabay, “Cabashada qaar mar hore ayay ahayd, balse tii u danbeysay waan xalinay, dadkii mushaaraadkooda waan siinay, laakiin waxaa jira dad wali aanan la siinin bishii Ogoosto iyo bisha hadda socota, waana siineynaa marka ay bishaan dhamaato.”

Barasaabka ayaa sidoo kale sheegay in haweenka ka shaqeeya magaalada Mandheera ee dhirta beera ay gaarayaan ilaa 1300 oo dumar ah, ayna jiraan shaqaale kale oo ka shaqeeya deegaannada hoos yimaada Mandheera.

Dhanka kale gudoomiye Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in mushaaraadka ay u kordhinayaan shaqaalaha deegaanka ee dhirta beera.

Maamulka magaalada Mandheera ayaa sheegay in ay abaalmarin doonaan dadkii ka shaqeeyay dhireynta magaalada oo ay ku heleen abaalmarinta caalamiga ah.

Tartankaan oo lahaa qeybo kala duwan ayaa waxaa kaalinta ugu sarreysa ka galay magaalada Chengdu, ee Shiinaha, oo kamid ahayd tartamayaashii deegaan cagaaran, waxaana la gudoonsiiyay abaal marinta lagu bixiyo xarunta Future Green City World Congress.

Mandheera

Xigashada Sawirka, Abaalmarinta maamulka Mandheera

Qoraalka sawirka, Abaalmarinta caasimadda cagaaran ee adduunka

Barnaamijkaan oo ciwaan looga dhigay Faras-magaalooyinka Caasimadaha cagaaran ayaa waxaa loogu talagalay in dhir lagu beero dhul gaaraya 1,275 kiiloomitir oo laba jibaaran magaaladiiba.

Dalalka ayaa lagu dhiiragaliyay in ay sii wadaan dhireynta iyo kor uqaadista bilicda deegaanka iyo sidii looga fogaan lahaa waxyeelada isbadalka cimilada.

Qaar ka mid ah magaalooyinka ku guuleystay abaalmarinta iyo kuwii ka qeyb galay tartankaan waxa ay kala yihiin magaalada Chengdu, oo Shiinaha ah, magaalada São Paulo, oo Brazil ah, magaalada Roma Verde oo mataleysay caasimadda Mexico, magaalada Melbourne, oo Australia ah, magaalada Baia Mare, Romania, magaalada Joondalup, oo Australia ah iyo Mandheera, oo Kenya ah.

Tartankaan oo ay marti galineysay AIPH ayaa natiijadiisa lagu dhawaaqay xalay fiidkii, waxaana madasha ku sugnaa wafuud gaareysa ilaa 400-qof kuwaas oo dalal kala duwan ka socday.

Sanadkaan ayaana abaalmarinta tartanka waxaa lagu qabtay dalka Netherlands.