Sirta ka dambeysa in gabowgu uusan dadka ku soo deg-degin

Cimri
Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Markii ay saynisyahannadu daraaseeyeen dadka ka gudbay 100-ka sano, waxay daaha ka rogeen sirta ku qarsoon caafimaadka mindhicirkooda.

Maria Branyas oo u dhalatay Spain, markay geeriyootay 2024-kii waxay ahayd qofka ugu da'da weyn caalamka. Waxay jirtay 117.

Khubarada qaar ayaa aaminsan in sirta cimrigeeda dheer ay ku jirtay bakteeriyadii ku noolayd mindhicirkeeda, ee loo yaqaan microbiome-ka. Nasiib wanaag, kahor geerideeda waxay saynisyahannada caafimaadka siisay muunado saxaro ah si ay si qoto dheer u daraaseeyaan arrintan.

Koox caalami ah oo cilmi-baarayaal ah oo muunadahaas baaray ayaa la yaabay waxa ay ogaadeen. Inkastoo ay lahayd hidde-sideyaal caafimaadkeeda u roon, waxay arkeen in mindhicirkeedu uu hodan ku ahaa nooleyaal yaryar oo lala xiriiriyo dhalinyaranimada. Macnaha ayaa ah in microbiome-keedu uu la mid ahaa kan dadka da'da yar, taasoo la aaminsan yahay inay door weyn ka qaadatay caafimaadkeeda wanaagsan iyo cimrigeeda dheer.

Waxaa si gaar ah ugu badnaa bakteeriyada loo yaqaan Bifidobacterium, oo inta badan si weyn loogu daro daawooyinka probiotics-ka ah, sababtoo ah waxay awood u leedahay inay yareyso bararka jirka. Waxay kaloo xoojisaa habka difaaca jirka. Waxaa intaa dheer, bakteeriyadani waxay ka caawisaa dheef-shiidka cuntada waxayna gacan ka geysataa soo saarista nafaqooyinka muhiimka ah ee jirka sida fiitamiinnada.

Inkastoo Branyas ay noqon karto tusaale gaar ah oo cimri-dheeri ah, tirada dadka gaaraya 100 sano ama ka badan ayaa si xawli ah ugu sii kordheysa adduunka.

Marka uu dadka cimrigooda sii dheeraado, waxaa sidoo kale kordheysa tirada dadka la nool cudurro daba-dheeraaday. Sidaas darteed, hadafka ugu weyn ee cilmi baarayaasha cimri dheerida ayaa ah inay ogaadaan sida loo kordhiyo sannadaha nolosha ee qofku ku noolaado isagoo caafimaad qaba oo aan cudur qabin.

Caafimaadka mindhicirku wuxuu u muuqdaa goob rajo weyn laga qabo si loo gaaro yoolkaas. Inkastoo aynaan inta badan beddeli karin hidde-sideyaasheena, haddana microbiome-keena gaarka ah oo ah bulshada bakteeriyada iyo nooleyaasha kale ee yaryar ee ku nool mindhicirka, waxaa saameyn ku yeelan kara cuntada aan cunno iyo qaab-nololeedkeena.

Marka ay saynisyahannadu si qoto dheer u fahmaan waxa ka dhigaya microbiome-ka dadka ugu cimriga dheer adduunka inuu yahay mid da'yar, ayaa fursadeena u sii kordheysa inaan dad badan ka caawino inay wadadaas raacaan.

Aqoontani waxay gacan ka geysan kartaa abuurista habab cusub oo lagu horumariyo caafimaadka mindhicirka, lagu xoojiyo difaaca jirka, lagu yareeyo halista cudurrada la xiriira gabowga, ugu dambeyntiina lagu kordhiyo cimriga caafimaadka iyo farxadda leh.

