Sheekadii xalay laacibka Ronaldo iyo Donald Trump ku dhex martay Aqalka Cad

Xiddiga kubadda cagta ee reer Portugal Cristiano Ronaldo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Xiddiga kubadda cagta ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka qayb-galay casho sharaf ka dhacday Aqalka Cad isaga oo la socday Dhaxal-sugaha Sucuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, Xalay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay ka hor xafladda in ay "sharaf" u tahay in uu marti-geliyo Ronaldo, kaas oo door muhiim ah ku leh horyaalka kubadda cagta ee Sucuudiga isla markaana noqday wajiga ololaha casriyeynta ee dalkaas.

Amiir Maxamed bin Salmaan waxa uu doonayaa in uu yareeyo ku-tiirsanaanta dakhliga saliidda isaga oo dhaqaalaha dalka u beddelaya laamo kale, oo ay ku jiraan ciyaaraha iyo dalxiiska.

Mas'uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa hore u xaqiijiyay ka-qaybgalka Ronaldo, balse ma uusan caddeyn inuu qayb ka ahaa wafdiga rasmiga ah ee Amiirka.

Dadka dhaliilsan qorshaha Sucuudiga ayaa rumeysan in maalgashiga ciyaaraha uu ujeedkiisu yahay in la helo sharciyad caalami ah lana weeciyo dhaliilaha la xiriira xuquuqda aadanaha iyo saameynta deegaanka ee warshadda saliidda—arrin loo yaqaan "sportswashing."

Trump waxa uu khudbaddiisii cashada ku ammaanay xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya, isaga oo ku tilmaamay inay tahay "xulafo weyn oo aan ka tirsanayn NATO."

Saacadihii hore Trump waxa uu Aqalka Oval-ka ku qaabilay Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Trump waxa uu markaas u jeestay dhanka xiddiga kubadda cagta ee u dhashay Boortaqiiska, isaga oo martida u sheegay: "Wiilkaygu wuxuu taageero weyn u yahay Ronaldo."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu intaa ku daray: "Barron (Trump) wuu la kulmay, waxaan filayaa inuu ixtaamayo hadda kadib, sababtoo ah hadda way kulmeen."

Waxaa sidoo kale cashada kasoo qayb galay bilyaneerka tignoolajiyada ee Elon Musk, oo ku biiray hoggaamiyayaal ganacsi oo saameyn leh, oo ay ku jiraan Maamulaha Apple ee Tim Cook.

Tani waa booqashadii ugu horreysay ee Musk ku yimaado Aqalka Cad tan iyo markii uu bishii Abriil ka degay xilkii uu ka hayay Waaxda Waxtarka Dowladda (DOGE).

Murun kulul oo u dhexeeyay Trump iyo maalgashadaha Tesla ayaa si shaac ah u socday bilo badan, iyadoo Musk uu xitaa shaaciyay inuu damacsan yahay sameynta xisbi siyaasadeed oo cusub.

Ronaldo waxa uu wajahaya eed sheegaysa kufsi. Kathryn Mayorga ayaa sheegtay in Ronaldo uu kufsaday iyada qol hotel oo ku yaal Las Vegas sanadkii 2009, taas oo uu Ronaldo beeniyay.

Bayaankii uu bixiyay 2018-kii, wuxuu ku yiri: "Waxaan si adag u beeninayaa eedeymaha la ii jeediyay. Kufsi waa dembi laga xumaado oo ka soo horjeeda wax kasta oo aan aaminsanahay."

Sannadkii 2019, dacwad-oogayaasha Maraykanku waxay sheegeen in Ronaldo aan lagu soo oogi doonin dacwad maadaama aan la caddeyn karin eedeymahaas.

Mas'uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa hore u xaqiijiyay ka-qaybgalka Ronaldo, balse ma uusan caddeyn inuu qayb ka ahaa wafdiga rasmiga ah ee Amiirka.

Xigashada Sawirka, EPA

Horraantii 2023, Ronaldo wuxuu u guuray Sacuudi Carabiya, markaas oo uu noqday wajiga Horyaalka Kubadda Cagta ee Sacuudiga isla markaana uu noqday kabtanka Al-Nassr – oo ah koox kubadda cagta ah oo uu leeyahay Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudiga, kaas oo guddigiisa uu guddoomiye u yahay Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

Heshiiska mushaharka Ronaldo ee Sacuudiga wuxuu ahaa mid cirka isku shareeray.

Wararku waxay sheegeen in ciyaaryahanku uu sanadkii qaadanayey $200 milyan – taas oo ka badan nus milyan doolar maalintii.

Juun sanadkan, wuxuu saxiixay heshiis laba sano ah oo cusub oo qiimihiisu dhan yahay $400 milyan, taas oo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kubadda cagta ee bilyaneer noqda, sida ay sheegtay Bloomberg, isagoo hantidiisu gaartay $1.4 bilyan.

Tani waa lacag aad u badan oo uu helo ciyaaryahan 40 jir ah oo ku jira gabagabada xirfaddiisa.

Sida uu sheegay Sanam Vakil, agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Chatham House, Sacuudi Carabiya waxay "si weyn u maalgelisay dhacdooyin iyo shaqsiyaad sumcad leh si ay boqortooyada ugu soo bandhigto khariidadda" dhinacyada isboortiga iyo dalxiiska, iyagoo raadinaya casriyeyn.

Ronaldo wuxuu wareysi uu siiyey Piers Morgan ku tilmaamay Maxamed bin Salman inuu yahay "madaxweynihiisa".

Horraantii bishan, wuxuu ka soo muuqday munaasabad Wasaaradda Dalxiiska oo lagu qabtay Riyadh, halkaas oo uu kaga hadlay mashaariicda horumarineed ee Boqortooyada iyo rajadiisa ah in Sacuudi Carabiya martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA 2034.