Maxay tahay sababta uu Xiriirka Kubadda Cagta ee Boortaqiiska talaabo anshax marin ah uga qaaday Ronaldo

Ronaldo
    • Author, Paul Battison
    • Role, Weriye BBC Sport
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Cristiano Ronaldo ayaa si ku-meel-gaar ah waxaa u ganaaxay xiriirka kubadda cagta ee Portugal (FPF) ka dib markii uu ka baxay halka ay ku xaraysnaayeen xulka qarankiisa bishii hore.

Kabtankan oo 41-jir ah ayaa ka baxay kooxda Portugal ee ka qaybgalaysa tartanka Nations League bishii Sebtembar, ka dib markii aan la soo gelin ciyaartii ay la yeesheen Norway, isla markaana uu ogaaday inaan lagu soo bilaabi doonin ciyaarta Denmark.

War-saxaafadeed dheer oo uu soo saaray, weeraryahanka kooxda Al-Nassr ayuu markii dambe ku sharraxay inuu baxay sababtoo ah tababaraha Portugal, Jorge Jesus, ayaa laba jeer "jabiyay ballan-qaadkiisii", isagoo ku eedeeyay "ku-xad-gudub cad oo ku saabsan kalsoonida".

War-saxaafadeed ay soo saartay FPF ayaa lagu sheegay in "ganaax ku-meel-gaar ah" la dul dhigay cayaartoyga 9-kii Oktoobar, isla markaana kiiskan loo aqoonsaday mid "degdeg ah".

Xeerarka FPF ayaa dhigaya in ciyaaryahan kasta oo ku guuldareysta inuu yimaado ama ka baxa waajibaadka xulka qaranka uu wajihi karo ganaax u dhexeeya hal ilaa lix bilood, iyo sidoo kale ganaax lacageed.

Pedro Proenc, oo ah madaxweynaha FPF, ayaa u sheegay wargeyska Portugal ka soo baxa ee Record: "Waa waqti loo baahan yahay deganaan iyo xasilooni. Dhammaanteen miiska ayaan wada fadhinaa.

"Waxaa jira rabitaan xooggan oo ah inaan dib u helno kabtankeenna. Waxaa jiri doona habraac anshax-marin oo caadi ah."

Ronaldo ayaa qirtay mas'uuliyadda wuxuuna raaligelin ka siiyey tallaabada uu qaaday asxaabtiisa, kooxda iyo taageerayaasha, isagoo intaas ku daray inuu mudan yahay in la ciqaabo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciyaaryahanka shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuusan ka fariisan doonin kubadda cagta heerka caalami maadaama uu weli ku dadaalayo inuu gaaro 1000 gool oo xirfaddiisa ah.

Ronaldo ayaa dhaliyay 146 gool 234 kulan oo uu u saftay Portugal, labaduba waa rikoorro caalami ah, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan Euro 2016 iyo Nations League laba jeer.

Wuxuu ka fikirayay inuu ka fariisto kubadda cagta heerka caalami ka dib Koobka Adduunka ee xagaagii, balse wuxuu go'aansaday inuu sii wado.

Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay garoomada toddobaadkii hore, isagoo dhaliyay goolkiisii 980-aad ee xirfaddiisa ciyaar ay Al-Nassr 3-0 kaga badisay kooxda Diriyah Club.

Arrinta ku saabsan Ronaldo ayaa soo jiitamaysay muddo, iyadoo taageerayaal badan ay dhaliilayeen ku adkaysiga tababarihii hore ee Portugal, Roberto Martinez, ee ahaa in Ronaldo lagu bilaabo safka hore Koobka Adduunka ee xagaagan.

Xaaladdu waxay gaartay meeshii ugu sarreysay 4tii Oktoobar markii Ronaldo oo kaydka ku jiray aan la soo gelin ciyaartii ay Portugal kaga adkaatay Norway tartanka Nations League. Ciyaaryahanka ayaa markaas ka baxay xerada tababarka ka dib markii uu ogaaday inaan lagu bilaabi doonin ciyaarta Denmark ee bisha Nofembar.

Kadib, Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka ku daabacay qoraal ka kooban ku dhawaad 2,000 oo eray, kaas oo uu si adag ugu dhaliilay Jesus.

Wuxuu raaligelin siiyey taageerayaasha iyo ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, isagoo beeniyay wararka sheegaya inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee uu u safto Portugal.

Jesus

Tababare Jesus ayaa hore u sheegay in albaabku u furan yahay Ronaldo inuu soo laabto haddii uu doorto, balse kama uusan hadlin qoraalkiisa ugu dambeeyay.

Wariyaha ciyaaraha ee dalka Portugal, Jose Manuel Delgado, ayaa u sheegay BBC Radio 5 Live: "Uma maleynayo inay jirto waddo dib loogu noqon karo xaaladdii hore. Qoraalka uu soo saaray, Ronaldo wuxuu ku sheegay inuu ku soo laaban doono xulka qaranka, balse isla markaasna wuxuu Jesus ku tilmaamay beenaale saddex jeer.

"Sida ay muujinayaan ra'yi-uruurinnada laga sameeyay Portugal, kaliya 15% dadka reer Portugal ayaa taageersan Ronaldo; dadkuna waxay qabaan in abaal badan uu dalka ku leeyahay, balse waqtigiisii waa dhammaaday, waana inuu taas fahmaa.

"Dhibaatadu waxay tahay inuusan Ronaldo arrintaas fahamsanayn; wuxuu doonayaa inuu sii ciyaaro sidii isagoo 24 jir ah, halka uu dhab ahaantii 41 jir yahay.

"Wax walba sidoodii hore uma noqon doonaan. Wax kasta oo dhaca, ha ahaato inuu mar kale ciyaaro ama in la qabto ciyaar lagu sagootinayo Ronaldo, xaaladdu sidii hore uma noqon doonto.

"Waxqabadka Ronaldo ee kubadda cagta Portugal waa mid gaar ah oo cajiib ah, waana inaan uga mahadcelinnaa adeegii uu u sameeyay dalka. Hase yeeshee, isagoo 41 jir ah, boos kuma laha safka koowaad ee ugu wanaagsan xulka Portugal".