Maalinta Suuliga Adduunka: Raggu ma u wanaagsan tahay inay fadhiga ka kaadiyaan?

Nin fadhi ka kaadinaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fernando Duarte
    • Role, BBC World Service

Waa qoraal cilmi-baadhis ah oo aad loo soo xigto waana daraasad 201-kii ka soo baxday Jaamacadda Leiden ee Netherlands. Kooxo dhakhaatiir ah ayaa baaray sida xaaladda jidhku u saamayso arrimo ay ka mid yihiin xawaaraha kaadida u socoto iyo waqtiga ay qaadato in ay kaga soo dhammaato dhinaca kaadiheysta.

Waxay ku soo gabagabeeyeen in ragga dhibaatada ka qaba qanjirka 'prostate-ka' ay si dhakhso leh oo dhammaystiran kaadidu uga soo faaruqdo kaadihaysta marka ay fadhiga ku kaadiyaan, balse aanay "wax farqi ah ku arag" ragga caafimaadka qaba.

Dhab ahaantii, kaadida oo lala istaago aad bay ugu habboon tahay rag badan—bal u fiirso sida ay uga dhaqso badan yihiin safafka suuliyada ragga marka loo eego kuwa haweenka. Laakiin istaagga wuxuu kordhiyaa suurto-galnimada in kaadi daadato, taasi oo dadka kale dhib u keeni karta.

Koox injineerro makaanikada Maraykanka ah ayaa 2013-kii sheegay in dhibco aad u yaryar oo kaadi ah ay "u firdhaan jihooyin iyo masaafooyin badan" taasina waxay ay keeni kartaa ayay yidhaahdeen in kaadidu ay ku duulduusho meelo badan oo suuliga dhexdiisa ah oo xitaa ay ku jiraan meelaha lagu cadaydo.

Buraashka cadayga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daraasad la sameeyay 2013 ayaa sheegeysa in buraashka cadaygu uusan ahayn inuu sidaa ugu dhowaado suuliga maaddaama ay kaadida ku duuli karto

Dhab ahaantii, waa run in dhaqamada qaar ay ku dhiirrigeliyaan ragga in ay fadhiistaan marka ay kaadinayaan. Tusaale ahaan, diinta Islaamka ayaa ka mid ah kuwa ku taliya in kaadida lala fahdiisto iyada oo ah sunnaha suubbanaha (NNKH).

Laakiin rag badan ayaa weli sarajoogga ku kaaja, iyada oo la tilmaamayo in qaabkani uu yahay kan ugu badan adduunyada.

Sannadkii 2023-kii, shirkadda YouGov waxay samaysay daraasad ay ku eegaysay 13 dal oo ku saabsanayd sida raggu u jecel yihiin in kaadidu ka soo wada dhammaato kaadiheysta oo ay faaruq u noqoto.

YouGov waxay ogaatay in uu jiro kala duwanaansho weyn guud ahaan qaaradaha: halka 40% ragga Jarmalka ay sheegeen in ay mar walba fadhiistaan marka ay kaadinayaan, ayaa haddana kaliya 10% oo had iyo jeer istaaga, UK boqolleyda waxay gaadhaysaa 9% iyo 33% siday u kala horreeyaan.

Waxaa xiiso leh in la ogaado in dhaqanka kaadida lala fadhiisto uu aad uga badan yahay Jarmalka, inkastoo dalkaas lagu caayo qofka oo la yidhaahdo Sitzpinkler (nin fadhiista marka uu kaadinayo), taasi oo loo arko wax aan ragannimo ahayn. Dalka Brazil, maah-maah hore ayaa odhanaysay in kaadida la fadhiisto waxay "ku habboon tahay haweenka iyo raha."

Ma suuragal baa in raggu ay la dagaallamayaan dabeecad ka soo jeedda isbeddelka iyo dahaln-rogonka ku yimaadda noolaha si ay u beddelaan habka ay u kaadiyaan?

Sida uu sheegay khabiir sare oo ku takhasusay cilmi-nafsiga horumarka noolaha oo la yidhaahdo Dr Robert Dunbar kana tirsan Jaamacadda Oxford, jawaabtu waa maya.

Maalinta Suuliga Adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dalal badan ayay dadkiisu weli door bidaan inay istaagga ka kaadiyaan

"Ma jiro wax caddayn ah oo sharraxaysa sababta raggu u kaadiyaan iyagoo taagan," ayuu yidhi.

Halkaas ayuuna ku baaba'ayaa cudurdaar kasta oo ay isticmaali lahaayeen ragga aan jeclayn fikradda ah inay fadhiistaan.

"Runtu waxay tahay in qaar ka mid ah ragga ay raaxo ku dareemaan marka ay sarajoogga ku kaadinayaan, halka kuwo kalana ay uga fududahay inay fadhiistaan," ayuu Dr Garthwaite intaas ku daray.

Maadaama aanay jirin talo caafimaad oo go'an, habka ay qof walba kaadidu si dakhso ah ugu soo dhaafi karto ayaa doorasahda kowaad ee ragga adduunyada ku nool — haddii aanay ku qasbin arrimo kale, sida cadaadis uga yimaadda haween ama qoraallo arrimahan ka hadlaya oo lagu dhajiyo gidaarada suuliyada (arrin kale oo Jarmalka caan ka ah).

Laakiin haddii aad istaagayso—ugu yaraan isku day inaad si sax ah kaadida ugu beegto gudka suuliga.