"Aamus, doofaar yahay" Trump oo ku xanaaqay gabar weriye ah oo su'aal weydiisay

TRUMP

Xigashada Sawirka, SOCIAL

    • Author, Bernd Debusmann Jr
    • Role, at the White House

Madaxweyne Trump ayaa ku xanaaqay gabar weriye ah oo su'aal ka weydiisay arrinta feylasha Jeffrey Epstein.

Weriyeyaasha ayaa ku sugnaa diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha Mareykanka.

Sidan ayay u dhaceen su'aalaha weriyaha iyo jawaabaha Trump:

Wariyaha: Madaxweyne, maxuu ula jeeday Jeffrey Epstein hadalada uu ku qoray iimaylladiisa marka uu dhahayay "Trump wax buu ka ogaa arrinta gabdhaha"?

Donald Trump: Anigu waxba kama ogi arrintaas. Haddii ay jirto wax caynkaas ah, hore ayaa loo shaacin lahaa. Su'aashu waa: maxaa wax la iskaga weydiin waayay waqtigii badnaa ee uu la qaatay Bill Clinton, iyo madaxweynahii Harvard, ee Summers, ama Larry Summers, magaciisu wuxuu ahaadaba, iyo dadkii kale ee uu xiriirka la lahaa. Jeffrey Epstein aniga iyo isagu xiriir xun baa naga dhaxeeyay sanado badan. Laakiin sidoo kale xoogaa awood buu iga dhex arkay maadaama aan madaxweyne ahaa. Kadib ayuu iska qoray dhowr qoraal oo uu isagu isu diray. Waxa la rabo inaad ogaataan waa: maxaa kala dhaxeeyay Bill Clinton, maxaa kala dhaxeeyay madaxa Harvard, iyo dhamaan dadkii yaqaanay, oo ay ku jiraan JP Morgan Chase.

Wariyaha: Mudane, haddii haddaba aan wax dambi ah ku jirin faylasha, maxaad u…

Donald Trump: Aamus doofaaryahay, aamus.

Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale, Donald Trump oo Aqalka Cad ku casuumay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in "uusan waxba ka ogeyn" dilkii wariye Jamal Khashoggi sanadkii 2018, xilli uu Aqalka Cad ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadalka Trump ayaa u muuqday mid ka hor imaanaya qiimeyn ay sameeyeen sirdoonka Mareykanka 2021-kii taasoo go'aamisay in dhaxalsugaha uu ansixiyay howlgalkii sababay dhimashada Khashoggi ee ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018-kii.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada oo diiday inuu wax khalad ah sameeyay, ayaa Aqalka Cad ka sheegay in Sacuudiga "ay sameeyeen wax walba oo sax ah" si ay u baaraan dhimashada Khashoggi, taasoo uu ku tilmaamay mid xanuun badan.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo markii la dilay Jamaal, taasoo argagax ku beertay xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.

Isagoo ku sugnaa xafiiska Oval Office-ka Talaadadii, Trump ayaa si adag ugu jawaabay weriye su'aal ka weydiisay dilka.

"Waxaad sheegaysaa qof muran badan ka taagnaa," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

"Dad badan ayaan jeclayn ninkaas aad ka hadlayso, haddii aad jeceshahay ama aanad jeclayn isaga, waxyaabuhu way dhacaan."

Laakiin isaga [Amiirka Dhaxal-sugaha] waxba kama ogayn arrintaas," ayuu Trump ku daray. "Ma aha inaad ceebayso martidayada."

Dhaxal sugaha ayaa dhankiisa sheegay in Sucuudigu "ay sameeyeen dhammaan tillaabooyinka saxda ah" si ay u baaraan dilka, oo uu ku tilmaamay "mid xanuun badan" iyo "khalad weyn".

Jamaal

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Weriye Jamal Khashoggi ayaa sanadkii 2018 lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul

Warbixin sirdoon oo Mareykanku soo saaray ah oo si rasmi ah loo shaaciyay 2021 - xilligii Madaxweyne Joe Biden - ayaa go'aamisay in amiirka dhaxalsugaha ah uu ansixiyay qorshe lagu "qabanayo ama lagu dilayo" Khashoggi gudaha Istanbul. Intii lagu jiray maamulkiisii ​​ugu horreeyay, saraakiisha Aqalka Cad ee Trump waxay diideen inay sii daayaan warbixinta.