Isku dhafka bakteeriyada mindhicirka wuxuu yeelan karaa faa'iidooyin badan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanado badan waxaa loo isticmaali jiray tirada badan ee noocyada bakteeriyada mindhicirka ku jirta in lagu cabbiro caafimaadka guud, inkastoo aysan ahayn cabbir dhammaystiran. Hase yeeshee, daraasadihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in waxa ka sooca mindhicirka dadka gaara 100 sano ama ka badan aysan ahayn inay leeyihiin noocyo bakteeriya ah oo aad u badan, balse ay leeyihiin isku-dhafka bakteeriyada oo si wanaagsan isu dheellitiran.

Daraasad la sameeyay 2023-kii oo ay ka qaybgaleen in ka badan 1,500 oo qof, oo ay ku jiraan 297 qof oo ka weyn 100 sano, ayuu Dr. Shuai Wang oo ka tirsan Akademiyada Sayniska ee Guangxi ee Shiinaha ku sheegay in natiijadu muujisay in dadka ka gudbay 100-ka sano ay leeyihiin nooc bakteeriya mindhicir ah oo lala xiriiriyo cimri-dheerida.

Hase yeeshee, waxa ugu muhiimsan ma aha tirada badan ee noocyada bakteeriyada, balse waa dheellitirnaanta wanaagsan ee bakteeriyadaas gudaha mindhicirka. Si kale haddii loo dhigo, caafimaadka wanaagsan ee mindhicirku wuxuu ku xiran yahay in bakteeriyada wanaagsani ay ku jirto miisaan sax ah.

Wang wuxuu sharxayaa in xaaladaha cudurada qaarkood, dadka buka ay yeelan karaan noocyo bakteeriya mindhicir ah oo ka badan kuwa dadka caafimaadka qaba. Tani waxay dhacdaa marka derbiga mindhicirku daciifo oo u ogolaado bakteeriyo aan caadiyan halkaas ku noolayn inay soo gasho oo ay tarmato.

Dadka da'da ah, daciifnimada derbiga mindhicirku waxay sababi kartaa kororka bakteeriyada naadirka ah. Inkastoo xaaladdani ay kordhiso tirada noocyada bakteeriyada la helo, micnaheedu ma aha in qofku si toos ah u leeyahay caafimaad wanaagsan oo jir iyo maskaxeedba.

Marka la soo koobo, sirta caafimaadka wanaagsan ee mindhicirka dadka ka gudbay 100-ka sano ma aha tirada badan ee noocyada bakteeriyada, balse waa dheellitirnaanta deggan ee bakteeriyada faa'iidada leh.

Cunto

Sirta lagu xoojinayo derbiga mindhicirka ee daciifay waa in la cuno fiber badan. Cuntooyinka sida khudaarta, miraha, digirta iyo badarka aan la shiidin waxay ka caawiyaan mindhicirka inuu ahaado mid adag. Sidoo kale, ka fogaanshaha khamriga wuxuu gacan ka geystaa ilaalinta caafimaadka mindhicirka.

Dr. Mary Ni Lochlainn oo ah khabiir ku takhasustay caafimaadka waayeelka kana tirsan King's College London, waxay aaminsan tahay in tirada badan ee noocyada bakteeriyada mindhicirku aysan kaligeed muujin caafimaadka wanaagsan ee mindhicirka.

Daraasad ay ku sameysay mataano waayeel ah, waxay siisay nooc fiber gaar ah oo koriya bakteeriyada wanaagsan ee mindhicirka. Muddo kadib, tirada noocyada bakteeriyada mindhicirkooda ayaa waxoogaa yaraatay, sababtoo ah fiber-kaasi wuxuu kiciyay koritaanka bakteeriyada faa'iidada leh qaarkood in ka badan kuwa kale.

Hase yeeshee, inkastoo tirada noocyadu yaraatay, dhammaan ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen horumar xagga awoodda fekerka iyo xusuusta. Tani waxay caddeyneysaa in tirada badan ee noocyada bakteeriyadu aysan ahayn cabbirka kaliya ee lagu qiyaaso caafimaadka wanaagsan ee mindhicirka.

