Sida ay u dhacday qisaastii Hodan Maxamuud iyo falcelinta ka dhalatay

Hodan
    • Author, Fardowsa Hanshi
    • Role, Weriye BBC
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku fuliyay haweeney lagu helay dambi ah dilka gabar 14 jir ah, taasoo ah dhacdo dhif ah in haweeney lagu fuliyo xukun dil ah gudaha Puntland. Tani waxay sidoo kale muujinaysaa sida nidaamka qisaasta ee shareecada Islaamka looga dabaqo kiisaska dilalka ee gobolka, iyo sida qoysaska dhibbanayaasha ay u codsan karaan caddaalad toos ah halkii ay ka qaadan lahaayeen magdhow lacageed.

Hodan Maxamuud ayaa lagu toogtay maanta oo Talaado ah magaalada Gaalkacyo, kaddib markii maxkamaddu ku heshay inay garaacday ilaa ay ka dishay Sabirin Saylaan Cabdille, oo ahayd gabar yar oo ka shaqaynaysay guriga Hodan, qaraabo dhowna la ahayd Hodan saygeeda. Dilkan ayaa dhacay dhowr bilood ka hor, laakiin waxaa la sheegay in Saabirin ay muddo dheer ku jirtay xaalad tacaddiyo ah iyo dayac uu ka muuqday guriga qoyska ee ay la nooleyd.

Xukunka dilka ayaa lagu fuliyay nidaamka qisaasta, oo u oggolaanaya qoyska dhibbanaha inay dalbadaan in dembiilaha la dilo halkii ay ka aqbali lahaayeen magdhow lacageed. Qoyska Saabiriin ayaa doortay in la fuliyo qisaasta, taasoo keentay in Hodan Maxamuud la toogto.

Fulinta xukunkan ayaa timid kaddib amar hore oo ka dhaqan galay gobolka Mudug, kaasoo faraya in shareecada Islaamka lagu dabaqo kiisaska la xiriira dilalka, kadib markii Gaalkacyo ay ka dhacayeen dilal isdaba joog ah oo saameyn ku yeeshay amniga iyo kalsoonida bulshada.

Magaaladan, oo u kala qaybsan maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay amni-darro, iyadoo khilaafyo siyaasadeed iyo dhibaatooyin amni ay qayb ka yihiin nolol-maalmeedka dadka.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo ayaa sidoo kale xukuntay seygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi oo lagu helay dambi ah dayacaad iyo masuuliyad la'aan ka dhan ahayd Sabirin, isagoo lagu xukuntay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 500 oo doolar. Garsooraha maxkamadda, Maxamuud Cabdisalaan Cabdulle, ayaa xukunka ku dhawaaqay isaga oo cuskaday qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya iyo aayado Qur'aan, isagoo sheegay in cidii aan ku qancin xukunka ay racfaan qaadan karto.

Dilkan ayaa sababay caro ballaaran oo ka dhalatay guud ahaan Puntland. Bulshada rayidka ah, waxgaradka, iyo haweenka dibadbaxaya ayaa ku baaqay isla-xisaabtan dhab ah iyo in la xoojiyo ilaalinta carruurta iyo shaqaalaha guryaha, kuwaas oo inta badan la kulma tacaddiyo.

Meydka Saabiriin ayaa in muddo ah lagu hayey talaagada ka hor intii aan la aasin, iyadoo qaar ka mid ah haweenka banaanbaxayaasha ah ay codsadeen in aaska la dib u dhigo ilaa xaqiijin buuxda oo caddaalad ah la helo xilligii uu dilku dhacay.

Xukunka

Wararka ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada Gaalkacyo maanta la geeyey meydka Hodan Maxamuud markii dilka lagu fuliyey ka dib, halkaasoo tiro haween ah ay isugu soo baxeen ayagoo ku andacoonaya in ay doonayaan "inay arkaan in qofka la toogtay ay Hodan tahay iyo in kale".

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo joogay goobta toogashadu ka dhacday iyo isbitaalkaba ayaa BBC la hadlay.

"Sidee ku dhici kartaa in qof qisaas lagu xukumay lagu beddelo qof kale, qisaastaas way fushay, caa'ilada Saabiriin iyo Hodanna way ku qanacsanaayeen" ayuu yiri Faysal Shiikh Cali oo ah guddoomiyaha gobolka ee maamulka Puntland.

Wuxuu intaa raaciyey in dadka qaar la tusay meydka si loogu xaqiijiyo, ka dibna la aasay.

Waa tuma Saabiriin

Saabiriin Saylaan Cabdille waxay ahayd gabar yar oo ka shaqaynaysay adeeg guri, isla markaana ku nooleyd qoys qaraabo ah. Daraasad caafimaad oo lagu sameeyay meydkeeda ayaa muujisay in jirdil xad-dhaaf ah lagu sameeyay, iyadoo dhaawacyadu ahaayeen kuwo hore u bogsaday iyo kuwo cusub oo halis ah.

Kiiskan ayaa noqday mid muujinaya nuglaanta carruurta iyo shaqaalaha guryaha ee Puntland, iyo baahida loo qabo ilaalin ka dhan ah tacaddiyada gudaha guryaha iyo bulshada.

Xukunka Hodan Maxamuud ayaa sidoo kale soo jeediyay dood ku saabsan awoodda nidaamka garsoorka ee gobolka iyo sida shareecada Islaamka looga dabaqi karo kiisaska dilalka ee culus. Dadka ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta si weyn uga falceliyay dilkan, iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin dhacdadan, islamarkaana dalbaday in caddaalad dhab ah la helo.