Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha hay'adda socdaalka ee Mareykanka ayaa baaray guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota subaxnimadii Isniinta taa qayb ka ah "baaritaan dambiyeed".
Wakiillada Baarista Amniga Gudaha (HSI) "waxay fuliyeen amar baaritaan oo sharcigu u fasaxay" guriga ku yaal aagga Washington, DC, ayuu afhayeenka waaxda cadaaladdu u sheegay CBS News, oo ah warbaahin bah-wadaag la ah BBC-da Mareykanka.
Baaritaanku "waa qayb ka mid ah baaritaan dambiyeed oo heer federaal ah oo socda," ayuu yiri afhayeenku laakiin faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya waxayna timid Mareykanka iyadoo siddeed jir ah oo ka cararaysa dagaal sokeeye. Markii ugu horreysay waxaa loo doortay Kongareeska 2018, waxay u tartamaysaa dib-u-doorasho bisha soo socota, waxay si cad u dhaliishaa Madaxweyne Donald Trump.
Koongareeska Mareykanka hadda kama jiro kalfadhi mana cadda in Ilhaan Cumar ay guriga joogtay iyo in kale. BBC-du waxay la xiriirtay Ilhaan si ay faallo uga bixiso arrintaan.
In kasta oo ujeedka saxda ah ee baaritaanka dambiyada aan weli caddayn, haddana maaha markii ugu horreysay ee diiwaankeeda socdaalka ay baaraan Jamhuuriyiinta. Horraantii sanadkan, Nancy Mace oo ka soo gasha South Carolina ayaa si aan guul lahayn u gudbisay warqad maxkamadeed oo ku saabsan diiwaankeeda.
Ilhaan, oo ka tirsan Dimuqraadiga, ayaa bartilmaameed u ahayd aflagaadada Trump, madaxweynuhuna wuxuu hore u soo jeediyay inay "ku laabato" Soomaaliya mararka qaarna wuxuu dhihi jiray waa in la masaafuriyo. Jinsiyadda Mareykanka ayaa looga baahan yahay inuu qofka kasta oo doonaya inuu noqdo Wakiil ka mid ah Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Ilahan waxay ka jawaabtay aflagaadada iyo weerarrada Trump oo ay ku tilmaamtay "walaac aan caafimaad qabin oo cabsi leh."
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale si xun uga hadlay bulshada Soomaali-Maraykanka ah. Toddobaadkii hore, wuxuu baraha bulshada ku qoray in Minnesota ay "la wareegayaan muhaajiriin Soomaali ah," wuxuuna sheegay in "dadka Minnesota ay tahay inay iska caabiyaan arrintaas."
Ilhaan Cumar, waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah ee loo doorto Aqalka Wakiillada ee Maraykanka, waxayna matashaa degmo ka tirsan aagga Minneapolis. Iyada iyo Rashida Tlaib, oo ah xildhibaanad matasha gobolka Michigan, ayaa ahaa haweenkii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee loo doorto Koongareeska.


