Dhanka kale, daraasad la sameeyay 2016-kii ayaa muujisay in waayeelka jir ahaan daciifka ahi ay lahaayeen kala duwanaansho yar oo bakteeriyada mindhicirka ah marka loo eego kuwa caafimaadka qaba.

Marka la soo koobo, si loo yeesho caafimaad wanaagsan qasab ma aha in caloosha lagu yeesho bakteeriya aad u badan oo noocyo kala duwan ah. Waxa ugu muhiimsan waa in la yeesho bakteeriya faa'iido leh oo dheellitiran iyo in la cuno cunto ay ku badan tahay fiber si loo daryeelo mindhicirka.

Bakteeriyada ka caawisa dadka inay ku gaboobaan caafimaad wanaagsan

Bifidobacterium oo tiro badan looga helay mindhicirka Maria Branyas, waxay soo saartaa dufanka asiidhka ah ee silsiladda gaaban - short-chain fatty acids - kuwaas oo la aaminsan yahay inay ka caawiyaan ka hortagga daciifnimada jirka ee timaadda xilliga gabowga.

Hase yeeshee, ma aha bakteeriyadan oo keliya soo saarta asiidhyadan muhiimka ah. Bakteeriyo kale ayaa iyaguna sameeya, waxaana ka mid ah Faecalibacterium prausnitzii oo si kooban loogu yaqaan "F. Prau".

Daraasad uu sameeyay King's College London ayaa lagu ogaaday in dadka uu ku badnaa bakteeriyada mindhicirka ee loo yaqaan F. Prausnitzii ay yeesheen halis yar oo ay ku noqdaan kuwo jir ahaan daciifa gabowga awgeed. Si kale haddii loo dhigo, bakteeriyadani waxay u muuqataa in si badan looga helo dadka caafimaadka qaba, maqnaanshaheeda ayaana noqon karta calaamad muujineysa caafimaad xumo.

Bakteeriyadani waxay ka caawisaa burburinta fiber-ka ku jira cuntada waxayna u beddeshaa maaddooyin muhiim ah oo loo yaqaan dufanka asiidhka ah ee silsiladda gaaban, sida butyrate. Maaddooyinkani waxay leeyihiin faa'iidooyin badan, oo ay ka mid yihiin:

- Xoojinta caafimaadka guud ee jirka.

- Taageeridda habka difaaca jirka.

- Hagaajinta sida jirku u isticmaalo una kaydiyo tamarta.

- Caawinta caafimaadka iyo xoogga murqaha.

Inkastoo bakteeriyada F. Prau aan si toos ah looga helin cunto gaar ah, haddana cunista miro iyo khudaar ku filan waxay siisaa fiber-ka ay u baahan tahay si ay ugu korto una badato gudaha mindhicirka.

Daraasadda Dr. Wang waxay sidoo kale lagu ogaaday in dadka ka gudbay 100-ka sano ay lahaayeen bakteeriyo kale oo faa'iido leh sida Blautia, Lachnoclostridium iyo Phascolarctobacterium. Bakteeriyadani waxay ka qayb qaadataa soo saarista dufanka asiidhka ah ee silsiladda gaaban waxayna lala xiriiriyaa:

- Yareynta bararka jirka.

- Ka hortagga buurnida xad-dhaafka ah.

- Hagaajinta dheef-shiid kiimikaadka iyo yareynta halista cudurrada sida sonkorowga.

Hase yeeshee, saynisyahannadu weli si hubaal ah uma oga in yaraanta bakteeriyada F. Prau ay tahay sababta keenta daciifnimada jirka, mise daciifnimada lafteeda ayaa sababta in bakteeriyadani yaraato. Tani waxay ku adag tahay in la kala saaro, maadaama nidaamka bakteeriyada mindhicirku uu yahay mid aad u murugsan oo ay saameeyaan arrimo badan.

