Maxaa ka dhex jira Ronaldo iyo naadigiisa Al Nassr?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Al-Nassr ayaa galay hubanti la'aan kadib markii aanu ka soo muuqan liiska ciyaartoyda kooxda ee kulankii Isniinta ee horyaalka Saudi Pro League ay la ciyaareen Al-Riyadh.
Warbaahinta Portugal ee A Bola ayaa sheegtay in xiddigan 40-jirka ah uu diiday in uu ciyaaro, kadib markii uu ku qanci waayay habka uu Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga (PIF) u maamulayo kooxda.
Labada kooxood ee Al-Nassr iyo Al-Hilal — oo ah kooxda ugu guulaha badan dalka kuwaas oo kala haysata 19 koob oo horyaal ah — ayaa ka mid ah kooxaha uu maamulo PIF, kaas oo sidoo kale taageero maalgelineed siiya kooxda reer Ingiriis Newcastle United.
Ronaldo ayaa ku biiray Al-Nassr sanadkii 2022 kadib markii uu ka tagay Manchester United bartamihii xilli-ciyaareedka, isagoo noqday ciyaaryahanka ugu mushaharka badan taariikhda kubadda cagta, mushahar sannadle ah oo gaaraya £177 milyan. Si kastaba ha ahaatee, hal koob oo kaliya ayuu kula guuleystay kooxda, kaas oo ah Arab Club Champions Cup.
Xiddiga ku guuleystay Ballon d'Or shan jeer ayaa saxiixay qandaraas cusub oo laba sano ah bishii Juun 2025.
Ka hor inta uusan oggolaan qandaraaska cusub, waxaa jiray warar sheegaya inuu ka tagi karo Al-Nassr, iyadoo amaah loogu wareejinayo kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Hilal ay ka mid ahayd xulashooyinka la hadal-hayay.
BBC Sport ayaa sidoo kale heshay xog sheegaysa in dadaalka Al-Hilal ay ku doonayeen Karim Benzema uu ahaa sababta ugu weyn ee niyad-jabka Ronaldo ee Al-Nassr.
Weeraryahankii hore ee Faransiiska, kana soo ciyaaray Real Madrid isla markaana ay Ronaldo hore saaxiibo u ahaayeen, Benzema ayaa ku biiray Al-Hilal isagoo ka yimid Al-Ittihad dabayaaqadii Isniinta kadib markii qandaraaskiisa la burburiyay. Ciyaaryahanka 38-jir ah ayaa tababar kaligiis qaadanayay kadib markii uu khilaaf kala dhex galay maamulka Al-Ittihad oo ku saabsanaa kordhinta qandaraaska.
"Waa qof tartan jecel, mana jecla in kooxaha kale ay sii xoogaystaan," ayuu yidhi ilo xog-ogaal u ah xaaladda ka jirta Al-Nassr.
Horumarkan ugu dambeeyay ee Riyadh ayaa hubaal sii hurin doona xan iyo warar kale — haddaba maxaa khaldamay ee ku dhacay Ronaldo iyo Al-Nassr?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ronaldo ayaa ahaa mid goolal badan dhaliya tan iyo markii uu ku biiray Al-Nassr, isagaoo dhaliyay 14 gool xilli-ciyaareedkii 2022-23 ee Saudi Pro League, inkastoo uu ku biiray bartamihii xilli-ciyaareedka.
Kabtanka Portugal ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka labadii xilli ee ugu dambeeyay, isagoo dhaliyay 35 iyo 25 gool.
Kadib markii loo doortay Ciyaaryahanka Ugu Fiican Bariga Dhexe ee Abaal-marinta Globe Soccer Awards bishii Diseembar, Ronaldo wuxuu yiri:
"Waad ogtihiin hadafkayga.
Waxaan rabaa inaan ku guuleysto koobab, waxaanan rabaa inaan gaaro tiradaas [1,000 gool]. Waan gaadhi doonaa hubaal, haddii aanan dhaawacmin."
Jimcihii ayuu dhaliyay goolkiisii 17-aad ee xilli-ciyaareedka kulankii Al-Kholood, taasoo ka dhigtay inuu gaaro 961 gool oo xirfaddiisa ah — 39 gool ayaa u haray bartilmaameedkiisa.
Hase yeeshee, koobabkii ayaa ku yaraaday Ronaldo.
Al-Nassr ayaa kaalinta labaad kaga dhammaatay horyaalka labadii xilli ee ugu horreeyay ee uu joogay, ka hor inta aysan xilli-ciyaareedkii hore ku dhammaysan kaalinta saddexaad, iyaga oo 13 dhibcood ka dambeeyay horyaalka Al-Ittihad.
Sidoo kale, Al-Nassr waxaa lagu garaacay final-ka King's Cup — tartanka koobka gudaha — xilli-ciyaareedkii 2023-24, markaas oo Al-Hilal ay kaga adkaadeen rigooreyaal.
Xilli-ciyaareedkii hore, Al-Nassr waxaa ka reebay semi-finalka Asian Champions League Elite kooxda Japan ee Kawasaki Frontale, halka xilli-ciyaareedkan ay kaliya u soo baxeen tartanka heerka labaad ee Asian Champions League Two.
Dhanka kale, kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Ahli ayaa noqotay horyaalka Aasiya sanadkii hore, iyadoo haysata ciyaartoy ay ka mid yihiin Riyad Mahrez, Roberto Firmino iyo Ivan Toney.
Ciyaaryahanka ku guuleystay Champions League shan jeer, koobkiisa kaliya ee uu Al-Nassr la qaaday weli waa Arab Club Champions Cup ee 2023.
Xaladaha niyad jabka keenay waxaa ka mid ah, Ronaldo wuxuu arkay saaxiibadiisii hore ee Real Madrid Karim Benzema, iyo xulka Portugal Ruben Neves, oo ku guuleystay horyaalka Sacuudiga intii uu isagu halkaas joogay.
Al-Nassr waxay ka mid tahay afarta kooxood ee waaweyn ee Sacuudiga, kuwaas oo kala ah Al-Hilal, Al-Ahli iyo Al-Ittihad — dhammaantoodna si weyn ayay u maalgelinayeen tan iyo markii Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha (PIF) uu la wareegay sannadkii 2023.
Kooxaha Sacuudiga ayaa qiyaastii £700 milyan ku bixiyay suuqa kala iibsiga xagaagii 2023, iyadoo Neymar uu ugu biiray Al-Hilal £77.6 milyan, taas oo ahayd heshiiskii ugu weynaa ee xilligaas.
Al-Hilal ayaa sidoo kale la saxiixatay Aleksandar Mitrovic iyo Ruben Neves oo ka kala yimid Fulham iyo Wolves, halka Al-Nassr ay keensatay Alex Telles (Manchester United), Aymeric Laporte (Manchester City), Sadio Mané (Bayern Munich) iyo Marcelo Brozovic (Inter Milan).
Dhanka kale, Al-Ahli waxay la wareegtay Riyad Mahrez (Manchester City), Edouard Mendy (Chelsea) iyo Roberto Firmino (Liverpool), halka Al-Ittihad ay heshay N'Golo Kanté (Chelsea), Fabinho (Liverpool) iyo Jota (Celtic), iyo ciyaartoy kale oo badan.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Al-Ahli, Al-Ittihad iyo Al-Hilal ay dhammaantood ku guuleysteen koobab waaweyn, Al-Nassr kuma aysan guuleysan weli wax koobab ah oo waaweyn.