Halka daraasiin ka mid ah saraakiisha Sucuudiga ay wajaheen cunaqabatayn ka dib dilka, midna si toos ah uma bartilmaameedsan dhaxal-sugaha.

Waqtigaas, Sacuudi Carabiya ayaa diidday warbixinta waxayna ku tilmaantay "mid xun, been abuur ah oo aan la aqbali karin".

Talaadadii, xaaskii uu ka geeriyooday Khashoggi waxay ugu baaqday amiirka dhaxalsugaha ah inuu raalligelin ka bixiyo dilka ninkeeda, taasoo ay sheegtay inaysan jirin "wax sabab ah" oo loo cuskaday.

"Amiirka Dhaxalsugaha ah wuxuu yiri waan ka xumahay sidaas darteed waa inuu ila kulmo, raaligelinna ka bixiyaa oo uu magdhow ka bixiyaa dilka ninkeyga @JKhashoggi," Hanan Elatr Khashoggi ayaa sidaa ku qortay barta X. Magangalyo siyaasadeed oo laga siiyay Mareykanka darteed, waxay ku nooshahay aagga Washington DC.

Kulanka Trump iyo Maxamed Bin Salmaan ee Talaadadii shalay ayaa la filayaa in ay ku jiraan heshiisyo ku saabsan awoodda nukliyeerka ee rayidka ah, sirdoonka macmalka ah iyo maalgashiga Sacuudiga ee Mareykanka, kaas oo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu sheegay in lagu kordhinayo $1tr (£ 761bn) halka $600bn uu ballan qaaday horraantii sanadkan.

Isaga oo ku celcelinaya hadalka Trump, Bin Salmaan waxa uu sheegay in Maraykanku uu yahay "dalka ugu fiican adduunka" waxa uuna ku ammaanay madaxweynaha Mareykanka in uu abuuray "fursad fog".

Labada nin ayaa sidoo kale ka wada hadlay iibka diyaaradda casriga ah ee F-35 ee laga iibin karo Sacuudiga.

Trump ayaa sheegay in iyadoo weli la shaacinayo shatiyada dhoofinta, uu filayo in heshiis uu dhexmaro Sacuudiga iyo shirkadda weyn ee difaaca Mareykanka Lockheed Martin.

Iibka suurtogalka ah ee diyaaradahan ayaa qaylo dhaan ka dhex abuuray qaar ka mid ah saraakiisha Israa'iil, kuwaas oo sheegay in ay suurtagal tahay in ay dhaawici karto "tayada milatariga" dalkaas ee Bariga Dhexe, iyadoo Israa'iil ay ilaa haatan tahay tan kaliya ee haysata F-35.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda F-35

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in nooca laga iibinayo Sacuudiga uu si weyn ula mid noqon doono midka ay Israa'iiliyiintu ku howlgalaan.

"Tan [Sacuudi Carabiya] waa xulafo weyn, Israa'iil-na waa saaxiib weyn," ayuu yiri Trump. "Waan ogahay inay jeclaan lahaayeen inaad hesho diyaarado heerkoodu hooseeyo.

"Laakiin sida aan ka walaacsanahay, waxaan qabaa inay labadooduba joogaan heer ay tahay inay ka soo baxaan booska ugu sarreeya," ayuu raaciyay.

Booqashada Amiirka dhaxalsugaha ah ee Washington way sii socotaa iyadoo ku bilaabatay casho sharaf habeenkii Talaadada, ka dibna waxaa ku xigaya shir madaxeedka maalgashiga oo dhacaya maanta oo Arbaco ah.

Ciyaaryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo - oo u ciyaara horyaalka xirfadleyda Sacuudiga - ayaa sidoo kale la filayay inuu joogo Aqalka Cad Talaadada, sida uu BBC u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Biden ma uusan martigelin amiirka dhaxalsugaha ah wuxuuna wacad ku maray inuu Sacuudiga ka dhigi doono "mid ku ceebeysan" xaaladdiisa xuquuqul insaanka darteed. Sanadkii 2022, si kastaba ha ahaatee, Biden wuxuu booqday boqortooyada si uu heshiis ugala gaaro arrimo kale