Laanqayrta Cas ayaa ka digtay cawaaqib “masiibo ah” oo ay dagaallada sii socda ee Bariga Dhexe ku yeelanayaan dadka rayidka ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Ururka Laanqayrta Cas ayaa Talaadadii ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadaha Bariga Dhexe, isaga oo ka digay in dagaallada sii socda ay “masiibo” ku noqon doonaan tobannaan milyan oo qof oo rayid ah.
Dagaalka Yemen ayaa mar kale dib u qarxay bishii Luulyo, bilo kaddib markii uu bilowday iska horimaad ballaaran oo gobolka ka socda, kaas oo gilgilay suuqyada tamarta, isla markaana Bariga Dhexe geliyay xaalad qalalaase ah.
“Dadka rayidka ah ayaa bixinaya qiime aan la aqbali karin, taas oo ka dhalatay hawlgallada milatari ee Bariga Dhexe,” ayay tiri Mirjana Spoliaric, madaxweynaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.
“Dhimashada, dhaawacyada iyo burburka dhowaan ka dhacay Sacuudi Carabiya ayaa tusaale kale u ah khasaaraha ba’an ee dagaalladu u geysanayaan dadka rayidka ah,” ayay ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Madaxweynaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa intaas ku dartay: “Yemen gudaheeda, tirada dhimashada, barakaca iyo burburka kaabayaashii rayidka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Cadan iyo Sanca, ayaa si walaac leh u sii kordhaya. Guud ahaan Bariga Dhexe, kaabayaasha rayidka ayaa marar badan la bartilmaameedsaday, waxaana ku naf waayay dad badan.”
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa toddobaadkii hore shaacisay in in ka badan 200,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen tan iyo markii uu dagaalku billowday.