Branyas

In ay kugu badato bakteeriyadan waxay leedahay saameyn xun

Bakteeriyada Streptococcus iyo Helicobacter pylori waxaa caadi ahaan laga helaa mindhicirka aadanaha. Markay ku jiraan heer yar, inta badan dhibaato ma keenaan. Hase yeeshee, marka caafimaadka mindhicirku xumaado, waxaa dhici karta xaalad ah dheellitirnaan la'aanta bakteeriyada mindhicirka, oo loo yaqaan dysbiosis. Deegaan noocaas ah, bakteeriyadan waxay si degdeg ah u badin kartaa waxayna gaari kartaa heer wax u dhimaya caafimaadka, xaaladaha ugu daran xitaa waxay halis gelin kartaa nolosha.

Tani waa sabab kale oo muujineysa sida ay muhiim u tahay dheellitirnaanta bakteeriyada mindhicirka. Marka bakteeriyada dhibaatada keeni karta ay ku badato, waxay yareysaa booska iyo nafaqada ay u baahan tahay bakteeriyada faa'iidada leh si ay u korto.

Sida uu qabo Wang, qaar ka mid ah bakteeriyada waxyeellada keeni karta ama bararka jirka kicisa ayaa tiro badan looga helaa dadka da'da ah. Waxaa ka mid ah Klebsiella, Streptococcus, Enterobacter iyo Rhodococcus.

Hase yeeshee, wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in bakteeriyada cudur-sidaha ee ka tirsan kooxda Proteobacteria oo inta badan lala xiriiriyo bararka daba-dheeraaday iyo dheellitirnaan la'aanta bakteeriyada mindhicirka ee loo yaqaan dysbiosis ay ku yar tahay dadka gaara 100 sano ama ka badan.

Waxaa laga yaabaa inaad u maleyso in bakteeriyada halista ah ay ku badnaan lahayd mindhicirka dadka ka gudbay 100-ka sano. Laakiin khubaradu waxay aaminsan yihiin in cuntadooda ay ku badan yihiin miraha, khudaarta iyo cuntooyinka khamiirka leh sida caano-fadhigu ay ka caawiso xakameynta bakteeriyadan si aysan u badin.

Sida mindhicirku u caawin karo in maskaxda dadka cimriga dheer ay ahaato mid da'yar

Marka aan gabowno, halista cudurrada maskaxda ee daciifiya unugyada neerfaha sida Alzheimers iyo Parkinson ayaa sii kordheysa. Cudurradani waxay si wadajir ah u saameeyaan in ka badan 65 milyan oo qof oo adduunka ku nool. Daraasado cusub ayaa muujinaya in mindhicirku door muhiim ah ka ciyaari karo yareynta halistaas.

Calooshu waxay leedahay nidaamkeeda neerfaha ee madax-bannaan, kaas oo ku xiran maskaxda iyada oo loo marayo neerfaha vagus-ka. Nidaamkan loo yaqaan dhidibka mindhicirka iyo maskaxda - gut-brain axis - ayuu caafimaadka mindhicirku ku saameeyaa shaqada maskaxda iyo xaaladda shucuurta. Xiriirku wuxuu u shaqeeyaa labada dhinacba; tusaale ahaan, walbahaarka maskaxdu wuxuu keeni karaa xanuun ama raaxo-darro caloosha.

SAWIR _ Caafimaadka mindhicirku wuxuu saameeyaa shaqada maskaxda iyo xaaladda dareenka. Sidoo kale, marka loo maro dhidibkaas dhinaca ka soo horjeeda, walbahaarka maskaxdu wuxuu keeni karaa calool-xanuun.

Dadka la nool cudurka Parkinson - PD - waxaa inta badan ka maqan bakteeriyada faa'iidada leh qaarkood mindhicirkooda. Intaa waxaa dheer, kooxo borotiinno aan caadi ahayn oo loo yaqaan Lewy bodies, oo ka soo baxa maskaxda bukaannada Parkinson, ayaa sidoo kale laga helay mindhicirkooda.

Marka la soo koobo, dhammaan tani waxay muujineysaa in ilaalinta caafimaadka wanaagsan ee mindhicirku ay muhiim u tahay cimri dheer oo caafimaad leh, jir ahaan iyo maskax ahaanba.